Friday, April 8, 2016
Somaliland waxay khasaare ka joogtaa 16 sano ka dib qaadashada nidaamka xisbiyada badan
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa khasaare aan la mahadin ka jooga hirgalintii qaadashada nidaamka Axsaabta Siyaasiga ah,
sannadkii 2001 ayay ahayd markii dalka lagaga dhawaaqay labadii urur Siyaasadeed ee ugu horeeyay, kuwaas oo kala ahaa UDUB iyo UCID, iyadoo doorashooyinkii degaanka ee dhacay December 2002, ay ku soo baxeen Saddex Xisbi Qaran oo kala ahaa, UDIB, UCID iyo KULMIYE. Toban sanno kadib sannadii 2012, ayaa markale dib loo furay ururadii siyaasadeed, iyadoo ay Xisbiyo Qaran u soo gudbeen KULMIYE, UCID iyo WADANI.
Nidaamka Axsaabta oo ay ahayd in Qabyaalada lagaga guuro waxay noqdeen qaar iyagu sii naaxiya habkii Qabaliga ahaa, waxaana Xisbinimadii ka xoog roonaaday qabiilkii. Ma jiro qorshe hufan oo barnaamijyo siyaasadeed oo lagu kala xusho, oo ay ummadda u soo bandhigaan, qorshaha kaliya ee ay tageerayaasha ku raadsadaana waa dariiqooyinka kala duwan ee qabiilada beeluhu ku dhisan yihiin.
Tacab khasaarka intaas leeg ee bulshadii kaga dhacay Axsaabta waxaa u sii raacay Khilafaadka iyo Muranada joogta u noqday horjogayaasha Xisbiyada, murug kasta oo ku yimaada Xisbiyada dalka ka jira kuma laabtaan shuruucda u taala ama u dajisan, balse waxay kula soo noqdaan bulshadii hungadu ku dhacay ee hore ugu khasaartay.
Geesta kale Axsaabta Somaliland waxay dhammaantood ka simanyihiin samaysa-shada xeerar qurux badan oo lagu daabaco bugaag, balse nasiib darro aan laga fulin hal qodob.

Friday, February 19, 2016
MAANTA DAWLADNIMADII DULINKAA KU DEGAY IYO DUFAN RAAC WARKII DAA!!!!
#Dalka wada jirkiisiyo
#Isku duubnidiisaba
#Nin qabiil ka doortoow
#Danta Qaranku leeyahay
#Ninka dabada saaree
#Dibnaha wuxuu ka leeyahay
#Uurkiisu diidoow
#Isha kii dabaayoow
#Wixii kuu dahsoonaa
#In kastood dad leedahay
#Dadku yay dareemine
#Diiradoodu qabatoo
#Dibaday ka muuqdaan
#Si kastoo nin dalab lihi
#Xarago u daro iyo
# Kala durug sanaantuye
# In kastoo dadweynuhu
#Hadba hoos u deyayaan
#Kii dabiibi laa iyo
#Dawo kii ka noqon laa
#Doog horoo dishootiyo
#Nabarada damqanayaba
#Waxa kaaga sii daran
#Kolba dawladnimadii
#Dulinkaa ku degay iyo
#Dufan Raaca loo diray
#Sidii Ruux dabiiboo
#U damqada dadkiisoo
#Inay duul walaalo ah
#Degel qudha wadaagiyo
#Deris wada ahaadaan
#Jecel dawladnimadoo
#Daawadeey Hashoodii
#Daluuntay ku dalaq tidhi
#Diihaalkii soo maray
#Diric iyo Nin Geesiya
#Ama Danabadoodii
#Lagu duugay ciidiyo
#Ilawshiiya diiftii
#Tusi lahaa dariiqii
#Ma se daaranee garo
#Daliilkay ku xulan lahayd
#Damal la hadhsan dooniyo
#Mid kaloo gediisoo
#Gabaaraydu degan tahay
# Dulin loogu daw galiyo
#Hadh-dacaar inuu jiro
#Daalku kaaga duuline.
#Doc kastaba ka deyayoo
#Daacad bay u daleeyeen
#Duqa loo cumaamaday
#Ducay ugu yabooheen
#Inay Dalawadoodaa
#Wada Daajiyaanoo
#Daranyada u diidaan
#Markay Doorkan maanta
#Darareen Danbeedadu
#Inay Duulkan Deeqdoo
#Danbarkeeda wada dhamo
#Daacadoow ka deyayee
#Dadku si uma helin
#Duqda Caanaheedii.
