Wednesday, November 22, 2017

RAG KALA DHEEREE OROD SE MAAHA!!!

Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa illaahay subxaana wa tacaalaa inoo suurto geliyay hanaanka wanaagsan iyo sida Nabadgelyada leh ee ay inoogu qabsoontay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13/92017 kii.

Waxaan hambalyo iyo duco halkan maanta u marinayaa madaxweynaha cusub mudane muuse biixi cabdi xildiid iyo Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ee ay shacabka jamhuuriyada Somaliland sida aqlabiyada ah ugu cumaamadeen hogaaminta qarankan barakaysan ee wanaaga, wada dhalashada, isu tanaasulka, lexo jeclada iyo dhawrista qarannimada jamhuuriyada Somaliland ku soo caano-maalay una  xusheen in mudane muuse biixi cabdi halkaa ka sii Ambo-qaado geedi-socodka hayaanka iyo hilinkii ay haysay Somaliland sidii ay uga mid noqon lahayd qaramada la aqoonsan yahay ee dunida ka jira isla markaana ugu horseedi lahaa hogaamin la mahadiyo laguna gaadho horumar iyo badhaadhe loo wada dhan yahay.
Waxaan illaahay uga baryayaa inuu madaxweynaha cusub mudane muuse biixi cabdi ku asturo xilkaas iyo hogaaminta qarankan kuna hogaamiyo cadaalad, sinaan, midnimo ay wadaniyadi ku dheehan tahay.

Waxaan iyagana marnaba kaalintooda la hilmaami karin ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Somaliland ee naftooda u hibeeyay ilaalinta Nabadgelyada, Xasiloonida iyo jiritaanka qarankan oo aan ku sifeyn karo naftood hurayaal aanay la,aantood wax badan oo aynu maanta ku  naashoonaynaa suurto-gasheen.

Waxaan iyagana halkan hambalyo iyo dardaaranba u marinayaa shacabka iyo asxaabta kala duwan mucaarid iyo muxaafidba waxaan leeyahay walaalayaal maanta tartarkii iyo xifaaltankii inaga dhexeeyay maanta wuu soo Af-meermay waxaana inoo wada taala hawl adag oo ay ugu horayso inaan meel uga soo wada jeesano Ilaalinta Nabadgelyada, isku duubni, midnimo, is ixtiraam, qaranimo iyadoo loo wada dhan yahay mucaarid iyo muxaafidba.
Dhalinyaro iyo waayeelba, rag iyo haweenba, culimo iyo caamaba.

Waxaan leeyahay walaalayaal kursiga qaranka hogaamintiisa ugu sareeyaa laba nin ma wada deeqo balse waxaa ina wada deeqda qarannimada jamhuuriyada baraykan ee Somaliland ee aynu hareeraha wada qabano oo ay wada hinjino hawsha inoo wada taala.

Illaahay hogaanka cusub ha inooga dhigo mid tubta wanaaga iyo horumarka inoo horseeda quluubta shacabkana mideeya  illaahayna ha ina garab galo dhamaanteen .

 Maxamed Mahad Muxumed Good

Sunday, July 30, 2017

AAKHIRU SABAAN!!!

FAARAX NUUR WACAYS (IHN)

        Aakhiru Sabaan

Abwaanku isaga iyo dadkii uu maalintaas hoga-tusaalaynay ba waa kuwo aanay cidi ka noolayn hase ahaatee Abwaanku wuxuu inooga tegay dhaxal, waano, iyo dardaaran aan duugoobayn inta Tiirka dunidu taagan yahay sidoo kale gabaygani wuxuu udub dhexaad u yahay nolosha hadba jiilka markaas jooga isla markaana si toos ah ula hadlayaa.
Iyadoo la odhan karo faarax nuur gabaygiisani waa mid nool oo aan dhiman.
Isla markaana aynu ku dabaqno nolosheena iyo jiritaankeenaba.

Hadaba isku soo wada-duub oo iyadoo aanay maanta ka jirin dalkeena marxaldii gumaysigu hadana waxaa hubaal ah inay jiraan hadimooyin qarsoon oo ka mid ah kuwii abwaanku dadka uga digayay.
Iyagoo hadba shaadh iyo humaag dadban salka ku haya.
Taas oo ay ka mid tahay kiniisada boodhka laga jafay ee magaalada hargiesa laga bineeyay waqtigii ingiriiska taas oo faaladeeda iyo lafa-gurkeedaba aad looga dareemayay baraha bulshada ee soomaalida.

Hadaba ku soo durug dulucda iyo bud-dhiga gabaygan

Aakhiru Sabaan.......  

Gabaygan wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub  ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay.  Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur  (Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda  Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe  Inna faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii  Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan;

Wuxuu yidhi..

Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye

Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye

Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e

Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene

Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine

Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye

Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye

Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye

Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye

Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye

Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo

Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo

Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa

Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e

Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye

Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye

                SHAR-GUDBAN

Monday, July 3, 2017

XUJADII ABWAANKA!!!!

XUJADII ABWAANKA

            Dix-Dhagaxeed”

C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa Hanad Soomaaliyeed oo haybaddii maanso ee uu lahaa aan umadiisa ku hodin kuna hagardaamayne, wanaageeda ugu Adeegay waxa uu ahaa geeraarshe, calanka maansadiisu in badan sawir muuqda ka bixisay Soomaalida iyo “Anshaxa xun” ee qabyaaladdu hormoodka ka tahay oo ay had iyo goor u heellan yihiin.

