-Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawimo’e
-Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye
-Makaankaaga waa inaad taqaan melba waxa yaal!
Xaaji Aaadan Axmed Xasan (Afqallooc)
“Ummad aan taariikh sugan lahayn isla markaana casharada wakhtiga wax ku qaadani waa ummad aan jiritaan sugan lahayn oo foorarta”!
mudanayaashii Golahii Sharci-dejinta Somaliland ee la soo doortay sanadkii 17/02/1960kii kulankoodii ugu horreeyey yeeshen 05/04/1960kii waxay horseedeen dhabo aan la mahadin .
Waxaa ka dhigan mid aan laga fiirsan, oo ay wadaagaan jibada, caadifada, aqoon-darrada, kulankii 12/2/2017kii ay ku meel mariyeen labada gole qaran ee Somaliland heshiiskii dekada berbera lagaga yagleelayay saldhiga military ee dawlada Imaaraadka kaasi qaaday dariiqii lagu hungoobey ee lagula midoobey somalidii talyaanigu gumeystay.
Sir Douglas Hall, wuxuu ahaa badhasaabkii xukumayay Somaliland sidoo kalena wuxuu ahaa ninkii laga guntay gunaanadkii iyo dardaaranka ahaa:
“Khatar ha gelinnina aayatiinka mustaqbal ee dadka iyo dalka Somaliland”!
Hadalladaas ay Phillip Carrel oo ahaa xoghaye iyo Sir Douglas Hall u naqayeen xildhibaannadii Somaliland
Waxa la taariikh iyo xusuus noqon doona nin odey ah oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland magaciisa ma aqaan balse waxaan ula baxay anigu Xaaji NO NO NO!!!!! Waxaanu u muuqday nin meel uu ka doodo waayay oo tol iyo taagba waayay balse taariikhdu xusi doonto wax kastaaba ha ka gaadheene, hadalka Douglas Hall maalintaas waxa uu inta badan ugu muuqday hadal hawadu sidato oo aan macne badan ku fadhiyin, maalmo yar ka dib se macne badan ayuu dad badan u samayn lahaa haddii ba ay cidi xasuusan lahayd, maantadan qoyan buu se weligii ugu macne samayn badan yahay marka si fiican looga bogto, loona gorfeeyo ee lagu dhereriyo geeddi-socodka galaha taariikheed iyo wacaalaha xaaladihii la soo maray iyo wixii laga mutay midnimadaas iyo joogtada maantadaa qoyan xaqiiqooyinka jira ee faraqa inoo sudhan.
Si kastaba ha ahaato’e,
26-kii June 1960 Beerta Xorriyadda ee u dhaxaysa Togga Maroodijeex iyo Codkii Goodirka, Hargeysa, Hooyadii Xorriyadda Soomaalida, ayaa calan saarkii ka dhacay. Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) ayaa la oogsanaya: –
“In sidayda tihiin iyo
– In kalaanan saxayne
– Soomaaloo calan taagta
– Saakaynoogu horrayso’e
– Saaxirkii kala guurnaye
– Sarreeyow ma nusqaamow
– Aan siduu yahay eego’e
– Kaana siib kanna saar”!
“Waataa curatayoo mataano dhashee
– Aan maallo hasheenna Maandeeqeey”
– Golatoo candhadii gollaha marisee
– Aan maallo hasheenna Maaqdeeq” iyo
– “Soomaalaay kulligaa
– Kulmiyaa la sudhee
– Kadabaa dhaha eey”! Kooxdii Walaalaha Hargeysa oo ay ka dhex muuqdaan cododkii halaasiga ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc iyo Maxamed Yuusuf Cabdi, labada (AHUN), ayaa iyaguna maalintaas qaadayay.