#Kuwa Duhur dharaareed
#Daasada ku Maaloo
#Diifi Ay Raagtiyo
#Dalqa weynayaalbaa
#Ka Durduurtay Kaligood
#Miyaan Ruux Damiir loo
#U Damqada Dadkiisiyo
#Dalkan loo Heshiiyoo
#Sida duulkanoo kale
#Door moodin xumahoo
#Sama door-bidaa jirin
#Durbaankaa qabiilkee
#Dadku maanta daba-galay
#Midaan loogu daw gelin
#Danta qaranku daankiyo
#Dubaaqiisa jiiftiyo
#Damal hadhsadaa hadhin
#Waxa Daacadnimadii
#Ku darsoo dadnimadii
#Diley baan la duubnee
#Sowtan laysu Daba maray
#Danyartiyo Agoomuhu
#Duunyaday Lahaayeen
#Dantii guud maxaa hadhay
#Ama Daar la sheegoo
#Degelkani lahaan jiray
#Hada Daaradii Eeg
#Dadwaynuhu Lahaayeen
#Miyaa duug danbeeyaa
#Dooxii baa la marayaa
#Sowtaa loo dabeeyee
#Nin Qabiil Dugaashay
#Deyr weyn ku meersaday
#Ninka Maal dad leeyahay
#Iska soo dareersaday
#Sharci kaa dabaaloo
#Kaaga dhiciya duunyada
#Isna Laba dible u xidha
#Dib u Raaca doodana
#Hadaan looba doonayn
#Markaan kaligay dayday
#Waxaan Daal ka door-biday
#Kolkii loo kitaab deyay
#Waxaan looga Daba tegin
#Dalka Nimaan u doortaa
#Isna doorkan maantaa
#Haday Degel banaaniyo
#Ku danyare dhex jiifiyo
#Kuwa duug ah noqotaba
#dantii guud dhamaanteed
#Ugu Duugay Qalinoo
#Ninkaan Dabagalkiisii
#Diiradaydu Haysee
#Dadka uga digaayaa
#Iyaba wey ii danbaysaye
#Digreetaabo haystaa
#Dabadeed la hadal show
#Digreeta yahay gudaysee
#Xarfaha laysu daba dhigay
#Dadkaad wada damqaysaa
#Dalacsiisay qaar kale
#Midna didibso kow tidhi
#Marna Aas ku tidhi
#Gudi saartay Heer qaran
#Doodaadu badataye
#Maxaad daw u leedahay?
#Marna dawlad hoosiyo
#Shaqo maayir loo diray
#Iyo Daarad bixinteed
#Ma hadaad Daf soo tidhi
#Hada dawladnimadoo
#Kaa daahan maahee
#Danta qaranku leeyood
#U dadaabo xidhantiyo
#Daacadnimana maahee
#Dan kalaad ka damacdoo
#Duul urursanaadiyo
#Midnimaadan doonayn
Mohamed mahad muhumed

Thursday, February 11, 2016
DAREENKEED KU XULATAA DANTA GUUD NIN HAGI KARA?!!
DAREENKEED KU XULATAA DANTA GUUD NIN HAGI KARA?!!
Umadaha kala duwan ee aduunka guudkiisa ku kala nool Cadaan, Madaw, Carab, iyo Qoomiyado kala duwan oo isku dhafanba ha noqdeene.
Ama diimo kala duwan ha kala aaminsanaadeen, Af ama (Luqad) u gaar ah ha wadaagaan, ama luqado kala duwani baadi-sooc ha u noqdaane.
waxa jira Hadaf ama ujeedo guud oo midaysa taas oo ah lama taabtaan sida ilaalinta jiritaanka qaran-nimadooda, midnimadooda, kor u qaadida karaamada iyo sharafka dadkooda iyo dalkooda.
Sidoo kalana waxaan ka madhnayn ujeedooyinkooda xulashada cida ay ugu cumaamadayaan inuu noqdo ka Hogaaminaya Dalkooda iyo dadkooda.
Umadkastaa waa kuwo iyagu xor u ah qaabka ay u noolaayaan hadii aanay jirin caqabad ka hortaagani oo ay u madax-banaan yihiin
ku darsoo dadka somaaliyeedna waa ka mid umadahaa aynu ka hadlayno ee aduunka ku uuman.
