Dundumo in dareen laga qabo iyo in la dugsado la isku heli maayo.
____________________________________
Ulo Booc ah baa la isugu tukubayaa markaan qiimeeyay si qoto dheerna u lafo guray waqtigan aynu ku jiro dabaysha siyaasada weyda ah ee ku dhisan labada Gini ee aan is geyin ee jeebka la isugu geeyay.
Ma kuu muuqdaan labadaas Gini adiga ama ma ku soo martiyay nin wayn oo Fooraha siyaasadu sito isagoo doonaya inuu kaa dugsado duufaanada siyaasada ee weedhaaminaya?
isagoo hadana dareen kaa qaba iskana kaa eegaya in sidii nin Xero Aboodi galay garab-qabashadiisa iyo taban-taabintaadu wax yeelayso ama agtaada lagu dardarayo siyaasadiisuna ku shaashoobayso adiguna aad kor hoosba u fahansan tahay.
Sow waajibkiisu noqon maayo.
(Dundumo in dareen laga qabo iyo in la dugsado la isku heli maayo).
Q/ Mohamed Mahad Muhumed.
No comments:
Post a Comment