Waxaa Timacadde la soo gudboonaaday wakhti dadka Soomaalidu daaf walba qabyaaladdu ka martay, oo ninkii gabyaa (ama afatahannimo lagu ogaa) qabiil waxaan ahayn tirsan. Markii uu arkay dadkii, in yar mooyee in nin waliba shaadh qabiil isku taagay, ayuu isku dayey in umadaas ka weeciyo “hantaaqada iyo hadimada  ay ku sii hoobanayeen,”
isaga oo adeegsanayey maansooyinkiisii ay wadaniyadda xoogga lehi ku dheehnayd.

Sanadku markuu ahaa 1967kii ayuu mariyey gabaygii la magac baxay “Dix-dhagaxeed,” oo uu tilmaam waafi ah kaga bixiyay aayaha dambe ee Soomaalida. Sida gabayga ka dhex muuqata, waxa uu Timacadde ka diiray dhiigga dadka Soomaaliyeed ee caantaynka la kala siisanayey; umaddii oo hadaf qabiil mooyee hadaf qaran meel isaga oodday; iyo in ubadkii dalka aayaha u ahaa la marin habaabinayey, oo iyagii daabcaddaha laysugu dhiibayey. Gabaygan oo xikmad iyo tuusaalaba  xambaarsan hadii aynu dib ugu yara laabano ama kefad iyo miisaan isu saaro foolxumadii iyo xinjiro-fajaasnimadii dadnimada ka fogayd ee Abwaanka iyo kuwii kale ee dhigiisa ahaaba ka maansoodeen sidii looga bixi lahaa gudcurka iyo mugdigii la dhex gooshayay oo aniga iila muuqata in Tacabkii iyo murtidii ka soo maaxatay garaadka haldoorkii umadani lahayd ay noqotay mid aan cashar laga qaadan isla markaana dardaarankoodii iyo duur-xulkoodii ilaa maanta yahay mid dadkii dhaxalkaa ay uga tageen ku meel markeedu ka dhigeen mid la soo qaato marka wax lagula baxayo ama u cuskado hadalkiisa nin muraad kale uga hooseeyo si weedhiisu maanka dadka ugu duxdo ama u meel marto.
(Ama hal bacaad lagu lisay)

Isku soo wada xooriyoo bal maankaaga la kaasho adiguna,
in xaalkeennu maanta sidiisii yahay iyo in kale.

Hadaba maansadaas oo dheerayd hadaan ka soo qaato tuducyadii gogol-dhiga, Hooriska, iyo Boog-taabashadaba u ahaa ka soo qaato  sidoo kalena barbar-dhig ku sameyn doonaa gunaananadka Tusmadayda Mid ka mid ah Xujoojinkii Abwaankii Xasan Sh. Muumin (Aun) waa heelo caan ah oo ka mid ahayd Riwaayadii uu Curinteeda lahaa ee (SHABEEL NAAGOOD) oo aan iyadana la furfurin nolosheenana saameyn weyn ku leh ilaa maantana ay taagan yihiin waxay ka hadlaysay.
Waxba aniga oo aan ku sii talax-tegin lafo-gurka heeladaas bal aan Akhristoow adiga kuu dhaafee.
Bal aan Ku soo laabano ma hadhooyinkii Timacade.

Wuxuu yidhi.

Docda Bari dareeriga baddiyo Seylac derifkeeda

Dusha Koonfureediyo illaa wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan
deyay awaagteeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye

Dulmi iyo dhac waa waxa qarribay degaladeeniiye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix-dhagaxeede

Anunbaa damqanayee dheguu uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday degashanaysaaye

Doqonniimo kugu baahday baan cidi dabiibayne

Duulkii inkaar qaba jinbaa daasadaw tumo e

Dab markuu bakhtiyo meel kalaa dogob ka qiiqaaye

Waagii dilaacaa naxdimo dihin la sheegaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ay duul walaala a tahayoy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa ways kala dhacdaan daa’in abidkiine

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo galaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye waa dix-dhagaxeede

Wixii hore usoo daashaday degashanaysaaye.

Gondo-dhiga faalada.

Waa xujadii Abwaan Xasan Sh. Muumin Oo inoo Hogo-tusaalaynaysa halka xadhigu ka qaloocday Abwaanku xujada heeladan wuxuu u furfuray qaab sarbeeban isaga oo Dawaynteeda iyo xalinteedaba dadwaynaha inay gacantooda ku jiraan xusay.

Bal hadaba aan soo qaato kaliya xujoojinkiisii ku jiray heeladan aniga ka reebay jawaabtii ay ka bixisay Hibo mohamed oo kula luuqaysa Abdi Muhumed Amiin  (Aun). Aniga oo Akhristoow adiga kaaga tegaya inaad aragtidaada qofeed iyo ta suuganeedba ku cabari doona.

Wuxuu yidhi.

DAB DHAXMOODAY!!!

Doc kastoo la eego Nolosha dunidu waa dabkee Haduu dabkii dhaxmoodo Maxaa lagu diiriyaa? Waa tilmaan la daahoo Degdeg kuma haboonee! Adoo deggan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii.

DUR-DUR OOMAY !!!

 Dur-durkaa laga cabaa Biyihiis lagu dabaashaa Haduu harraad dareemo Darkee laga waraabshaa? Waa tilmaan leh daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo degan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii!

DAWO BUKOOTAY !!!

Qofkii cudur dilaayo Dawadaa bogsiisee Haday dawo bukooto Maxaa lagu dabiibaa? Waa tilmaan leh daahoo Degdeg kuma haboonee Adoo degan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii.

DUFAN BASAASAY !!!