Kuwaas oo aan ka mid nahay ama ku abtirsano isir ahaan.
Hadaba dadka somaaliyeed waxay lahaayeen dhaqan soo jireen ah oo aad u qoto dheer marka dib loo raad-raaco qaabka u noolaan jireen ama ay isu maamuli jireen, iyo
sidii ay u xulan jireen ama ugu cumaamadi jireen cida majaraha u qabanaysa intii isku Qabiil, jufo, Abtirsiin ama dani is bado,
Iyagoo qodobo iyo shuruudo adag oo ay ku soo xushaan lahaa qofka hogaaminaya.
Kuwaas oo cidii aan buuxin karin aanay hawaysan jirin noqoshada waxa loo yaqaanay Beel-daajiye.
maadaama ay dadka somaaliyeed yihiin kuwa qabiilo, iyo Ardaayo u kala noolaa.
Waxay noloshii qabaliga ahayd ay caqabad, dabar iyo (seeto) ku noqotay ka dib geedigii loogu guuray Nidaam dawladeed ama calan iyo Astaan u gaar ah oo la wada hadhsado loona siman yahay.
Iyadoo Qabyaalad, Eex, Musuq,Nin jeclaysi looga sabab dhigay Burburkii dawladii soomaaliyeed ee Sida qoraxda Qaarada Africa uga soo if-baxday.
Ilaa maantana ay Taagan tahay dhibaatada, turunturooyinka, iyo Caqabadaha Qabyaaladu leedahay.
Laguna guul daraystay sidii loo sixi lahaa qaladkii dhacay,
Casharka ugu weyn laga bartayna uu yahay inaan dadku ku midoobi karin Qabiil.
Indhahana laga qarsanayo iyadoo ay jiraan mabaadii kale oo dadku ku midoobi karo sida umadaha kale ee aduunka ku dhaqan ha noqoto Diin, Dhaqan, Shuuciyad, Wadaniyad, ama dawladnimo.
Balse aanay ku Hana-qaadi karin Qabiil iyo Qabiil loo kala Abtirsadaana wax isu keeni karin, Qarana lagu noqon.
Dadka somaaliyeed meel kasta ha joogaane weli waxay dabada hayaan ama u guuxaan markay tahay xulashada maamul ama hogaan ay yeeshaan meeshay doonaan ha ka soo jeedaan ama magacay doonaan ha u wehiliyo Erayga gundhiga lagu wareeray ah ee (LAND) oo aad moodo mid qolaba qolada kale kaga masayrtay.
Sida SOMALILAND, PUNTHLAND, JUBALAND, HEBLAAYOLAAND, waxay ka siman yihiin dhamaantood inaaanay hayn dhabihii lagu dooran lahaa Madaxweyne (Hogaamiye).
Waxay somaalidu ku maahmaahdaa.
DOQONTU WAY QUFACDAA MEEL LAGA RAACAYNA MA OGA
hadaba markaan biyo-dhaca ama dulucda u sii daadego
Dalka Somaliland waxaa ka jira Nidaamka Dimuqraadiga ee xisbiyada badan oo aad moodo mid lagu haftay ka dib markii lagu dhafay Cudurka Qabyaalada ee somali Aabaheed dilay iyadoo mid waliba tab iyo xeelba isugu geeyay siduu labadaas aan is qabanayn madaxweyne ugu noqon lahaa.
Dadka somaaliyeed waxay caan ku yihiin dhaqashada xoolaha taas oo geelu kaalinta koowaad kaga jiro iyadoo nin waliba geeliisa hido raaci jiray una soo xuli jiray Awr (Baarqab) kii uu geeliisa ku dari lahaa si uu u geeliisa wax uga dheefo, mararka qaarna ay dhici jirtay inaanu geeliisa ninku ku qoojin jirin isla markaana xiniinyaha ka saari jirey awrta geeliisa ku jirta.
mid kale (baarqab) oo nin kale geeliisa ku darsadayna weydiisan jiray inuu geela ugu daro.
Hadaba Qarankeenu ma Geelaa Baarqab awr-dhalyada wanaagsan loo raadin jirey ayuu ka liitaa?
Adigu se maxaad ku xulan doontaa ninka aad is leedahay qarankan wuu hogaamin karaa horumarna wuu gaadhsiin karaa?
