Friday, June 2, 2017

ABWAAN QAASIM (GABEY)

Cirsan-ka-yeedh

Axmed Ismail Dirie "Qaasim

Waa gabay abwaanku ku sifaynayo sidii loo dhibsaday maamulkii
Waagaas jirey Isagoo saadaalinaya isbeddel inuu dhici doono.
Isbeddelkaasi waakii dhacay Hayeeshee ma noqon mid lagu caano maalo oo waatii Caada-qaatayaal caynaanka dalka boobeen
Wuxuu yidhi.

Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe

Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede

Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye

Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e

Cirsan-ka-yeedhkii  warbuu sheegay maanta Caliyoow'e

Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye

Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey

Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye

Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e

Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne

Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celine

Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye

Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye

Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye

Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide

Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e

Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Thursday, May 18, 2017

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE KU DUUGAN XUSUUSTA 18KA MAY!!!

Waxa maanta ay taariikhdu  ku beegan tahay 18/may/2017 taas oo maanta hanaan ka gedisan qaab-maamuuskii dadka ku abtirsada jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland u xusi jireen looga muuneeyay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,
Isla markaana loo xusay iyadoo lagu sidkay debaal-deagii maalintan qaadhaan ururin iyo kaalmayn dadkeena ku tabaaloobay abaartii baahsanayd ee geyigeena ku habsatay iyadoo aan illaahay ugu mahad-naqayno raxmaadkiisa uu inaga soo furtay abaartii iyo Oodo-lululkii.
Qaadhaan ururintan ayaa waxa madaxweynaha qarankan barakaysan
mudane. Ahmed mohamed Mohamoud Adan amray in fadhiga looga kaco isla markaana lagu kaalmeeyo dadkeena abaartii ku hawaarsatay ku mood iyo noolba beelay.

Dabbaal dega sannad-guuradii lix  iyo labaatanaad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada Qarannimada Somaliland, waxa aynu maanta xusuusta dib ugu celinaynaa taariikh muhiim ah iyo magaalada Burco 18/May/1991-kii oo ahayd wakhtigii lagu dhawaaqay madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga aynu hadda hadhsanayno, iyada oo dulucdu tahay inaynu iftiiminno ciddii furaha u ahayd go’aanka maalintan taariikhiga ah ee loo dabbaal-degayo.
Markii Somaliland laga saaray Ciidammadii dawladda Soomaaliya waxa shirar nabadayneed lagu qabtay Gobollada Awdal, Saaxil iyo Hargeysa, iyadoo ugu dambayntii lagu ballamay in Burco lagu qabto shir magaciisu yahay Shirkii Guurtida, Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaas oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Gebagebadii shirkan waxa ka soo baxay lix qodob oo kala ahaa:
1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.
Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku, kuwaas oo kala ahaa
1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
3. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
4. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
7. Suldaan Ismaaciil Muuse
8. Suldaan Rashiid Suldaan Cali
9. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
10. Axmed Sheekh Saalax
11. Sheekh Daahir Xaaji Xasan
12. Axmed Xirsi Cawl
13. Suldaan Maxamed Jaamac
14. Xasan Cumar Samatar
15. Maxamed Warsame Shiil
16. Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo
17. Suldaan Cali Muuse iyo
18. Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi
Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.
Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.
Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa
1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In muddadaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.

Illaahay dalka, dadka, iyo duunyadaba ha inoo barakeeyo.

Q/ Mohamed Mahad Muhumed

Friday, March 24, 2017

HALKAN KAGA BOGO GABEYGII GOCOR !!!

Afeef.
Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi-
Markii midho yarii wada shukh yidhi shidantay deeleeye
Shaxdii baan hayaanka u raray iyo shaambis geediga'e
Bal hadaba anigana i eeg halkaan la maro aragtidayda iyo godkaan geediga ku furo.
Bilaw.
*Gocor iyo markii gulaanadu wada gabyeen gudubtey miimley'e
*Afaray guraangura goortay gashaan maandhow gaasiraye
*Geeraarka iyo gudbantii ku furay xodayo guudkoode
*Gamaarayda iyo way kala gurtaan abwaan gaasa bixiyaaye
*Gomboshaaga maansada ka guray Ga iyo wow-geede
*Gelbiskeeda maansada marbaan cidi igu gaadhayne
*Goortaan  gufaacada kacshee galawgu goobyaalo
*Galaydh iyo Abdilaahi Ganey wow gudboonahaye
*Murti gaaxsanayd iyo haduu godolkii muuqdaaye
*Gujo-beeno kuwa la goobyaalayoo gaagaxshaa badane
*Kuwii gabayga gawl-gawli jiray gorofka ha u dhiibin
*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay
*Gedii faarax nuur iyo carrabey ma u giraan-gireyey
*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

*Gartan uu mudaacalay iyo muduci rag isku maan-dhaafay
*Gorfaynteeda xaajadan la wada goobayee goroda la is dhaafshey
*Gondaha iyo faaladan darteed laga gabyee gomada la is ruugay
*Garbadhka iyo jaariga gunuuska gooha dami waayay
*Gartu midbay gaar u noqon lahayd labada geesoode
*Gadh-cadaadi bay wayday iyo guurti loo madhaye
*Gacmo-daaliska ayay eeday iyo googaa maansaduye
*Gabanada jiilaal dadkoo  wada gab yidhi gaajo ledi waayay
*Gurboodkiyo dhalaankii goblamay guunyadadii hoyatay
*Goosankaa ka soo hadhay hadaan geedo lala gaadhin
*Gocashada xanuunka leh nin ragi wuu raran gobyaade
*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay
*Gedii faarax nuur iyo carrabey ma u giraan-gireyey
*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

*Gabaahiirta waa laga gudbaa guri-caskaad taale
*Gurgurshaagii lagu gaadhi laa gegada loo guurey
*Garaadka iyo haduu kaa galbado geesi lala hiisho
*Gadh-wadeenkii la gaboodsan jiray garo halkuu joogo
*Gibisha iyo heeryada haduu gawska ku idleeyo
*Guudka waxaad ka saartiyo markaan gurada loo giijin
*Garba beelku waa u halis misana laguma guuraane
*Good iyo abees guun ah baa dhex galay maandhow gogoshiiye
*Gofaniyo gabaaray lala ma dego god ay ku noolyiine
*Gama'a iyo raaxada naftii gubatay goolmoone
*Kuwa dayaxa guudkiisa degay waan gudboonahaye
* Uma garabsan geediga guhaan faal ku gaamuraye
*Garaad iyo aqoontay godleen garasho xeel-dheere
*Goormaa Gudcurkaad dhex-goobyaaleysaan garasho ku sheegi 
*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay
*Gedii faarax nuur iyo carrabey ma u giraan-gireyey
*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

*geediga ninkii gaadhsiin lahaa garo halkuu joogo
*Baar-qabkaan geela u xulee waayo daba guuxay
*Ma garaaco doobtiyo guhaad micidii geylayde
*Goortuu gaanihii ka baxay car garo waa kan geesmaraye
*Guyaal iyo guyaal somalidan caqliga garashadii liiday
*Ganaax baa malaha lagu giijiyee waanay garanayne
*Goobtii nabsiga laga soo guntaday garo wixii gooyey
*Galabtii timaadaba wakhtigu wuu is gurayaaye
*Gadaal hore midkee loo socdaa waanay garanayne
*Godkii laga qaniinay gashaa goor iyo ayaane
*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay
*Gedii faarax nuur iyo carrabey ma u giraan-gireyey
*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

Aragtidii. Mohamed Mahad Muhumed Good

Featured Post

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53

Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...

Popular posts