DABAYSHII SIYAASADA Waxyi iguma soo dego hadana wax ima seegaan. Sidii aan ka wada weynahaan wax ugu sheegaa. Wakhti waliba waayiihiisa iyo ma hadhooyinkiisa ayuu wataa illaahayna cidi waxba lama oga sida ay wax noqon doonaan. Balse falanqayntiisa iyo odoroskiisu inagama madhna anigoo u cuskanaya tiirka maahmaahda somaaliyeed ee gun-dhigeedu yahay (NIMAAN WAXA SOO SOCDA GARANI WAXA JOOGA MA GARTO). Muranka iyo ged-gedoonka siyaasada Somaliland iyo xisbiyada qaranka ee waagii baryaba qabyada la kowsada waxay ka turjumaysaa bisayl la,aanta ka muuqata hogaanka sadexda xisbi qaran ee Somaliland ka jira sida KULMIYE, WADANI, IYO UCID, majaraha u haya. kuwaas oo baal maray dariiqa hanashada hogaaminta loo maro, isla markaana la daalaa dhacaya khilaafka iyo muranka dhexdooda ragaadiyay kaas oo nin walba ula muuqda inuu guul ku gaadhayo. Ka kalena dhabar-jab ku tahay Balse hadii muranka u dhexeeya hogaanka xisbiga ucid ee qotoma musharaxnimada jamaal cali xussen oo faysal cali waraabe lug kaliya isugu taagay siduu meesha uga saari lahaa musharaxnimada jamaal cali xussen isagoo lugta kalena ku tumaya dhaantada ka socota xisbiga kulmiye sidii gorayadii la sheegayay. Taas oo u muuqata isbahaysiga dahsoon ee ay ku midaysan yihiin faysal cali waraabe iyo hogaanka xisbiga kulmiye ee muuse biixi cabdi oo u tafa-xaydan sidii jamaal meesha looga saari lahaa si aanu u cidhbo dhawrin cumaamada muuse u hilaabtay noqoshada madaxweynihii bedeli lahaa (SIILAANYO). Sidoo kale habacsanaanta iyo goosamada uu xisbiga kulmiye u kala jajabay ayaan muuse xisaabta ugu jirin inay saamayn ku keelan karto hanashada hogaanka ee muuse biixi. Waxa taasna sii dheer isku af-garan waaga ka yimi diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha oo sii socda. Balse aniga aragtidayda gaaban Hadii aan ku cabiro dabaysha siyaasada ee socotaa dhinac kale ayay ka iman kartaa oo oofta ka qabata nin kasta oo han madaxweyne leh. Waa hadii wax u sii socdaan siday maanta dabayshu u socoto oo lagu gaadho wakhtigii dalka doorasho xalaali ka qabsoomi lahayd. Taas oo aan suurto gal ka dhigayn inay doorasho ku qabsoonto mudac mudac ku taagta maanta joogta. Isla markaana nimaan laga filayn meesha ka soo baxo, waayo hadii xisbiyada tarmayaa aanay qodaxda ka gurin garoonka lagu tartamayo isla markaana la iman nidaam hufan oo heshiis lagu yahay iyagay danbarsanaysaa waayo waxa la yidhi. KARIS XUN IYADAA WAX KU LA, xisbiyada mucaaradku ma aqbalayaan korodhsiimo timaada iyo in siilaanyo meesha sii fadhiyo intay iyagu weel u tolayaan talada dalka, sidoo kale madaxweyne siilaanyo waxa ka go,an inuu si sharaf iyo maamuus leh u wareejiyo xilka isla markaana loo noqdo dastuurka dalka si khilaaf looga badbaado. Kaas oo dhigaya in talada lagu wareejiyo golaha guurtida isla markaana gudoomiyaha golaha guurtidu talada kala wareego madaxweyne siilaanyo isla markaana dalka gaadhsiiyo wakhti ay ku qabsoonto doorasho lagu kalsoon yahay. Waxaan ku soo gabagabaynayaa faaladaydan mid ka mid Maansooyinkii Abwaan Hadraawi. Ceel Walwaaleed Wahe dhalashadaadaan Farxad waalan gaadhoo Weedhkiyo dabaylaha Ama weriyahaagii Goortaan waraystaa Werwer ii dhammaadoo Wahab layga qaadoo Lugtu weerar mooyee Wahsigii illowdoo Wadar iga lib-haysaan Wiil curad sidiisaan Wanan kuu bireeyoo Waayeel duceeyaan Wacayoo u yeedhee Walqashaadii maadaa Cunay waaxyaheedii? Weger iyo ka waaweyn Tani waa ka waasacan Hadday ceel Walwaaleed Ku go'aan wadaamuhu Waan-waani dhacantee Wadnahaan farta ku hayaa. Inkastaanu weydeyn Waranlaha ilaashaa Waadaasha xooluhu Iyadaa waraabaha Wehelkeeda mooddoo Woohowda diiddee, Waddo halaq nin moog baa Waabay ka leefee, Wed hadday ka nooshahay Waageed ha gaadhoo Waxaraha raacdaan Wakhti kuugu simayee Goormaad wadaadkiyo Weliyada sidoodii Ii waaninaysaa Wacdi ii furaysaa Werdi ii rogeysaa Weger iyo ka waaweyn Tani waa ka waasacan Hadday ceel Walwaaleed Ku go'aan wadaamuhu Waan-waani dhacantee Wadnahaan farta ku hayaa. Isla-weyn qabkeedaa Wiyil aan jaraysnayn Ugu wadha maqaarkoo Lugta webi u geliyee, Haddaan weel gun laga tolin Waayaha adduunyada Xog-ogaal la weydiin Ruuxii gu'kaa weyn Lagu odhan wax ii sheeg Taladaadu wiilooy Dalab waayi maysoo Qofna waari maayee Mudanaha walaalkaa Haddii weerar lagu dilo Isha lalama waabtee Weerkiyo baroorta Dadka lala wadaagaa. Weger iyo ka waaweyn Tani waa ka waasacan Hadday ceel Walwaaleed Ku go'aan wadaamuhu Waan-waani dhacantee Wadnahaan farta ku hayaa. W/Q. Mohamed mahad muhumed good
No comments:
Post a Comment