Thursday, January 26, 2023

Imported post: Facebook Post: 2023-01-26T22:00:39

NIDAAMKA WACYIGALINTA EE TOOLMOON. NIDAAMKA WACYIGALINTA TOOLMOON! https://mohamed-mahad.blogspot.com/2022/12/nidaamka-wacyigalinta-ee-toolmoon.html

Tuesday, December 6, 2022

https://www.facebook.com/100001246218193/posts/pfbid06AQXc6aHtMb1uWgiq7gqcJFWS5em916eYNTKPq4ZT7T5xWSV3MGDj5Wv6QZk7w7dl/?sfnsn=mo&mibextid=6aamW6

Sunday, December 4, 2022

NIDAAMKA WACYIGALINTA EE TOOLMOON.

NIDAAMKA WACYIGALINTA EE TOOLMOON.


Nidaamka wacyigalinta marka laga hadlayo waa qodob baaxad weyn oo u baahan in laga fikiro hanaanka looga midho dhalin karo si ay u noqoto mid guuleysata wacyigalintaasi, iyadoo laga duullayo hadba cida lala hadlayo, taas oo ka bilaabanta hal qof, koox, deegaan gaar ah, bulsho, ilaa heer qaran.

Waxyaabaha Aasaaska u ah wacyigalinta toolmoon waxa ka mid ah.

1. Dariiqa ugu haboon ee loo marayo/marinayo bulshada lala hadlayo in la daraaseeyo oo uu noqdo mid ku haboon.

2. Nidaam waafaqsan Afka, Hidaha iyo Dhaqanka dadkaas.

3. In si qoto dheer loo daraaseeyo yaa ku haboon inay bulshada qodobka laga wacyigalinayo kala hadasho? ama fariintan xambaari kara ee dadkaasi aqbali karaan?

4. In wax la iska waydiiyo caqabadaha ka hor iman kara kuwaas oo fashilin kara hanaanka wacyigalineed sida Luqadda lagu gudbinayo, Dhaqanka, halka ugu haboon ee lagu gaadhsiinayo. Sida Radio, Tv, ama social media kale. Si looga hor tago wax kasta oo weyd iyo wax loo Oonsan ka dhigi kara qodabka bulshada laga wacyigalinayo.

Hadaba marka aynu tusaale u soo qaadano xilligii dowladdii kacaanka waxa jiray barnaamij ay maal galisay (UNICEF) lagana sameeyay film ama jiliin nidaamka riwaayadaha loo bandhigay lana odhan jiray Cilmi iyo Caaddo.
kaasi oo dhabaha loo maray ahaa Kooxdii Hoballadii Waaberi, dariiqaaas oo markaas loo arkayay inuu yahay habka qudha ee ay bulshadu ku baraarugi karto ama wax ku fahmi karto.

Fariinta uu barnaamijkani gudbinayay waxay ahayd Qorshe bulshada lagu gaadhsiinayo hanaanka daryeelka caafimaadka ee casriga ah isla markaasna lagaga wacyigalinayo inay ka guuraan hanaanka dawo dhaqameedka soomaalidu caaddada u lahayd sida Dhirta, Tutuwaha, Tiiraha iyo Dabka.
Oo ay adeegyada caafimaad u doontaan goobaha casriga ah sida cusbitaalada iyo isku daaweynta hanaanka cilmiga ku dhisan.

Qaabkaas iyo fariintaas wacyigalineed ee uu xambaarsanaa wuxuu noqday mid waagaas baraarug keenay laakiin aan midho dhalin oo wali dadka bukaanka ah waxa jira goobo Waraabe meel lagula xereeyo, si xanuunka looga dabiibo.
Waxa jira deegaano qofka bukaanka ah Uuska xoolaha lagu dhex Aaso, ama Wadaad jin arag sheegtay Leebaajeeyo qofka bukaanka ah sidii Baabuurta oo dhegaha sameecado cod dheer kaga qabto oo ay dhegaha ama maqalka ku waayaan.

Waxa aniga iila yaab iyo amakaag badan maanta hadii aynu is nidhaa bulshada Qabyaalada ha laga wacyi geliyo, hanaanka loo marayo, cida kala hadli karta bulshada, ma wadaadka diinta lagu tuhmayaa? Ma suldaan baa iyo madax dhaqameed kale? Isaga Siyaasi haba soo hadal qaadin.