Xornimadii Somaliland waxa ay heshay aqoonsi caalami ah oo ay qalinka ku duugeen in ka badan 34 dawladood oo ka tirsan waddamada Qaramada Midoobey.Waxa xusid mudan in ay waddamada Somaliland aqoonsaday xilligaas ay ka mid ahaayeen dhammaan waddamada awoodda badan ee USA, UK, France, China iyo Germany. Bal se 5 maalmood ka dib ayay Somaliland si shuruud la’aan ah ula midawday Soomaaliya oo 6 maalmood ka dib qaadatay xormadiisii. Jaraa’idkii caalamka ka soo baxay, gaar ahaan Ingiriiska,
waxa 26-kii Juun 1960 uu bogagga hore ku wadheen faallooyin aan faraxadi ka muuqan oo ay ka mid ahaayeen
“Dadkii dawladnimadooda tuuray ama diiday iwm!”
Bal halka go,aankani gondo dhigto iyo waxa laga dhaxlaba nooli kulantee!!!
Si kastaba ha ahaato’e, himilada halgankaasi waxa ay ahayd sii ambaqaadka riyadii Soomaaliweyn.In la xoreeyo oo deedna la isu keeno shanta Soomaaliyeed.Soomaalidii Talyaanigu gumaysanayey, Djabuuti oo Faransiisku haystey, Somaliland, NFD iyo Soomaalida Itoobiya. 1-dii Julay 1960, waxa xoroobey Soomaalidii Talyaaniga, isla maalintaana waxa is-raacay Somaliland iyo Soomaalidii Talyaaniga si shuruud la’aan ah oo degdeg ah, waxana daba ka riixayey midowgaas Somaliland oo naanaysta “Qaldaan” dadkeedu kula baxeen.
Gobannimada gaadhiddeeda natiijooyinkii tabnaa ee ka soo baxay, hal-abuurka ayaa dad hortii dareenkoodu ku cabbiray. Waxaana hal-abuurkaas ka mid ahaa: Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim):
– “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
– Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
– Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karele!”
Aadan Axmed Yuusuf (Aadan-carab):
– “Sidii baan midhaa uga gurtaa madaxa Toomoode
– Sidii baan martida caanogeel ugu macsuumaaye
– Sidii baan marqaafyo u sitaa maas la ii tolaye
– Bal muxuu maslaxadoo itaray ministerkaan doortay!”
Wax yar ka dib gaadhitaankii gobannimada iyo is-raacii labada gobol sidaas aynu soo tibaaxnay, iyada oo weli lagu guda jiro (maalmihii durbaanka iyo sacabkii aan caqligu hagaynin )”
ayaa maansayahankii gobannimada halgankeeda ka mid ahaa ama dhalasheeda la jaanqaaday ee dabbaaldeggeeda ka qaybqaatay, in badan oo ka mid ahi, waxa ay la sarakacayaan dareen taban oo hoosta ka xarriiqaya tabashooyin uga dhex muuqday sidii loo maamulayey midhihii ka dhashay gobannimada iyo Maandeeqdii mataanaysay ee candhadana gollaha marisay ee in la wada maalo la naawilayey.
Cali Sugulle (Duncarbeed) ayaa dareenkiisa taban hees ku wadaajinaya darandoorri ahaan barbaar iyo hablo ka mid ah kooxdii walaalaha Hargeysa ee xoriyadda iyo is-raaca geeraarrada iyo giblada u googooyey ee ku gelbinayey dhawr sannadood hortood.
Sidan soo socota:-
Inantii:
– “Hawshaan kula qaybsadaa
– Oo harraadkaan kula qabaa
– Oo anigu waan kula hayaa
– Ee adaan i hagaajinayn!”
Inankii:
– “Adduunyo hal baan lahaa
– Hashiina horror bayga dilay
– Oo hadhuub madhan baan sitaa!”
Inantii:
– “Halbowle siduu i go’ay
– Haab-haabtay wax aanan hayn!” iyo
– “Qadhqadhay roobka
– Qawqawlow qadhqadhay
– Qadhqadhay qaawanaantaydu arkaa
– Qadhqadhay ee qudhayda halkeen dhigaa!”