Jawaabtu waa Amakaag iyo shaamareer.
Bal aynu dib u milicsano mid ka mid ah maansooyinka hodanka ah ee abwaan XASAN GANEY ee laydhaahdo (Duufaan).
taas oo ku qotonta dulucda maqaalkan si aan kaabis iyo xujo ugaga dhigo geba-gabada Hadafkayga.
Haddii aynu hoomayno tusaale kale, waa tuducyada ku jira maansada Duufaan. Geela awrka waa loo xulaa oo laba qaalin oo isku da’ ah oo qurux iyo qoodhba ka siman ayaa mid geela lagu daraa oo baarqab laga dhigaa, midna la dhufaanaa oo Koran la rarto noqdaa, oo waayo? Sawtii hore loo yidhi Haweenka iyo geelaba waa la hida-raacaa. Hadaba abwaanku geel iyo adhi midna ina bari mayo wuxuuse ina hoga tusaaleynayaa in ninka xil loo dhiibayaa ee dad iyo dal dhan lagu aaminayo la shirabo oo aan garab-daar lagu bokhrin ee loo gabalo eego.
Wuxuu yidhi.
Laba midabka deer-cada
Laba doobta wada rida
Da’da toban gu’ wada jirey
Deymada an kala dhicin
Markay doorashada tahay
Hiddihiyo dirkoodaa
Midna geel ku dari kara
Midna looga daayaa
Marka dulucda sheekada
Hoos loogu daadego
Halo doog ku rimayaa
Markay qoodh u deyid iyo
Dillo sheeg u baahdeen
Hadda dawladnimadiyo
Danta guudna kaa mudan
Kumaa derejadaa geya?
W/Q. Mohamed Mahad Muhumed (mmm).

Friday, February 5, 2016
MURAAYADII SIYAASIGA!!!!!
MURAAYADII SIYAASIGA!!!!
Waan dareemayaa in aad wax badan iswaydiinayso markaad akhrido ama dhegahaagu maqlaan muraayadii siyaasiga badhkiina ay xasuusanayaan tolow ma tii siyaasi hebelbaa ama isla markiiba maskaxdaadu soo dhufanayso sawir ku keydsanaa sida xildhibaano muraayad aad u wayn qaata oo dadka kaga tilmaaman.
Balse markaan dulucda maqaalkan aan u daadego, waxa suurto gal ah inaad adiga laftaadu xidhan tahay ama aanay agtaada ka fogayn muraayada siyaasigu, cajiib oo tolow maxay ahayd waa yaabe,
Muraayada siyaasigu waa aragtida siyaasigu sida dhacanta geela loogu oodo ama la isu dulsaaro uu uu maskaxda dadka masaakiinta ugu dhoobo isaga hadba u sawiraya barwaaqo, badhaadhe, waa la doogiye yaan la dacaroon,laamiyo la dhisay, xafiisyo xadhiga laga jaray iyo suxaladaad iska leefi doontaan,
Sidoo kale muraayada siyaasigu waxay soo daysaa ama laga daawadaa filimo ku salaysan Xasad, Xiqdi, Qabyaalad, Eex, Nin jeclaysi, Iyo hadaynu nahay reer Hebel, qarinta boobka hantida umada,
Adiguna sacab iyo durbaan ayaad u tumaysaa sawirka ama humaaga xaqiiqada ka fog ee khayaaliga ku dhisan, bal hadabaa is-waydii ma tahay mid la dhacsan siyaasada xukuumada haatan talada dalka haysa, ama jidhidhicooda markuu maqlo heesaha qaar marka idaacada laga shido.
Sida heesta tidhaahda,
Dalkeena nimcaa fadhida
Dalkeena nimcaa fadhida
Ama se marka midawga somalia la soo hadal qaado ma la dhacdaa heesta idaacada habeen iyo maalinba laga daaro ee tidhaa.
Anagu xamar dooni mayno
Xumaana u gaysan mayno
Xilkii laba dawladood iyo
Xuduud baa naga dhexeeya
Ninkii xiisaynayoow
Xasuuq dambe yeeli mayno
Waa tahay waxbaa ka dhacay
Eesh-calaa laxan iyo midho
Isku duba dhacsan dheh.
Waxaa la yidhi.
