Erayga wadaniyad{patriotic} ama fikirka iyo ficilka wadaniyada{patriotism} waa eray ay aadanahu ku baraarugeen isticmaalkiisa taariikh hore.
wadaniyadu waa dareen qofnimo iyo damiir umadeed taas oo shakhsigeeda ku dhalisa jacayl uu uqabo dalkiisa iyo dadkiisa, taas oo qofkeeda ka dhigta shaqsi kadamqanaya wixii xun ee dalkiisa iyo dadkiisa loo asteeyo una damqanaya dadkiisa iyo dalkiisa.
taariikh ahaan waxaa wadaniyada lasheegaa in ay jirtay aadanuhuna kubaraarugsanaayeen muhiimadeeda dhalashadii nabi ciise{C.S} kahor, waxaase aadanuhu si wayn u isticmaalay fikradaan muhiimadeedana si wayn loo fahmay xiliyada taariikhda ee lagu calaamadiyay fufkii yurub{ European reniesence}. waa xili umadihii kunoolaa dalalkaasi ay u adkaysan waayeen dulmigii iyo dibindaabyadii ay wadaadadii kaniisadu kuhayeen umadahooda, waana xili ay dhalinyaradii waayahaas unoolaa bulshooyinkaasi ay u istaageen in ay umadooda kaxoreeyaan dibindaabyada wadaado kaniisada kuxiran dadkiina uhorseedayay walaahow iyo mugdi nololeed. waana xiliga ugu caansan taariikhda casriga ah ee wadaniyada.
waxaa fikradan taageero buuxda siiyay oo hanaqaadkeeda raad wayn kulahaa qaar kamid ah qubaradii cilmiga ee xiligaasi noolaa kuwaas oo da,yartii waayahaas kubaraarujiyay muhiimada ay leedahay wadaniyadu iyo in dalkaada loo adeego maskaxdana laga xoreeyo wadaadada kaniisada uun ku eg dadkana dhiig miiradka ku noqday. waxaa culimadaas kamid ahaa caalimkii lagu magacaabi jiray jean jacques rousseau, oo ahaa caalim faransiis ah noolaana xiliyada fufkii yurub kaalin wayna kulahaa kaxoroobidii wadaadada.
waxaan meesha kamaqnayn in ay jireen culimo kale oo waayadaas noolaa kana soo horjeeday wadaniyada. culimadaas ayaa waxay kudoodayeen in fikradan wadaniyadu ay tahay mid aadanaha kala qoqobaysa kuna kala oodayso xuduudo kuna dhalinaysa fikrad kuslaysan isir ama wada dhalsho taas oo ay sheegayeen in ay kadhalan karto nacayn kusalaysan isir ama wadan.
hadaba dunidan casriga ay iyo qarnigan 21aad waxaa laysku raacsanyahay in wadaniyadu ay tahay wax lagama maarmaan ah ayna muhiim utahay jiritaanka umadeed si ay uxaqiijiyaan jiritaanka jiilalkooda dambe, ahaanshahooda dadeed iyo lahaanshahooda dhuleed. waxaana la aaminsanyahay in umada damiirkeeda wadaniyadeed oo dhamaadaa ama diciifaahi uu astaan uyahay dabargo kusoo fool leh umadaas qarniyada dambe aysan macquul ahayn in ay sii jirto umad aan lahayn wax isku haya ama wax ay wada jecelyihiin oo wada ilaashadaan.
soomaalida iyo wadaniyada
qarniga 21aad umada soomaaliyeed wuxuu ubilowday iyaga oo ku dhexjira badwayn burbur iyo walaahow umadeed ah, waxay da,yar badan oo soomaaliyeed kubarbaareen deegaano aysan kajirin haba yaraatee wax kobcinaya aragtida qofeed ee ku saabsan wada lahaansho guud iyo midnimo umadeed, waxay kubarbaareen meel ay adagtahay in ilmaha soomaaliyeed uu maqlo wax kasheekaynaya wadaniyad ama wadan, waxaana inta badan da,yarta soomaaliyeed ay xaafadahooda subax iyo laylba kumaqlaan waalinkood oo kasheekaynaya qabiilada uu qofkaasi kadhashay iyo qabiilo kale oo soomaaliyeed ama colaad horay u dhexmartay ama mid hada taagan. waxaa markaas adag in lafisho in lahelo duul soomaali da,yar ah oo u firfircoon wadaniyad iyo wadan jacayl.
sidaas oo ay tahay waxaa nasiib wanaag ah in da,yarta soomaaliyeed maanta laga helayo kuwo badan oo damiirkooda iyo dareenkooduba uguuxayo dib ukabasho umadeed iyo dhisme qaran soomaaliyeed.
da,yarta soomaaliyeed ee waqtiga joogaahi waxay nasiib u yeesheen in ay noolaadan xili dalka iyo dadkuba ay kujiraan marxalad adag. marxaladaasi da,yarta soomaaliyeed marna waa u dhib marna waa u dheef.
mar waa u dhib oo waa xili adag oo mararka qaar meelaha qaar waxaaba adag in qofka soomaaliga ahi uu sheegta isirkiisa soomaalinimo, waa waqti umada soomaaliyeed ay baylah unoqotay cadow iyo nacab aan naxariis lahayn, waa xili ay umadan cawradeedii banaanka taalo oo gidaarada caasumadaha wadamada deriska nala ah iyo kuwo reer galbeedkaba ay kudayacanyihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo aan nolol kuhaysanin dhulkii hooyo waxay kula noqdaana aan garanayn.
marna waa u dheef oo xiligan oo kale waa xiligii uu umad kastaahi ubaxsan jirtay da,yarteeda. da,yartuna ay u heelanaan jireen sidii ay usamata bixin lahaayeen dalkooda iyo dadkooda, waa xiligii lakala garan jiray halyeeyga iyo humaaga qof u ekaha ah, waa xiligii ay soo shaac bixi jireen halyeeyada qaran ee umad walbaahi kufaanto maalmaha laysu qof tirsanayo buugaagta taariikhdana loobaahdo wixii lagu qori lahaa, waana xiliga uu shaqsi kastaahi soo bandhigo waxa isaga kudhexjira xumaan iyo samaaaaaaaan.
hadaba dhalinyaro mala joogaa xiligii aan kashaqaysiin lahayn caqliga caafimaadka qaba aanana u istaagi lahayn samata bixinta umadaan cadowga udayacan aanan dadkeena iyo dalkeena kaxorayn lahayn siyaasi kusheega maanta buuxiyay kuraasta wadanka una adeegaya quwado shisheeye ee aan lahayn damiir umadeed iyo dareen wadaniyadeed toona??????
waxaan isleeyahay mardhow umadani way kabixi doontaa walaahowga nololeed iyo dhibaatada ragaadisay mudada dheer. waxaana aaminsanahay taariikhda ayaa werin doonta cid walba iyo wixii ay dhitaysatay. waxaanan kutalinlahaa raga iyo haweenka maanta ukala tartamaya kuna kala dheeraynaya midnimada reeraha ay kadhasheen ilaawayna midnimadii qaran ee umada in ay wax iskula haraan ogaadaana marxaladan in laga bixi doono. waxaana qoraalkayga kusoo geba gebaynayaa oraahda caanka noqotay ee uu inooga tagay hal abuurkii waynaa ee umada AUN cabdulqaadir yamyam taasoo oranaysay “ninkii tiin abuuriyo ninkii timir talaalaba taariikhdu way werin”
By Mohamed Mahad Muhumed