NIDAAMKA WACYIGALINTA EE TOOLMOON.
Nidaamka wacyigalinta marka laga hadlayo waa qodob baaxad weyn oo u baahan in laga fikiro hanaanka looga midho dhalin karo si ay u noqoto mid guuleysata wacyigalintaasi, iyadoo laga duullayo hadba cida lala hadlayo, taas oo ka bilaabanta hal qof, koox, deegaan gaar ah, bulsho, ilaa heer qaran.
Waxyaabaha Aasaaska u ah wacyigalinta toolmoon waxa ka mid ah.
1. Dariiqa ugu haboon ee loo marayo/marinayo bulshada lala hadlayo in la daraaseeyo oo uu noqdo mid ku haboon.
2. Nidaam waafaqsan Afka, Hidaha iyo Dhaqanka dadkaas.
3. In si qoto dheer loo daraaseeyo yaa ku haboon inay bulshada qodobka laga wacyigalinayo kala hadasho? ama fariintan xambaari kara ee dadkaasi aqbali karaan?
4. In wax la iska waydiiyo caqabadaha ka hor iman kara kuwaas oo fashilin kara hanaanka wacyigalineed sida Luqadda lagu gudbinayo, Dhaqanka, halka ugu haboon ee lagu gaadhsiinayo. Sida Radio, Tv, ama social media kale. Si looga hor tago wax kasta oo weyd iyo wax loo Oonsan ka dhigi kara qodabka bulshada laga wacyigalinayo.
Hadaba marka aynu tusaale u soo qaadano xilligii dowladdii kacaanka waxa jiray barnaamij ay maal galisay (UNICEF) lagana sameeyay film ama jiliin nidaamka riwaayadaha loo bandhigay lana odhan jiray Cilmi iyo Caaddo.
kaasi oo dhabaha loo maray ahaa Kooxdii Hoballadii Waaberi, dariiqaaas oo markaas loo arkayay inuu yahay habka qudha ee ay bulshadu ku baraarugi karto ama wax ku fahmi karto.
Fariinta uu barnaamijkani gudbinayay waxay ahayd Qorshe bulshada lagu gaadhsiinayo hanaanka daryeelka caafimaadka ee casriga ah isla markaasna lagaga wacyigalinayo inay ka guuraan hanaanka dawo dhaqameedka soomaalidu caaddada u lahayd sida Dhirta, Tutuwaha, Tiiraha iyo Dabka.
Oo ay adeegyada caafimaad u doontaan goobaha casriga ah sida cusbitaalada iyo isku daaweynta hanaanka cilmiga ku dhisan.
Qaabkaas iyo fariintaas wacyigalineed ee uu xambaarsanaa wuxuu noqday mid waagaas baraarug keenay laakiin aan midho dhalin oo wali dadka bukaanka ah waxa jira goobo Waraabe meel lagula xereeyo, si xanuunka looga dabiibo.
Waxa jira deegaano qofka bukaanka ah Uuska xoolaha lagu dhex Aaso, ama Wadaad jin arag sheegtay Leebaajeeyo qofka bukaanka ah sidii Baabuurta oo dhegaha sameecado cod dheer kaga qabto oo ay dhegaha ama maqalka ku waayaan.
Waxa aniga iila yaab iyo amakaag badan maanta hadii aynu is nidhaa bulshada Qabyaalada ha laga wacyi geliyo, hanaanka loo marayo, cida kala hadli karta bulshada, ma wadaadka diinta lagu tuhmayaa? Ma suldaan baa iyo madax dhaqameed kale? Isaga Siyaasi haba soo hadal qaadin.
Dhammaantood wey weyso jabeen oo nin Qabyaalad quutaa oo xundhurta u fadhiyaa kaama wacyi gelin karo.
Bal waxaad is weydiisaa sidii cudurka Qabyaalada looga takhalusi lahaa iyo hanaankii loo mari lahaa ama cidaad is leedahay way ku haboon tahay oo bulshadu way aqbali karaan haduu kala hadlo Qabyaalada iyo dabiibkeeda?
Sow Uuskan oo kale ma dhex fadhino?
Tabtaas ayaynaan waxba isugu waafaqi karin una kala qaadan Karayn.
Waar tolow koobkii aduunka ee #qatar dhoosaaligiisii xaguu marayaa? Malaha kaasaa garaadkeenu odorosi karaaye!
https://www.facebook.com/MohamedAwwelM?mibextid=ZbWKwL