ADHI SHUGUX-SHUGUX KAMA IL-BAXO
Iyadoo markaasna masuuliyiinta dawlada ugu sareysaa, intay saxaafada soo fadhiistaan la yidhaahdo wasiir Hebel ka jawaabay Hadal ka soo yeedhay Dawlada Tabarta Daran ee Somalia.
Isku soo wada duuboo ma ninka masuulka ah saxaafada uga jawaabay ninka VILA SOMALIA fadhiya waxaad u aragtaa.
NIN LIBAAX DAD-QAAD AH KAA RIDAY
La yaabse ma lihid waayo waa mid ka mid ah shaqadii ay qaban jirtay muraayada siyaasiga ee san-qaroorka ku sudhan.
Adigoo u guuxaya isla markaana meelaha lagu kulmo kaga sheekeeya ama kaga dooda.
Isla markaana ku faanaya lehna walaahi ninkaas hebel waa nin masuuliyadii uu shacbiga u hayay ka soo baxay mar haduu xamar u jawaabay ku darsoo waxaad la dhacday sida cajiibka ah ee jawaabta u soo dhigay
Wuxuu yidhi hebel.
SOMALILAND WAA DAL KA MADAX BANAAN DALKA SOMALIA ISLA MARKAANA XORIYADOODA DIB ULA SOO 1991KII ISLA LEH SHURUUDIHII SUNAHA DAWLAD-NIMO LOOGA BAAHNAA, SIDA CALAN U GAARA, CIIDAMO, XISBIYO QARAN, XUDUUD U GOONIYA, IYO GOLAYAAL QARAN,
WAXAAN LEEYAHAY NINKA ASKARIGA AFRIKAANKA AHI MUQDISHO KU ILAALIYO EE DHIIGU MADAXTOOYADA VILA SOMALIA UGU SOO GALO, ADEER TIISABA DARYEELAA TU KALE KU DARA.
Gooni isu taaga somaliland waa muqadas halka ka kalena ku doodayo midnimada somalia waa muqadas.
Amakaag iyo yaab, bal hadaba jawaabtaas hawada uu mariyay
Wax-qabadkay kuugu jirtaa iyo shaqadii loo igmaday masuulkaas.
Wax-qabad se laguma sheegi karo.
Alla ha sahlo amuuraha,
goormaa bulshadani ka ilbaxaysaa sheeko baralayda aan caruurtu qaadan karin.?
Hadii aad tahay mid la dhacsan sawirada siyaasigu soo bandhigo adigoon kefad iyo miisaan isu saarin waxa wadanka ka jira.
Hadaad daawato ama dhegaysato Tvga qaranka ama Radio hargiesa waxay dhegahaagu maqlayaan Madaxwaynaha jsl ama wasiir hebel oo dhisme dhagax iyo dhoobo la isa saaray xadhiga ka jaray isla markaana sacabka laga daba tumayo markuu maqas af-weyn ku jaro xadhig yar oo aad u qurux badan kaas oo la mid ah kuwa hadiyadaha lagu xidho,
Hadana isla daqiiqado ka dib waxay ishaadu qabanaysaa ama dhegtaadu maqlaysaa weriye ku leh geesta kalana marwada madaxweynaha ayaa xadhiga ka jartay dhisme dib u habayn lagu sameeyay oo meel heblaayo lahayd oo ku yaal gobolka Awdal.
Ma is waydiisaa maxaa wax looga qaban waayay cadaalada, xatooyada xoolaha dadweynaha ama musuq-maasuq,Qabyaalada sida daadka inoo qaadatay iyo qabiilka xakamaha goostay, Dabaqadaha nolosha ee samaysmay.
Hadaba hadii waxaas qurux iyo wax-qabad dawladeed oo muhiima aad u aragto ogow,
Adiga laftaada gashan muraayadii siyaasiga ama adigu gasho ama ha laguu geliyee.
Waayo muraayada siyaasigu adeegsadaa waa mid degel lagu dar-leefay oo Abaartu indhaha kaa tuurayso markaad gashan tahay kaaga dhigtaa barwaaqo, Badhaadhe, iyo dhiibaraas aan weligeed ina soo marin.
Dhulkana waxay ka kaaga dhigaysaa mid wada cagaaran.
Bal hadaba dhuka iska dhig iska bixi muraayada siyaasiga oo weliba meel aan kuu dhawayn dhigo si aynu wax wada gorfayn waayo doodayda ninaad ka garawdo ayay ka hor-imanaysaa haday kuu dhawdahay waxaa ka dhex muuqan kara Humaagii khayaaliga ku salaysnaa ee ay caanka ku ahayd.