Dhammaantood wey weyso jabeen oo nin Qabyaalad quutaa oo xundhurta u fadhiyaa kaama wacyi gelin karo.

Bal waxaad is weydiisaa sidii cudurka Qabyaalada looga takhalusi lahaa iyo hanaankii loo mari lahaa ama cidaad is leedahay way ku haboon tahay oo bulshadu way aqbali karaan haduu kala hadlo Qabyaalada iyo dabiibkeeda?

Sow Uuskan oo kale ma dhex fadhino?

Tabtaas ayaynaan waxba isugu waafaqi karin una kala qaadan Karayn.

Waar tolow koobkii aduunka ee #qatar dhoosaaligiisii xaguu marayaa? Malaha kaasaa garaadkeenu odorosi karaaye!

https://www.facebook.com/MohamedAwwelM?mibextid=ZbWKwL

Friday, December 2, 2022

Sumad Dumar

Xabad warsangeli waa inay lahaato Horaado xereed waa inay lahaato Suuro majeerteen waa inay taqaano Suniyo mareexaan waa inay lahaato Sur dheeroo ogaadeen waa inay lahaato Kubab saruur waa inay lahaato Xalus didible waa inay lahaato Suxulo murursade waa inay lahaato Sal sacad waa inay lahaato Samir abgaal waa inay lahaato Soo jeed gugun-dhabe waa inay lahaato Saanqaad gare waa inay lahaato Tin ma dhibaan waa inay lahaato Sararo ceyr waa inay lahaato Bistoolado saleebaan waa inay lahaato. Sawt Shiikhaaleedna waa inay lahaato. Intaas markay isku darsato sow Jaah wiyileed yeelan mayso?

Thursday, October 27, 2022

DOWLAD XUMADU WAXBA KAMA DUWANA BUTI IYO DAD-QALATO

Marka dowladi dad-qalatowdo ee ay iyadoo miciyaha dhiigu ka da'ayo dhasheeda cunto, ama sidii Butidii Xaaji Askar cuntay ay dadkeeda Unuunka ka goyso ee ay hilbahooda feenato iyadoo cid gaar ah adhaxda tuujinaysa, iyadoo ku wareemaysa, cabudhinaysa, hubkii iyo saanadii dadkan cashuurtii iyo caantaynada guntigooda laga furay lagu soo Iibiyayna u adeegsato, waxa ka dhasha wax Aan la mahadin. Cadaabta iyo raranka ay Butidu ay dhasheeda ku solaysaa marka waxay isu rogtaa mid dulmiga shacabku bakhtiiyo, waxa kaca Halyeeyo iyo Wiil-hoog hadhaaga Maatida iyo Maxasta Butida ka cayntaariya. iyadoo kolka dambe isu rogta Nasri iyo Carooq umada baraarujiya, waxa ka dhasha ama ka beerma Gonboor, Sun iyo Maalay ay ka darduurato dowladda Butiyowday iyo wadkii sahayan lahaa, ama dheriga dulmiga dhiiga dadka ay ku Iidaantay ee ay ku Uunsato iyo dhadhaaradiisu way kala jabaan. Dowladdii Butida noqotay ee ugu Soomaali ugu hor dad-qalatowdaa sow ma ahayn tii uu Maxamed Siyaad Barre (Afweyne) iyo madax-kutiyadii ay dhashay Habartii kacaanka ee Afweyne u uusan jirtay? Dhabihii ay qaaday sowkaas wali qiiqiisu Koonfur ka baxayo maaha? Oo Baaruudiisii ilaa maanta koonfuri 30 ka sano kuma Uunsato? Caqli iyo Garaadkiina kama suulin oo wada Buti may noqon? Intii Siyaad Barre ka dambaysay sow xero dad-qalato may noqon oo iskumay dayr dhalin? Miyaad garanaysaa waxa ugu wacan noloshay ku saxariirayaan? Waa casharada ka dhasha dowladda umulo dooxa samaysay ee aanay ilaa maanta uga garaabin ilaa maanta. Cakuye waa meel aan guurti joogin!!. Oo Odaygeeda 80 jirka ahi dhalaanka Shaneemada la daawanayo iyo Filim Ajante ah. Marka burbur noocani dhaco ee dowladii bahalowda afka ciida loo daro, burburku intaas kuma koobna ee wax waliba way iskaba raacaan oo waxa ugu abdo xun burburka dadka soo gaadha maskax ahaan iyo dadnimo ahaan ba. Waxaana ugu horeeya dhismaha Dadnimada luntay oo dib u dadayn lagu sameeyo, waa Somaliland cayntaarisay iyo Guurtidii, Gadh-castii gondaha talo isu dhigay ku tuntuunsadeen. Waar reer Somalilandoow ha isu butiyaynina.

