Waxa maanta ay taariikhdu ku beegan tahay 18/may/2017 taas oo maanta hanaan ka gedisan qaab-maamuuskii dadka ku abtirsada jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland u xusi jireen looga muuneeyay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,
Isla markaana loo xusay iyadoo lagu sidkay debaal-deagii maalintan qaadhaan ururin iyo kaalmayn dadkeena ku tabaaloobay abaartii baahsanayd ee geyigeena ku habsatay iyadoo aan illaahay ugu mahad-naqayno raxmaadkiisa uu inaga soo furtay abaartii iyo Oodo-lululkii.
Qaadhaan ururintan ayaa waxa madaxweynaha qarankan barakaysan
mudane. Ahmed mohamed Mohamoud Adan amray in fadhiga looga kaco isla markaana lagu kaalmeeyo dadkeena abaartii ku hawaarsatay ku mood iyo noolba beelay.
Dabbaal dega sannad-guuradii lix iyo labaatanaad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada Qarannimada Somaliland, waxa aynu maanta xusuusta dib ugu celinaynaa taariikh muhiim ah iyo magaalada Burco 18/May/1991-kii oo ahayd wakhtigii lagu dhawaaqay madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga aynu hadda hadhsanayno, iyada oo dulucdu tahay inaynu iftiiminno ciddii furaha u ahayd go’aanka maalintan taariikhiga ah ee loo dabbaal-degayo.
Markii Somaliland laga saaray Ciidammadii dawladda Soomaaliya waxa shirar nabadayneed lagu qabtay Gobollada Awdal, Saaxil iyo Hargeysa, iyadoo ugu dambayntii lagu ballamay in Burco lagu qabto shir magaciisu yahay Shirkii Guurtida, Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaas oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Gebagebadii shirkan waxa ka soo baxay lix qodob oo kala ahaa:
1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.
Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku, kuwaas oo kala ahaa
1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
3. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
4. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
7. Suldaan Ismaaciil Muuse
8. Suldaan Rashiid Suldaan Cali
9. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
10. Axmed Sheekh Saalax
11. Sheekh Daahir Xaaji Xasan
12. Axmed Xirsi Cawl
13. Suldaan Maxamed Jaamac
14. Xasan Cumar Samatar
15. Maxamed Warsame Shiil
16. Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo
17. Suldaan Cali Muuse iyo
18. Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi
Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.
Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.
Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa
1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In muddadaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.
Illaahay dalka, dadka, iyo duunyadaba ha inoo barakeeyo.
Q/ Mohamed Mahad Muhumed