Sababtoo waa lagu programiyey in ay kuu soo gudbiso sawirkaas xaqiiqada ka fog.
Isbedelada aduunka ka dhaca waxaa giraanteeda maamula dad dhalinyaro ah, aqoon yahano, wadaniyada ku dheehan tahay .
Hadaba muxuu yahay saamaynta aad ku leedahay horumarka iyo aayaha dalkaaga
Ma tahay mid Togan mise waa mid Taban?.
Maxaa ka hor-taagan dhalinyarada inay ka tashadaan aayahooda iyo mustaqbalka uu dalkooda hooyo?
Si looga gudbo caqabadaha ay ina gayaysiiyeen Isku dhafka Qabiilka, Dimuqraadiyada, oo ah wan iyo waraabe xero la isugu geeyay, taas oo aan aduunka ka jirin.
Waxba hadalku yuu ila durkine waxaan ku soo duubay.
Allow yaa inoo diga markaan dacarta beerayney,
Allow yaa dabaadiga hariyo degelka noo caynsha,
Allow yaa dabkoo idil ku rida dowlad gacanteeda,
Allow yaa dagaallada ahliga dib uga waantooba,
Allow yaa mar kale daawada deris walaaloobay,
Allow yaa dalkoo nabadgelyaa diinta ku hoggaansha,
Allow yaa dersiga muqadiska ah dib ugu soo laabta,
Allow yaa difaaciyo dalkaba dhidibadu u duuga,
Allow yaa daroogiyo qabiil inaga daaweeya,
Allow yaa direys ciiidan iyo dowlad mar u jeeda, Dib wax ugama sheegeen askeri daa’in abidkeeye,
Ninkaanse dhiigga daadanaya damayqayn yeelkiisa,
Rabbi hibadu ugu deeqay bay dacar ku beereene,
Gubey kaga daydeen oo dulmi bay derejo moodeene, Afartaa qabiil nimuu dishoo dudaya haw sheegin,
Danta guud nimaan eeginoo doqona haw sheegin,
Dalka nimaan u dhalan kuma duxdee duulow haw sheegin, Dad-qal daawaynta neceb dulucda haw sheegin,
Nimaan diin lahayn iyo qabiil dirirsan haw sheegin,
Murti nimaan da’deed gaarin iyo ducufo haw sheegin, Afar-jeeble deyn hore cunoo dabacsan haw sheegin, Digtatoor dan gooniya watoo durugsan haw sheegin,
Dambarkeeda nimaan maali jirin dowlad haw sheegin…
W/Q. Mohamed mahad muhumed (mmm).
Featured Post
Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53
Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...
Popular posts
-
Maansadii DABA-TAXAN iyo Macallin Gaarriye: “...Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan...” Tixdan oo magaceedu yahaay “Daba...
-
DIB UGU LAABO MAANSADII DAALACAN!! Abwaanka waxaa ama suugaan yahanka waxaa lagu tilmaamaa il-dheer garad ama (Guhaan). Ka f...
-
Taariikhda Maguuraanka ah ee 21ka Octoobar 1969kii Talada wadanka soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii Qalabka s...
-
XUJADII ABWAANKA Dix-Dhagaxeed” C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa Hanad Soomaaliyeed oo haybaddii ma...
-
Waa Maxay Hogaamiye? Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa u horqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo samo- katali...
-
FAARAX NUUR WACAYS (IHN) Aakhiru Sabaan Abwaanku isaga iyo dadkii uu maalintaas hoga-tusaalaynay ba waa kuwo aanay cidi ka ...
-
Afeef. Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi- Markii m...
-
Guuguule waaa shinbir ka mid ah kuwa ugu caansan geyiga soomaaliyeed iyo dhulalka carbeed, guuguuluhu wuxuu ka mid ahaa ciidamadii neb...
-
Erayga wadaniyad{patriotic} ama fikirka iyo ficilka wadaniyada{patriotism} waa eray ay aadanahu ku baraarugeen isticmaalkiisa taariikh...
-
DIIWAANKA QOSOLKA Waa Sheeko ku jirta Buuga Diiwaanka Qosolka. Aqiinkaan Ku Garan ee Iska Daaya!!!. Intii aan Buugga Arag ama sheek...