1961 waxa dhicisoobay inqilaab dhallinyaro saraakiil ahi isku dayeen in ay gobolladii waqooyi ka gooyaan kuwii koonfurta ee ay sannad ka hor la midoobeen.
Xasan-kayd Walanwal ayaa hormoodkooda ka mid ahaa, waxa na ku weheliyey saraakiil badan oo ay ka mid ahaayeen.
Xuseen Cabdillaahi Bullaale, Siciid Cali Giir, Cabdi Xabashi iyo Cabdillaahi Congo. Waxa raacay qaaddacaaddii aftidii Distoorka ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1961 ee Aadanyabaalayska iyo Wallawaynaynta loo yaaqaanney.
Cabdillaahi Suldaan Timacadde oo, 1961, Gebilay ka mid ahaa dad ku soo dhowaynayey Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa geeraar soo dhowayn gob iyo caadkeed ah, duco, dardaaran iyo digniin ah goobtii soo dhowaynta ka tiriyey, isaga oo dareenka shacbiga ee gobolka guud ahaan cabbirayey, waxanu yidhi: –
“Maalintii dadku qiiqay een isticmaarkii is diidnay
– Nimankii danta sheegtaye dacwaddooda dhammaystaye
– Dalkan caawa la joogo dulligii isticmaarkiyo
– Karal daaqad ka saaraye duddadaanu ahayne
– Dawlad soo gashay miihine danteennaa laba diiddaye
– Dabuub aannu maqlaynay dareen baan ka qabnaaye
– Dugsigii barlamaankiyo dekeddii Xamar baa leh
– Berbera daadku ha qaado doonniyi yaanay ku weecan
– Labadaa ka la daaya’oo duqaydii barlamaankaay
– Yaan la daymo la’aaneey!
October 1962, waxa dawladdii Cabdirashiid iska casilay wasiirro reer Waqooyi ah oo dedaal ugu jirey in ay muujiyaan tabashada dadka reer Somaliland, iyada oo maalmo ka dibna ay xildhibaannadii golaha wakiillada ee Waqooyigu ku hanjabeen in ay ka bixi doonaan golaha wakiillada. Hase yeeshee dedaalkaas siyaasadeed waxa wiiqay oo mija-xaabiyey mudanayaasha kala ah Ibraahim Cismaan Food (Basbaas) iyo Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi) oo loo kala magacaabay wasiirrada Ganacsiga iyo Wershedaha, iyo Waxbarashada sida ay u kala horreeyaan, raggaas oo loola shiray si qarsoodi ah, waxaay oggolaadeen in ay buuxiyaan jagooyinkii wasiirradu iska casileen.
“Inamada dhowaan ii kacaw waydin eersadaye Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye Ma afurin agoonkii wadiyo kii ushaw sidaye”!
Qaasim Ismaaciil Xalleef oo ka mid ahaa jaaliyaddii Cadmeed ayaa wax ka soo dhowaynayey Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho Cadan ku yimi 1967. Gabay geeraarkaas sare ee Cabdillaahi Suldaan u dhigma ayuu ra’iisal wasaaraha uga tiriyey goobtii soo dhowaynta, waxanu yidhi: –
“Rashiid Cali sharma’arkow digtoor raahibaad tahay
– Raasada Berberi waa wadnaha Reer waqooyiga’e
– Kol se haddaad Kismaanyo u rartaan reerku kala guurye!”
Go,aan qaadashada caadifada aan caqligu wehelin ku dhisan iyo talo dhacantay calaacalkeeduba waa mid aan ka bartay talada aan qoys lagu dhaqin ee qaran lagu maamulayo si indho la,aan ah reer Somaliland.
La meel mari heshiis saldhig military oo aan maanta loo baahneyne ha loo joogo calaacalkeeda iyo waxay ka dheefaanba.
SHAR-GUDBAN!!!!
Q. Mohamed Mahad Muhumed
No comments:
Post a Comment