Shar-gudban.

By. Mohamed Mahad Muhumed

DOWLAD XUMADU WAXBA KAMA DUWANA BUTI IYO DAD-QALATO

Marka dowladi dad-qalatowdo ee ay iyadoo miciyaha dhiigu ka da'ayo dhasheeda cunto, ama sidii Butidii Xaaji Askar cuntay ay dadkeeda Unuunka ka goyso ee ay hilbahooda feenato iyadoo cid gaar ah adhaxda tuujinaysa, iyadoo ku wareemaysa, cabudhinaysa, hubkii iyo saanadii dadkan cashuurtii iyo caantaynada guntigooda laga furay lagu soo Iibiyayna u adeegsato, waxa ka dhasha wax Aan la mahadin. Cadaabta iyo raranka ay Butidu ay dhasheeda ku solaysaa marka waxay isu rogtaa mid dulmiga shacabku bakhtiiyo, waxa kaca Halyeeyo iyo Wiil-hoog hadhaaga Maatida iyo Maxasta Butida ka cayntaariya. iyadoo kolka dambe isu rogta Nasri iyo Carooq umada baraarujiya, waxa ka dhasha ama ka beerma Gonboor, Sun iyo Maalay ay ka darduurato dowladda Butiyowday iyo wadkii sahayan lahaa, ama dheriga dulmiga dhiiga dadka ay ku Iidaantay ee ay ku Uunsato iyo dhadhaaradiisu way kala jabaan. Dowladdii Butida noqotay ee ugu Soomaali ugu hor dad-qalatowdaa sow ma ahayn tii uu Maxamed Siyaad Barre (Afweyne) iyo madax-kutiyadii ay dhashay Habartii kacaanka ee Afweyne u uusan jirtay? Dhabihii ay qaaday sowkaas wali qiiqiisu Koonfur ka baxayo maaha? Oo Baaruudiisii ilaa maanta koonfuri 30 ka sano kuma Uunsato? Caqli iyo Garaadkiina kama suulin oo wada Buti may noqon? Intii Siyaad Barre ka dambaysay sow xero dad-qalato may noqon oo iskumay dayr dhalin? Miyaad garanaysaa waxa ugu wacan noloshay ku saxariirayaan? Waa casharada ka dhasha dowladda umulo dooxa samaysay ee aanay ilaa maanta uga garaabin ilaa maanta. Cakuye waa meel aan guurti joogin!!. Oo Odaygeeda 80 jirka ahi dhalaanka Shaneemada la daawanayo iyo Filim Ajante ah. Marka burbur noocani dhaco ee dowladii bahalowda afka ciida loo daro, burburku intaas kuma koobna ee wax waliba way iskaba raacaan oo waxa ugu abdo xun burburka dadka soo gaadha maskax ahaan iyo dadnimo ahaan ba. Waxaana ugu horeeya dhismaha Dadnimada luntay oo dib u dadayn lagu sameeyo, waa Somaliland cayntaarisay iyo Guurtidii, Gadh-castii gondaha talo isu dhigay ku tuntuunsadeen. Waar reer Somalilandoow ha isu butiyaynina. Shar-gudban. Mohamed Mahad Muhumed http://dlvr.it/SbfDsK http://dlvr.it/SbfVt5 http://dlvr.it/Sbflb1 http://dlvr.it/Sbg587 http://dlvr.it/SbmPvp
http://dlvr.it/SbmgmK

Featured Post

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53

Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...

Popular posts