Subaga dufankiisa Dadku ku dhaashadaane Haduu dufan basaaso Maxaa  duxdii ka qaaday Waa tilmaan leh daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo deggan u fiirsoo ujeeddada i deeqsii

w/q. Mohamed Mahad Muhumed

Friday, June 2, 2017

ABWAAN QAASIM (GABEY)

Cirsan-ka-yeedh

Axmed Ismail Dirie "Qaasim

Waa gabay abwaanku ku sifaynayo sidii loo dhibsaday maamulkii
Waagaas jirey Isagoo saadaalinaya isbeddel inuu dhici doono.
Isbeddelkaasi waakii dhacay Hayeeshee ma noqon mid lagu caano maalo oo waatii Caada-qaatayaal caynaanka dalka boobeen
Wuxuu yidhi.

Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe

Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede

Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye

Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e

Cirsan-ka-yeedhkii  warbuu sheegay maanta Caliyoow'e

Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye

Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey

Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye

Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e

Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne

Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celine

Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye

Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye

Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye

Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide

Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e

Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Thursday, May 18, 2017

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE KU DUUGAN XUSUUSTA 18KA MAY!!!

Waxa maanta ay taariikhdu  ku beegan tahay 18/may/2017 taas oo maanta hanaan ka gedisan qaab-maamuuskii dadka ku abtirsada jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland u xusi jireen looga muuneeyay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,
Isla markaana loo xusay iyadoo lagu sidkay debaal-deagii maalintan qaadhaan ururin iyo kaalmayn dadkeena ku tabaaloobay abaartii baahsanayd ee geyigeena ku habsatay iyadoo aan illaahay ugu mahad-naqayno raxmaadkiisa uu inaga soo furtay abaartii iyo Oodo-lululkii.
Qaadhaan ururintan ayaa waxa madaxweynaha qarankan barakaysan
mudane. Ahmed mohamed Mohamoud Adan amray in fadhiga looga kaco isla markaana lagu kaalmeeyo dadkeena abaartii ku hawaarsatay ku mood iyo noolba beelay.

Dabbaal dega sannad-guuradii lix  iyo labaatanaad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada Qarannimada Somaliland, waxa aynu maanta xusuusta dib ugu celinaynaa taariikh muhiim ah iyo magaalada Burco 18/May/1991-kii oo ahayd wakhtigii lagu dhawaaqay madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga aynu hadda hadhsanayno, iyada oo dulucdu tahay inaynu iftiiminno ciddii furaha u ahayd go’aanka maalintan taariikhiga ah ee loo dabbaal-degayo.
Markii Somaliland laga saaray Ciidammadii dawladda Soomaaliya waxa shirar nabadayneed lagu qabtay Gobollada Awdal, Saaxil iyo Hargeysa, iyadoo ugu dambayntii lagu ballamay in Burco lagu qabto shir magaciisu yahay Shirkii Guurtida, Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaas oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Gebagebadii shirkan waxa ka soo baxay lix qodob oo kala ahaa:
1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.
Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku, kuwaas oo kala ahaa
1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
3. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
4. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
7. Suldaan Ismaaciil Muuse
8. Suldaan Rashiid Suldaan Cali
9. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
10. Axmed Sheekh Saalax
11. Sheekh Daahir Xaaji Xasan
12. Axmed Xirsi Cawl
13. Suldaan Maxamed Jaamac
14. Xasan Cumar Samatar
15. Maxamed Warsame Shiil
16. Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo
17. Suldaan Cali Muuse iyo
18. Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi
Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.
Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.
Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa
1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In muddadaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.

Illaahay dalka, dadka, iyo duunyadaba ha inoo barakeeyo.

Q/ Mohamed Mahad Muhumed

Friday, March 24, 2017

HALKAN KAGA BOGO GABEYGII GOCOR !!!

Afeef.
Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi-
Markii midho yarii wada shukh yidhi shidantay deeleeye
Shaxdii baan hayaanka u raray iyo shaambis geediga'e
Bal hadaba anigana i eeg halkaan la maro aragtidayda iyo godkaan geediga ku furo.
Bilaw.
*Gocor iyo markii gulaanadu wada gabyeen gudubtey miimley'e
*Afaray guraangura goortay gashaan maandhow gaasiraye
*Geeraarka iyo gudbantii ku furay xodayo guudkoode
*Gamaarayda iyo way kala gurtaan abwaan gaasa bixiyaaye
*Gomboshaaga maansada ka guray Ga iyo wow-geede
*Gelbiskeeda maansada marbaan cidi igu gaadhayne
*Goortaan  gufaacada kacshee galawgu goobyaalo
*Galaydh iyo Abdilaahi Ganey wow gudboonahaye
*Murti gaaxsanayd iyo haduu godolkii muuqdaaye
*Gujo-beeno kuwa la goobyaalayoo gaagaxshaa badane
*Kuwii gabayga gawl-gawli jiray gorofka ha u dhiibin
*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay
*Gedii faarax nuur iyo carrabey ma u giraan-gireyey
*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

*Gartan uu mudaacalay iyo muduci rag isku maan-dhaafay
*Gorfaynteeda xaajadan la wada goobayee goroda la is dhaafshey
*Gondaha iyo faaladan darteed laga gabyee gomada la is ruugay
*Garbadhka iyo jaariga gunuuska gooha dami waayay
*Gartu midbay gaar u noqon lahayd labada geesoode
*Gadh-cadaadi bay wayday iyo guurti loo madhaye
*Gacmo-daaliska ayay eeday iyo googaa maansaduye
*Gabanada jiilaal dadkoo  wada gab yidhi gaajo ledi waayay
*Gurboodkiyo dhalaankii goblamay guunyadadii hoyatay
*Goosankaa ka soo hadhay hadaan geedo lala gaadhin
*Gocashada xanuunka leh nin ragi wuu raran gobyaade

