Marka ugu horaysa waxaan Bulshada Reer Somaliland meel kasta oo ay Aduunka kaga Sugan yihiin la wadaagayaa Dabaal-dega, Dareenka, Xuska, Xusuusta iyo saamaynta ay Jiritaankooda ku leedahay Maalinta ku astaysan 18/May/1991 sanad kastana la Xuso Maalintan oo kale.
Intaas ka dib aan u Gondo-dego Dulucda iyo Ujeedka Kelmada aan Qormadan Ibo-furka uga dhigay, taas oo ah fariin ku socota Dadka Reer Somaliland oo gudbinaysa Hoga-tusaaleyn, Lexo-jeclo, Wadaniyad, Damqasho, Dal-jacayl iyo Dad-jacayl isla markaana si guud aan ugu soo Bandhigayo Xukuumad, Shacab, ama Mucaarid iyo Muxaafidba qofku Fikirka uu doono ha u Janjeedhee.
Hadii aanay Jirin wax aynu ka Midaysanay dhamaanteen Ilaalinteeda iyo Qadiyad marka la isla gaadho lama Taab-taan ah taas oo ay ugu horayso Jiritaanka Qarankan Somaliland, Wadaniyad, Sinaan iyo Cadaalad. Marka taas Shacab iyo Xukuumad ba aynu ka sinaano ayaa la wada Jaan-qaadi karayaa oo qof walba uu ka Gudbo kana Koro Dantiisa gaarka ah, Danta Qabiilkiisa iyo Deegaankooda oo kaliya inuu ka shaqeeyo una Xusul duubto inuu wax ku Raadiyo si Heer Qaran ah Dadka iyo Dalkuna isugu mid noqdaan.
Waxa ay is waydiintu tahay hadaba maxaynu ka Midaysanay hadaynu Reer Somaliland nahay Qodob kaliya oo Lama Taab-taan ah ma sheegi kartaa?.
Jawaabtu waa mid ay mihiim tahay in aynu Isla meel dhigno si aynu isula garano waxa inaga qaldan.
Gol daloolooyinka, Tabashada Baahiyaha Aasaaska nolosha u ah ee qofka Mu,waadinka ahi Qarankiisa xaqa ugu leeyahay way jiraan waanay jiri doonaan waligood waayo illaahay ayuun baa dabooli karaya dhamaantood balse waa in la helo Dawlad u darban iyaduna kana shaqaynaysa ka jawaabista Baahiyaha Aasaaska nolosha u ah ee qofku Xaqa ugu leeyahay Dalkiisa .
Shacabkana waxaa looga baahan yahay in ay Bartaan Nidaamka ay ula Xisaabtami lahaayeen cida uga masuulka ah iyo dariiqa ku haboon ee ay u mararayaan wax walba oo Qarankooda xaq ugu leeyihiin.
kana gudbaan qaabkan ay maanta wax u raadsadaan ee ku Qotoma Cayda, Af-lagaadada Madaxda, Danta Shaqsigaa, iyo Reer Qudhac hadaanu nahay oo ay Dawladnimada bartaan kana fogaadaan in Rabitaanka Shaqsi ama Qabiil Qaranka loo hadimeeyo lagana Hor-mariyo wax walba oo ay jirto wax loo wada tudhaa.
Xukuumada waxaa looga baahan yahay dhismaha Bulsho Qarankooda jecel iyo Qaran Qofka u buuxiya kaalinta Aabihii Hooyadii iyo Qoyskoodu ugu jiro kana hor-marisa daryeelkooda wax walba waa markaas kolka la helayo Dad iyo Dawlad ka midaysan dhinac walba oo aan Wan iyo Waraabe isku ahayn.
Qofka muwaadinka ahina aanu ogolaan doonin cid Hagardaamaysa Qarankiisa horumarkiisana ka shaqaynayaa hadii aanay Jirin wax uu ku Qabo qofku Dawladiisa waxay ka qaado mooyee la heli maayo cid dhawrta kana damqata waxyeelada gaadhaysa Qarankiisa.
Muwaadin Tabashadaada waxa ka wayn dhibka iyo Hadimada loo soo maray inaan halkan maanta soo gaadhno.
Muwaadin helista dantaada oo aad ku raadiso nidaam aan tudhaale lahayn umadana kala irdhaynaya waxaa ka wayn waxyeelada ay gaadhsiinayso Dawladnimada.
Muwaadin cunaha oo aad iskaga duubto hogaanka qarankaaga iyo Gambadh gaaban inaad ugu soo fadhiisato adigoo ka soo horjeeda waxaa ka wayn waxyeelada ay gaadhsiinayso Horumarka.
Xil iyo Mansab aad qabato ama Qabiilkaagu helo waxa ka wayn Mustaqbalka Ubadkeena oo aynu ka wada shaqayno.
Qolo-qolo iyo Qabiil dadka loo kala Fadhiisiyo iyo inaan Ardaayo u kala Oodno waxaa ka wayn Qarannimo iyo Somaliland mid ah.
Intaas oo aynu ka Midaysanay marka la helo ayaan Umad jirta noqon karnaa.
Hadii kale dad iyo Xoolo midna noqon maysaan hore iyo dabo-diid kaas ku noolaada.
Guul ayaan u Rajaynayaa dhamaan Reer Somaliland iyo Fahanka Dawladnimada oo Horumara.
W/q. Mohamed Mahad Muhumed