XUJADII ABWAANKA
Dix-Dhagaxeed”
C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa Hanad Soomaaliyeed oo haybaddii maanso ee uu lahaa aan umadiisa ku hodin kuna hagardaamayne, wanaageeda ugu Adeegay waxa uu ahaa geeraarshe, calanka maansadiisu in badan sawir muuqda ka bixisay Soomaalida iyo “Anshaxa xun” ee qabyaaladdu hormoodka ka tahay oo ay had iyo goor u heellan yihiin.
Waxaa Timacadde la soo gudboonaaday wakhti dadka Soomaalidu daaf walba qabyaaladdu ka martay, oo ninkii gabyaa (ama afatahannimo lagu ogaa) qabiil waxaan ahayn tirsan. Markii uu arkay dadkii, in yar mooyee in nin waliba shaadh qabiil isku taagay, ayuu isku dayey in umadaas ka weeciyo “hantaaqada iyo hadimada ay ku sii hoobanayeen,”
isaga oo adeegsanayey maansooyinkiisii ay wadaniyadda xoogga lehi ku dheehnayd.
Sanadku markuu ahaa 1967kii ayuu mariyey gabaygii la magac baxay “Dix-dhagaxeed,” oo uu tilmaam waafi ah kaga bixiyay aayaha dambe ee Soomaalida. Sida gabayga ka dhex muuqata, waxa uu Timacadde ka diiray dhiigga dadka Soomaaliyeed ee caantaynka la kala siisanayey; umaddii oo hadaf qabiil mooyee hadaf qaran meel isaga oodday; iyo in ubadkii dalka aayaha u ahaa la marin habaabinayey, oo iyagii daabcaddaha laysugu dhiibayey. Gabaygan oo xikmad iyo tuusaalaba xambaarsan hadii aynu dib ugu yara laabano ama kefad iyo miisaan isu saaro foolxumadii iyo xinjiro-fajaasnimadii dadnimada ka fogayd ee Abwaanka iyo kuwii kale ee dhigiisa ahaaba ka maansoodeen sidii looga bixi lahaa gudcurka iyo mugdigii la dhex gooshayay oo aniga iila muuqata in Tacabkii iyo murtidii ka soo maaxatay garaadka haldoorkii umadani lahayd ay noqotay mid aan cashar laga qaadan isla markaana dardaarankoodii iyo duur-xulkoodii ilaa maanta yahay mid dadkii dhaxalkaa ay uga tageen ku meel markeedu ka dhigeen mid la soo qaato marka wax lagula baxayo ama u cuskado hadalkiisa nin muraad kale uga hooseeyo si weedhiisu maanka dadka ugu duxdo ama u meel marto.
(Ama hal bacaad lagu lisay)
Isku soo wada xooriyoo bal maankaaga la kaasho adiguna,
in xaalkeennu maanta sidiisii yahay iyo in kale.
Hadaba maansadaas oo dheerayd hadaan ka soo qaato tuducyadii gogol-dhiga, Hooriska, iyo Boog-taabashadaba u ahaa ka soo qaato sidoo kalena barbar-dhig ku sameyn doonaa gunaananadka Tusmadayda Mid ka mid ah Xujoojinkii Abwaankii Xasan Sh. Muumin (Aun) waa heelo caan ah oo ka mid ahayd Riwaayadii uu Curinteeda lahaa ee (SHABEEL NAAGOOD) oo aan iyadana la furfurin nolosheenana saameyn weyn ku leh ilaa maantana ay taagan yihiin waxay ka hadlaysay.
Waxba aniga oo aan ku sii talax-tegin lafo-gurka heeladaas bal aan Akhristoow adiga kuu dhaafee.
Bal aan Ku soo laabano ma hadhooyinkii Timacade.
Wuxuu yidhi.
Docda Bari dareeriga baddiyo Seylac derifkeeda
Dusha Koonfureediyo illaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan
deyay awaagteeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dulmi iyo dhac waa waxa qarribay degaladeeniiye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix-dhagaxeede
Anunbaa damqanayee dheguu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday degashanaysaaye
Doqonniimo kugu baahday baan cidi dabiibayne
Duulkii inkaar qaba jinbaa daasadaw tumo e
Dab markuu bakhtiyo meel kalaa dogob ka qiiqaaye
Waagii dilaacaa naxdimo dihin la sheegaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ay duul walaala a tahayoy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa ways kala dhacdaan daa’in abidkiine
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo galaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye waa dix-dhagaxeede

Wixii hore usoo daashaday degashanaysaaye.
Gondo-dhiga faalada.
Waa xujadii Abwaan Xasan Sh. Muumin Oo inoo Hogo-tusaalaynaysa halka xadhigu ka qaloocday Abwaanku xujada heeladan wuxuu u furfuray qaab sarbeeban isaga oo Dawaynteeda iyo xalinteedaba dadwaynaha inay gacantooda ku jiraan xusay.
Bal hadaba aan soo qaato kaliya xujoojinkiisii ku jiray heeladan aniga ka reebay jawaabtii ay ka bixisay Hibo mohamed oo kula luuqaysa Abdi Muhumed Amiin (Aun). Aniga oo Akhristoow adiga kaaga tegaya inaad aragtidaada qofeed iyo ta suuganeedba ku cabari doona.
Wuxuu yidhi.
DAB DHAXMOODAY!!!
Doc kastoo la eego Nolosha dunidu waa dabkee Haduu dabkii dhaxmoodo Maxaa lagu diiriyaa? Waa tilmaan la daahoo Degdeg kuma haboonee! Adoo deggan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii.
DUR-DUR OOMAY !!!
Dur-durkaa laga cabaa Biyihiis lagu dabaashaa Haduu harraad dareemo Darkee laga waraabshaa? Waa tilmaan leh daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo degan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii!
DAWO BUKOOTAY !!!
Qofkii cudur dilaayo Dawadaa bogsiisee Haday dawo bukooto Maxaa lagu dabiibaa? Waa tilmaan leh daahoo Degdeg kuma haboonee Adoo degan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii.
DUFAN BASAASAY !!!
Subaga dufankiisa Dadku ku dhaashadaane Haduu dufan basaaso Maxaa duxdii ka qaaday Waa tilmaan leh daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo deggan u fiirsoo ujeeddada i deeqsii
w/q. Mohamed Mahad Muhumed

No comments:
Post a Comment