*Gabaahiirta waa laga gudbaa guri-caskaad taale
*Gurgurshaagii lagu gaadhi laa gegada loo guurey
*Garaadka iyo haduu kaa galbado geesi lala hiisho
*Gadh-wadeenkii la gaboodsan jiray garo halkuu joogo
*Gibisha iyo heeryada haduu gawska ku idleeyo
*Guudka waxaad ka saartiyo markaan gurada loo giijin
*Garba beelku waa u halis misana laguma guuraane
*Good iyo abees guun ah baa dhex galay maandhow gogoshiiye
*Gofaniyo gabaaray lala ma dego god ay ku noolyiine
*Gama'a iyo raaxada naftii gubatay goolmoone
*Kuwa dayaxa guudkiisa degay waan gudboonahaye
* Uma garabsan geediga guhaan faal ku gaamuraye
*Garaad iyo aqoontay godleen garasho xeel-dheere
*Goormaa Gudcurkaad dhex-goobyaaleysaan garasho ku sheegi 

*geediga ninkii gaadhsiin lahaa garo halkuu joogo
*Baar-qabkaan geela u xulee waayo daba guuxay
*Ma garaaco doobtiyo guhaad micidii geylayde
*Goortuu gaanihii ka baxay car garo waa kan geesmaraye
*Guyaal iyo guyaal somalidan caqliga garashadii liiday
*Ganaax baa malaha lagu giijiyee waanay garanayne
*Goobtii nabsiga laga soo guntaday garo wixii gooyey
*Galabtii timaadaba wakhtigu wuu is gurayaaye
*Gadaal hore midkee loo socdaa waanay garanayne
*Godkii laga qaniinay gashaa goor iyo ayaane

Aragtidii. Mohamed Mahad Muhumed Good

Friday, March 17, 2017

MUS-DANBEED IYO MIINLEY

Miimleydan la inagu soo maqiiqay daadkeeda hadaan aniguna moos isaga dhigo maxaa ku jaban ileen miimka waatan laga wada maansoodaye

Maalmahan waxa baraha bulshadu ku kulanto iyo Ardaayada lagu wada caweeyo ka dhex muuqanaysay maanso magaceeda loo asteeyay miimley maansadaas oo uu ibo-furay Abwaan Xasan Daahir weedhsame oo markaad u fiirsato dhamaan Hal-abuurka ka qayb qaatay dhinac kaliya ka wada heenseeyeen taas oo ah mid isugu biyo-shubanaysa Dhaliil midba dhan kaga soo ganayo falaadhaha maansada

          Mus-danbeed

Abwaanada mudh-bixiyee
Miimkeeda maansada
Midba ma-hadhadisii
Marag uu ku maamulo
Ku magaabinaayee
Garta meel ku moosoow
Murtidiyo ujeedada
Runta lama masuugee
Xaqaa loo mitibiyaa
Daadkaa la iska moosaa
Miimka iyo mus-cirirtaad
Mus-danbeedkii taladiyo
Maamulkiyo hogaankii
Midigtiinu keentee
Shalay loo mash-xaradiyo
Kuwa qaranka maamula
Maan-laawaayaashaad
Maantana ku sheegteen
Kala maan inay tahaad
Marageeda furaysaan
Sharafbayna mudanyiin
Meel kastood eegtee
Waa mujaahidkiinii
Sakalaha mariikhiyo
Halista u muquurtee
Idinkoon u meel deyin
Waa markii sii tidhaahdeen
Mana gayo xajiintiyo
Mudanuhu xag-xagashada
Miimka aad ku sheegteen
Waa meheradoodii
Dadkan lagu metaaliyo
Muusanawga qiirada
Marka mawdku qaadana
Qabri muunadiisii
Maalmaha dambeetana
Loo sii min-guurshaa
Miisaanka ducadoo
Dadku wada majeertaan
Dhibna lama mutaysteen
Haduu maanta joogaad
maandhow tidhaahdaan
Duulkan meehanawga ah
Dulmi qaran ku maamula
Doqon moogan weeyaan
Maalkiyo nafteedii
Wixii mooro-duugoo
Mililkiyo xumaantaa
Dadkaygani majeertaan
Waxay mooyi doorteen
Kolkii la iska baal maray
Maskaxdii fayaw iyo
Raga kiisa mudanee
Maan-gaab la yidhi mee
Maxaadhkaan duntii wadan
Ku huluuqday maradee
Qalbigaaga oo maqan
Haduu faraha kaa mudo
Yaa kula miskeedsheed
Maanta eersanaysaa
Runta lagama maarmee
Miimleyda maansada
Abwaanada mir-kiciyoow
Ka garaaba maansada
Mililka iyo boogtana
Yaan gacantu guud marin
Caku mudanahaagana
Ceebtaad ku miistiyo
Ha ku noqonin maaley
Maryihiisa heertiyo
Mara-boob sideedii

Mohamed Mahad Muhumed Good

MUS-DANBEED IYO MIIMLEY

Wednesday, February 15, 2017

CAADIFAD CAQLI IYO WADANIYADI WEHELIN!!!

-Taariikhdu waynoo musbaax  maanka caawimo’e
 -Adoo male gudaayaad  yaqiin marar ku gaadhaaye
-Makaankaaga waa inaad taqaan melba waxa yaal!
Xaaji  Aaadan  Axmed Xasan  (Afqallooc)
“Ummad aan  taariikh  sugan  lahayn isla markaana casharada wakhtiga wax ku qaadani waa ummad aan  jiritaan  sugan  lahayn oo foorarta”!  

mudanayaashii  Golahii  Sharci-dejinta Somaliland ee la soo doortay sanadkii  17/02/1960kii    kulankoodii  ugu  horreeyey  yeeshen  05/04/1960kii waxay horseedeen dhabo aan la mahadin .
Waxaa ka dhigan mid aan laga fiirsan, oo ay wadaagaan jibada, caadifada, aqoon-darrada, kulankii 12/2/2017kii ay ku meel mariyeen labada gole qaran ee Somaliland heshiiskii dekada berbera lagaga yagleelayay saldhiga military ee dawlada Imaaraadka kaasi qaaday dariiqii lagu hungoobey ee lagula midoobey somalidii talyaanigu gumeystay.

