Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa illaahay subxaana wa tacaalaa inoo suurto geliyay hanaanka wanaagsan iyo sida Nabadgelyada leh ee ay inoogu qabsoontay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13/92017 kii.
Waxaan hambalyo iyo duco halkan maanta u marinayaa madaxweynaha cusub mudane muuse biixi cabdi xildiid iyo Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ee ay shacabka jamhuuriyada Somaliland sida aqlabiyada ah ugu cumaamadeen hogaaminta qarankan barakaysan ee wanaaga, wada dhalashada, isu tanaasulka, lexo jeclada iyo dhawrista qarannimada jamhuuriyada Somaliland ku soo caano-maalay una xusheen in mudane muuse biixi cabdi halkaa ka sii Ambo-qaado geedi-socodka hayaanka iyo hilinkii ay haysay Somaliland sidii ay uga mid noqon lahayd qaramada la aqoonsan yahay ee dunida ka jira isla markaana ugu horseedi lahaa hogaamin la mahadiyo laguna gaadho horumar iyo badhaadhe loo wada dhan yahay.
Waxaan illaahay uga baryayaa inuu madaxweynaha cusub mudane muuse biixi cabdi ku asturo xilkaas iyo hogaaminta qarankan kuna hogaamiyo cadaalad, sinaan, midnimo ay wadaniyadi ku dheehan tahay.
Waxaan iyagana marnaba kaalintooda la hilmaami karin ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Somaliland ee naftooda u hibeeyay ilaalinta Nabadgelyada, Xasiloonida iyo jiritaanka qarankan oo aan ku sifeyn karo naftood hurayaal aanay la,aantood wax badan oo aynu maanta ku naashoonaynaa suurto-gasheen.
Waxaan iyagana halkan hambalyo iyo dardaaranba u marinayaa shacabka iyo asxaabta kala duwan mucaarid iyo muxaafidba waxaan leeyahay walaalayaal maanta tartarkii iyo xifaaltankii inaga dhexeeyay maanta wuu soo Af-meermay waxaana inoo wada taala hawl adag oo ay ugu horayso inaan meel uga soo wada jeesano Ilaalinta Nabadgelyada, isku duubni, midnimo, is ixtiraam, qaranimo iyadoo loo wada dhan yahay mucaarid iyo muxaafidba.
Dhalinyaro iyo waayeelba, rag iyo haweenba, culimo iyo caamaba.
Waxaan leeyahay walaalayaal kursiga qaranka hogaamintiisa ugu sareeyaa laba nin ma wada deeqo balse waxaa ina wada deeqda qarannimada jamhuuriyada baraykan ee Somaliland ee aynu hareeraha wada qabano oo ay wada hinjino hawsha inoo wada taala.
Illaahay hogaanka cusub ha inooga dhigo mid tubta wanaaga iyo horumarka inoo horseeda quluubta shacabkana mideeya illaahayna ha ina garab galo dhamaanteen .
Maxamed Mahad Muxumed Good

No comments:
Post a Comment