Sir  Douglas  Hall,  wuxuu ahaa badhasaabkii xukumayay Somaliland   sidoo kalena wuxuu ahaa ninkii laga guntay  gunaanadkii iyo dardaaranka  ahaa:

“Khatar  ha gelinnina aayatiinka mustaqbal ee  dadka iyo dalka Somaliland”!

Hadalladaas  ay  Phillip  Carrel oo ahaa xoghaye iyo  Sir  Douglas  Hall  u  naqayeen  xildhibaannadii  Somaliland
Waxa la taariikh iyo xusuus noqon doona nin odey ah oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland magaciisa ma aqaan balse waxaan ula baxay anigu Xaaji NO NO NO!!!!! Waxaanu u muuqday nin meel uu ka doodo waayay oo tol iyo taagba waayay balse taariikhdu xusi doonto wax kastaaba ha ka gaadheene, hadalka Douglas Hall maalintaas  waxa  uu  inta  badan  ugu  muuqday  hadal  hawadu  sidato  oo  aan  macne  badan  ku fadhiyin,  maalmo  yar  ka  dib  se  macne  badan  ayuu  dad  badan  u  samayn  lahaa  haddii  ba  ay  cidi xasuusan  lahayd,  maantadan  qoyan  buu  se  weligii  ugu  macne  samayn  badan  yahay  marka  si fiican  looga  bogto,  loona  gorfeeyo  ee  lagu  dhereriyo  geeddi-socodka  galaha  taariikheed  iyo wacaalaha  xaaladihii  la  soo  maray  iyo  wixii  laga  mutay  midnimadaas  iyo  joogtada  maantadaa qoyan xaqiiqooyinka  jira  ee  faraqa  inoo sudhan.

Si  kastaba  ha  ahaato’e,
26-kii  June  1960  Beerta  Xorriyadda  ee  u  dhaxaysa  Togga  Maroodijeex iyo Codkii  Goodirka, Hargeysa, Hooyadii  Xorriyadda  Soomaalida, ayaa  calan saarkii ka  dhacay. Cabdillaahi Suldaan  Maxamed (Timacadde)  ayaa  la oogsanaya: –

“In sidayda tihiin iyo
 –  In kalaanan saxayne
 –  Soomaaloo calan taagta
 –  Saakaynoogu horrayso’e
 –  Saaxirkii kala guurnaye
 –  Sarreeyow ma nusqaamow
–  Aan siduu yahay  eego’e
 –  Kaana siib kanna saar”!

“Waataa curatayoo mataano dhashee
–  Aan maallo hasheenna  Maandeeqeey”
–  Golatoo candhadii gollaha marisee
–  Aan maallo hasheenna  Maaqdeeq”  iyo
 –  “Soomaalaay  kulligaa
–  Kulmiyaa la sudhee
 –  Kadabaa dhaha  eey”! Kooxdii  Walaalaha  Hargeysa  oo  ay  ka  dhex  muuqdaan  cododkii  halaasiga  ahaa  ee  Maxamed Axmed Kuluc  iyo  Maxamed Yuusuf  Cabdi, labada  (AHUN),  ayaa  iyaguna  maalintaas qaadayay.

Xornimadii  Somaliland  waxa  ay  heshay  aqoonsi  caalami  ah  oo  ay  qalinka  ku  duugeen  in  ka badan  34  dawladood  oo  ka  tirsan  waddamada  Qaramada  Midoobey.Waxa  xusid  mudan  in  ay waddamada  Somaliland  aqoonsaday  xilligaas  ay  ka  mid  ahaayeen  dhammaan  waddamada awoodda  badan  ee  USA,  UK,  France,  China  iyo  Germany.  Bal  se  5  maalmood  ka  dib  ayay Somaliland  si  shuruud  la’aan  ah  ula  midawday  Soomaaliya  oo  6  maalmood  ka  dib  qaadatay xormadiisii. Jaraa’idkii  caalamka  ka  soo  baxay,  gaar  ahaan  Ingiriiska,
waxa  26-kii  Juun  1960  uu  bogagga hore  ku  wadheen  faallooyin  aan  faraxadi  ka  muuqan  oo  ay  ka  mid  ahaayeen

 “Dadkii dawladnimadooda tuuray  ama diiday iwm!”

Bal halka go,aankani gondo dhigto iyo waxa laga dhaxlaba nooli kulantee!!!

 Si  kastaba  ha  ahaato’e,  himilada  halgankaasi  waxa  ay  ahayd  sii  ambaqaadka  riyadii Soomaaliweyn.In  la  xoreeyo  oo  deedna  la  isu  keeno  shanta  Soomaaliyeed.Soomaalidii Talyaanigu  gumaysanayey,  Djabuuti  oo  Faransiisku  haystey,  Somaliland,  NFD  iyo  Soomaalida Itoobiya. 1-dii  Julay  1960,  waxa  xoroobey  Soomaalidii  Talyaaniga,  isla  maalintaana  waxa  is-raacay Somaliland  iyo  Soomaalidii  Talyaaniga  si  shuruud  la’aan  ah  oo  degdeg  ah,  waxana  daba  ka riixayey  midowgaas Somaliland oo naanaysta  “Qaldaan”  dadkeedu kula baxeen.

Gobannimada  gaadhiddeeda  natiijooyinkii  tabnaa  ee  ka  soo  baxay,  hal-abuurka  ayaa  dad  hortii dareenkoodu  ku cabbiray. Waxaana  hal-abuurkaas  ka  mid ahaa: Axmed Ismaaciil  Diiriye  (Qaasim):

–  “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii  galaye
–  Dusha midabka Soomaali  baad dugulka mooddaaye
 –  Misna laguma  diirsade qalbigu waa dirkii  Karele!”

Aadan  Axmed  Yuusuf (Aadan-carab):

–  “Sidii baan midhaa uga gurtaa madaxa Toomoode
–  Sidii baan martida caanogeel ugu macsuumaaye
–  Sidii baan marqaafyo u sitaa maas la ii  tolaye
– Bal muxuu maslaxadoo itaray ministerkaan doortay!”

Wax  yar  ka  dib  gaadhitaankii  gobannimada  iyo  is-raacii  labada  gobol  sidaas  aynu  soo  tibaaxnay, iyada  oo  weli  lagu  guda  jiro  (maalmihii durbaanka iyo sacabkii aan caqligu hagaynin )”
ayaa  maansayahankii  gobannimada  halgankeeda  ka  mid  ahaa  ama  dhalasheeda  la jaanqaaday  ee  dabbaaldeggeeda  ka  qaybqaatay,  in  badan  oo  ka  mid  ahi,  waxa  ay  la  sarakacayaan dareen  taban  oo  hoosta  ka  xarriiqaya  tabashooyin  uga  dhex  muuqday  sidii  loo  maamulayey midhihii  ka  dhashay  gobannimada  iyo  Maandeeqdii  mataanaysay  ee  candhadana  gollaha  marisay ee in la wada maalo la naawilayey.

 Cali  Sugulle  (Duncarbeed)  ayaa  dareenkiisa  taban  hees  ku  wadaajinaya  darandoorri  ahaan barbaar  iyo  hablo  ka  mid  ah  kooxdii  walaalaha  Hargeysa  ee  xoriyadda  iyo  is-raaca  geeraarrada iyo giblada u googooyey ee ku gelbinayey dhawr sannadood hortood.
Sidan soo socota:-

Inantii:
–  “Hawshaan kula qaybsadaa
–  Oo harraadkaan kula qabaa
 –  Oo anigu waan kula hayaa
 – Ee adaan i hagaajinayn!”

 Inankii:
–  “Adduunyo hal baan lahaa
 –  Hashiina horror bayga dilay
– Oo hadhuub madhan baan sitaa!”

Inantii:
–  “Halbowle siduu i  go’ay
 –  Haab-haabtay wax  aanan hayn!”  iyo
–  “Qadhqadhay  roobka
 –  Qawqawlow  qadhqadhay
 –  Qadhqadhay  qaawanaantaydu arkaa
 – Qadhqadhay ee qudhayda halkeen dhigaa!”

1961  waxa  dhicisoobay  inqilaab  dhallinyaro  saraakiil  ahi  isku  dayeen  in  ay  gobolladii  waqooyi ka  gooyaan  kuwii  koonfurta  ee  ay  sannad  ka  hor  la  midoobeen.
Xasan-kayd  Walanwal  ayaa hormoodkooda  ka  mid  ahaa,  waxa  na  ku  weheliyey  saraakiil  badan  oo  ay  ka  mid  ahaayeen.
 Xuseen  Cabdillaahi  Bullaale,  Siciid  Cali  Giir,  Cabdi  Xabashi  iyo  Cabdillaahi  Congo.  Waxa raacay  qaaddacaaddii  aftidii  Distoorka  ee  Jamhuuriyaddii  Soomaaliya  ee  1961  ee  Aadanyabaalayska  iyo Wallawaynaynta  loo  yaaqaanney.
Cabdillaahi  Suldaan  Timacadde  oo,  1961,  Gebilay  ka  mid  ahaa  dad  ku  soo  dhowaynayey Cabdirashiid  Cali  Sharmarke  ayaa  geeraar  soo  dhowayn  gob  iyo  caadkeed  ah,  duco,  dardaaran iyo  digniin  ah  goobtii  soo  dhowaynta  ka  tiriyey,  isaga  oo  dareenka  shacbiga  ee  gobolka  guud ahaan  cabbirayey,  waxanu  yidhi:   –

“Maalintii dadku qiiqay  een isticmaarkii is diidnay
 –  Nimankii  danta sheegtaye  dacwaddooda dhammaystaye
 –  Dalkan caawa  la joogo dulligii isticmaarkiyo
–  Karal  daaqad ka saaraye  duddadaanu ahayne
–  Dawlad soo gashay miihine  danteennaa laba diiddaye
 –  Dabuub aannu maqlaynay  dareen baan  ka qabnaaye
 –  Dugsigii barlamaankiyo dekeddii  Xamar baa leh
 –  Berbera daadku ha qaado doonniyi yaanay  ku weecan
 –  Labadaa ka la daaya’oo duqaydii  barlamaankaay
 –  Yaan  la daymo la’aaneey!

October  1962,  waxa  dawladdii  Cabdirashiid  iska  casilay  wasiirro  reer  Waqooyi  ah  oo  dedaal  ugu jirey  in  ay  muujiyaan  tabashada  dadka  reer  Somaliland,  iyada  oo  maalmo  ka  dibna  ay xildhibaannadii  golaha  wakiillada  ee  Waqooyigu  ku  hanjabeen  in  ay  ka  bixi  doonaan  golaha wakiillada. Hase  yeeshee  dedaalkaas  siyaasadeed  waxa  wiiqay  oo  mija-xaabiyey  mudanayaasha  kala  ah Ibraahim  Cismaan  Food  (Basbaas)  iyo  Yuusuf  Ismaaciil  Samatar  (Gaandi)  oo  loo  kala magacaabay  wasiirrada  Ganacsiga  iyo  Wershedaha,  iyo  Waxbarashada  sida  ay  u  kala horreeyaan,  raggaas  oo  loola  shiray  si  qarsoodi  ah,  waxaay  oggolaadeen  in  ay  buuxiyaan jagooyinkii wasiirradu iska casileen.

 “Inamada dhowaan ii  kacaw waydin eersadaye Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye Ma afurin agoonkii wadiyo kii ushaw sidaye”!

Qaasim Ismaaciil  Xalleef  oo  ka  mid  ahaa  jaaliyaddii  Cadmeed  ayaa  wax  ka  soo  dhowaynayey Cabdirashiid  Cali  Sharma’arke  oo  booqasho  Cadan  ku  yimi  1967.  Gabay  geeraarkaas  sare  ee Cabdillaahi  Suldaan  u  dhigma  ayuu  ra’iisal  wasaaraha  uga  tiriyey  goobtii  soo  dhowaynta, waxanu yidhi: –

“Rashiid Cali sharma’arkow digtoor raahibaad  tahay
–  Raasada Berberi waa wadnaha Reer waqooyiga’e
 – Kol se haddaad Kismaanyo u rartaan reerku kala guurye!”

Go,aan qaadashada caadifada aan caqligu wehelin ku dhisan iyo talo dhacantay calaacalkeeduba waa mid aan ka bartay talada aan qoys lagu dhaqin ee qaran lagu maamulayo si indho la,aan ah reer Somaliland.

La meel mari heshiis saldhig military oo aan maanta loo baahneyne ha loo joogo calaacalkeeda iyo waxay ka dheefaanba.

        SHAR-GUDBAN!!!!

Q. Mohamed Mahad Muhumed

Friday, January 27, 2017

SIXIR BARARKA SIDEE LOO DABIIBI KARAA?

      SIXIR BARAR!!!!

Sixir Bararka Maxaa Keena Dawayntiisu Se Maxay Tahay?

Waxa beryahanba dalka ka taagnaa sicir barar kolba kolka ka dambeysa sii kordhayey. Waana mid aynu wax la wadaagno adduunka, wax badanina ay inaga inagu khaas tahay. Waa mid lagaga bixi karo xanuunkiisa inta badan iskaashi shacbi iyo xukuumad ka yimaada, bal se ay tahay inay aanu dawlad ahaan si wadajir ah uga hawl galno, Giraantana ay u qabato xukuumaddu.
Halkaas su’ aal ayaa ku jirta oo ummaddeenu xukuumad iyo dawlad isku si ayey u adeegsadaan taas oo ah.

 maxay kala yihiin Xukuumad iyo Dawlad?

 Xukuumad.
 waa Golaha Fulinta,
Dawlad.
 waa seddexda Gole ee Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka iyo laamahooda oo dhan.

Mawduucan oo ah mid aad u baxad weyn, una qoto dheer aan kor xaadis ahaan af sahlan oo suuq joogu fahmo aynu ku bayaamino waxa looga jeedo sicir barar. Waxa ay tahay sicirka alaabta iyo mushqaayadda adeegyada oo kor u kaca muddo cayiman.

Waxa lagu cabiraa alaabooyin isagu jira cunto dhar, iyo qalab kale oo loo arko daruuri ayna ku jiraan shidaalku oo dal waliba ku bilaabo qiime malintaas uu joogo, deedna bil walba la eego inta celcelis ahaan boqolkiiba kor ama hoos u dhacday. Waxa la helaa tusaale loo yaqaan CPI (Consumer Price Index) oo ah ascaarta alaabadaas iyo adeegyadaas isku celceliska ah boqolkiiba inta uu ka joogo. Ayaan darro dalkeena weli taas lagama hirgelin. Inaynu nidhaahno sicir barar ayaa jira mooyee, inta uu leeg yahay iyo kicidiisa boqolkiiba inta sanadka kacday amba bisha korodhay cilmiyan ma sheegi karno.

Waxan xusuustaa in Wasaaradda Qorsheyntu hawshaas 3 sano ka hor ka hawl gashay lama se joogteyn.

Cilmiga dhaqaalaha sicir-barabka waxa jiray hab loola tacaalo, dhawaanahan waxa soo kordhay noocyo magacyo kale ku soo kordhiyey ooy ka mid yihiin stagflation oo ah sicir-barar (inflation) ay barbar socoto Deflation ( Sicir hoos u dhac). Tusaale ahaan sicir bararku badiyaa waxa la socda shaqaalaha oo badan, oo suuqa shaqada leysku eryo, mushaharku kor u kaco, sanadadan danbe iyadoo sicir-barar jiro ayey wehelisaa shaqo la’ aan baaxad weyni. Taas oo ka dhigta daaweynta mid kiniino badan oo is burinaaya lagu dabiibo. Waayo daaweynta sicir bararka waxa badiyaa ka dhasha shaqo yaraan.

Waxba yaanan dhex gelin badweynta dhaqaalaha ee aan dib u fadhiisto oon qodabkeenan u soo noqonee.

Badiyaa sicir bararka waxa keena laguna dabiibaa aan ku soo uruuriyo laba siyaasadood oo mid waliba leedahy qaybo xoog ah oo u baahan in iskood loo eego:

1- Lacag badan oo suuqa qasha, iyadoon ayna kordhin badeecaddii iyo adeegii suuqa yaalay.Waxaa saameyn ku leh siyaasadda lacagta (Monetary Policy) oo ay (ka mid tahay siyaasadda Bankiga Dhexe ee dulsaarka amaahda (Interest) iyo kaydka Baananka (Bank Reserves) iyo sarifka lacagaha qalaad.

2- Siyaasadda Cashuuraha (Fiscal Policy). Cashuurta dadban ee badeecadda oo kor loo qaado, waxay kicisaa ascaarta. Cashuurta tooska ah ee mushaharka iyo macaash macaashka laga qaadaa waxa lagu sifeeyaa lacag dhaqaalaha bulshada u qaybisa oo waa qaniga ka qaad oo faqiirka wax ugu qabo amba sii..iyadu sida kale ayey u shaqaysaa oo kolka la kordhiyo sicir bararku wuu yaraadaa. Waayo waxay toos u taabata jeebka muwaadinka cashuur bixiyaha ah. Waayo shilin kasta oo cashuur ahaan loo qaaday ma galo jeeb muwaadin kale.

Afeeftaas dabadeed aan bayaamiyo tan goonida inoo ah ee dalkeena curyaamisay:

1- Waa lacagta doolarka oo noqotay lacagtii dalka teynina noqotay lacag ajnibi ah. Waxa ayaan darro weyn ah in xukuumad iyo shacbiba ayna kalsoonidii lacagteena aynaan siinin. Wax walba waxa lagu iibiyaa waa doolar. Haddaad doolarka haynin waxa loo bedelayaa shilin sida uu shilinku yahay tii ajnabiga ahayd.

Waxa cashuuraheena, leysamada, ganaaxyada iwm dhammaan lagu sheegaa doolar, taasi waa tan xukuumad iyo barlamaanba meel mariyeen.

Qandaraasyada iyo iibka xukuumaddu waxuu yahay mid doolar ah, sidoo kale afka miisaaniyadda lagu sheegaa waxaa u asal ah doolar.

2- Waxa soo raacday lacagta ZAADka oo u dhaqanta sida Credit Card oo ah lacag suuqa si xooli ah u gashay. Ogow in lacagtaasi tahay mid aan meel fadhiyin ee ay tahay mid wareegeysa. Haddii lacagtaas mar qudha la wado doono, waa sida Baananka oo lama heli karo. Kolka isticmaalkeedu kordhaba waa lacag cusub oo suuqa gashay.

Lacgtan wax kayd ah oo Bankiga dhexe ka qaaday ma jirto, si uu u xakameeyo sicir bararka waxa Bankiyada dhexe ay maamulaan kayd marna ay kordhiyaan marna ay dhimaan ooy ka qaadaan Bankiyada iyo Hayadaha la shaqada ah.

TALOOYIN IYO DAAWEYN.

Arrimahan la xidhiidha dalkeenu, waa iyada oo shaqo la’aan jirto ayey haddana ina hayaa sicir barar, daaweynteeduna waa laba iska hor yimaada , hase yeeshee waxaan u arkaa keyna mid macmal ah oo la farsameyn karo, walow waqti iyo juhdi u baahan yahay. Sicir bararkeenu waa mid aynu si sahlan gacmaheena ugu sameynay.

1- Sharci aan lagu dhaqmeyn waa inaan la sameyn. Waayo waxa ka abuurma sharciga oon laga baqan iyo isagoo ilka beela oo sahayda shuruucda oon la ixtiraamin. Waa in laga fiirsadaa oo lagu sar jaraa awoodeena aqooneed, kartideena, iyo fahamka bulshada iwm

2- Waa inaynu hirgelinaa isticmaalka shilinka ooy hormood ka dhignaa maxaa yeelay shayga kaliya een Hanti u haysana waa lacagta shillinka dalkeena umad walibana waxay ku faanta lacagtooda.

3. Qiimaha iyo Sarifka lacagaha qalaad wax qiimeya Sariflayasha iyo ganacsatadda Dalka taasi oo ay Habeenkii qiimaha ay isku af gartaan keena suuqa iyaga oo aan u Aabonyeelaynin Bulshda rayidka ah, hadaba shaqadaasi ay hayaan ganacsatadu waa tii Y Qaban lahayd Bangiga dhexe ee somaliland Balse Illaahay ma garansiiin.

4. Wax muhiim ah in la xoojiyo Bangiga dhexe si uu Aqood ugu yeesho inuu sal gooyo Qiimaha sarifka lacagaha Qalaad.

5.Waa inaynu helnaa lacago fudud oo bulshadu si sahlan ku qaadan karto sida 10 kun S.land 20 kun s.land iyo 50.kun oo s.land Waraaqahasi waxay keenayaan in ay yaradaan sicir bararka kor isku shareeraya.Ogow sida loo soo daabacay 1000 shillin ayay tani u daabici karaa, kartidaasi waa in ay dawladu la tidaa.

6. Waa in laga fiirsadaa labada masuul ee loomagacabayo Banigaga dhexe iyo Wasaradda Maaliyadda waa labaca qof ee ka hor tagi kara awoodna u yeelan kara inay ganacsattda dhuunta qabtaan heerna u sameeyaan waayo waa tiro yar wax la badbadinayayina waa bulsho dhan.

7. Qodobka ugu muhiimsan ee keenaya inuu sii jiro sicir bararku waa ZAAD ka , Waa in xukumadu haday daacad ka tahay inay xakamayso skcir bararka soo noq

noqonaya waa in si isku dhafan dhinaca wakiilada, Guurtida Hayada dhaqalaha ee wakilada, iyo Wasaarada maaliyada iyo Qorshayntub ay si awood leh wax uga qabtaan. una qorsheeyaan.

8. Qodobka ugu danbeeya wax aan leyahay waa in Bangiyada wadanka dhamaantood deposit ahaan laga dhigaa somaliland shillin ku Darsoo Bangiga dhexe waa in ay isticmasha nidaamka aan kor ku soo xusnay.

Gunaanadkii ganacsatadu waa inay u hogaansamaan qawaaniinta iyo shuruucda salka loogu dhigayo sixir bararka iyo jiritaanka hanaanka dawladnimo.

Featured Post

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53

Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...

Popular posts