Friday, October 21, 2016

XUSUUSTA CURASHADII KACAANKA 21 OCTOBER 1969KII !!!

Taariikhda Maguuraanka ah ee 21ka Octoobar 

1969kii Talada wadanka soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii Qalabka siday oo uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Jaale Maxamed Siyaad Barre waxaana uu hayay talada dalka 21 sano Muxuu qabtay Kacaankaas Barakaysnaa? Laga soo billaabo 1956kii ilaa 1969kii waxaa maamulka dalka hayay dowlado ay taagdarrada iyo habacsanaanta u dheerayd musuqmaasuq, qabyaaladd iyo fowdo iyo kala dambeyn la’aan joogta ahayd. Ammaankii iyo kala dambeyntii ayaa faraha ka baxay, dagaal joogta ah ayaa qabiillada ka dhex aloosnaa, ilaa la gaaray in beeluhu ay meel walba ku diriraan. Waxaana dhibaatadu ay noqotay mid sii baahda oo dowladihii magaceeda u bedesha Dowlad Musuqmaasuq uu la degay, waxaana fowdadii iyo nabadgelyo darradii ay ku biyo shubatay in (AUN ) Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke uu toogto askarigii loo xil saaray badbaadintiisa, iyadoo la adeegsaday muruqa ciidammadii dowladda ee markaas jiray iyo weliba maalkii qaranka, waxaana laga daliishan karayay halkaas in musuqmaasuqa iyo fowdada uu heerka ugu sarreeyay tegay. Doorashooyinkii dhacay 1958, 1964 iyo 1969kii waxaa si bareer ah warqadihii cod bixinta ugu shubtay xisbigii SYL ee dhallinyarada, dhowr magaalo oo dalka Soomaaliya ku yaallay ayaa dadweyne aan waxba galabsannin lagu laayay, waxaana dadweynihii xilligaas ay ku calaacalayeen Xooggii Dalkoow Maad naga qabataan dugaagga iyo diiratada dowladnimada sheegtay, dhowr ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku cabbireen xilligaas musuqmaasuqa dareenkooda hab suugaaneed, waxayna ku maansoodeen “Inqilaab hurdaduu ku jiro la hubsan doone” oo uu abwaan Nuur Cali Qonof tiriyay, sidoo kalena abwaan Qaasim ayaa isaguna tiriyay tixaha ay ka midka yihiin:
Cishadii Gashaba waagu waa caynad gooniyahe
Inay curadyo khayrlihii Kacaan ciidan la arkaaye
Iyo suugaan kale oo badan oo ay ku cabbirayeen dareenka ay ka qabaan dhibaatada lagu hayay bulshada. Doon badweyn ku degtay qof ka dabbaashay markuu berriga gaaro oo cagaha dhulka saaro sida uu u farxo oo kale ayaa dadweynuhu ugu farxaan afgambigii lagu minjaxaabiyay dowladii masuqmaasuqa ahayd, caleemo qoyan iyo raynrayn ayaa lagu soo dhaweeyay talaabadii geesinimada lahayd ee ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya qaadeen, si aan hagar lahayn ayaa Soomaali meel ay joogtaba ay u taageertay golihii sare ee kacaanka, daacadnimo loola shaqeeyay iyo duco ayaa la isugu daray. Abwaanada hal-abuurka hidaha u leh ayaa geeddi socodkii kacaanka garab istaagay Abwaan Qaasim 1970kii ayaa ku gabyay;
Guryasamo ilaa lagu furay gibisha saarnaane…
Gaargaarimaysoo askari giigsan baa wadiye
Sidoo kale Cabdi Muxumed ayaa ku heesay “Cimrigii jiryow caynaanka hay…hay hay waligaa hay (HEESTA CIMRIGII JIRYOOW )“. Xasan Xaaji ayaa isna alifay heestii ahayd “guulwade siyaad, aabihii garashada gayigayow” mar kale Xasan waxaa uu alifay heestii ahayd “Nabee nooma talin maskax nooga roon” Cabdi Bashiir Indhabuur ayaa isna ku maansooday “Wehelkii Calankow wadnihii umaddow noo waar”. Dhan kasta dib-u-dhac dhaqan dhaqaale oo baaxad weyn oo dalka la degay, wadankuna la mid yahay beer bislaatay oo u baahan miraha oo laga gurto kali, loona jeelqabay in hogaanka sare labadalo ayaa kacaankii 21 Oktober curtay.
Marka la qiimeeyo hormarkii dalka uu ku tillaabsaday 7dii sano ee maamulkii kacaanka ugu horaysay waxaa amaan iyo in kabadanba Maxamed Siyaad Barre waa uu mudnaa, runtii waxaa la oran karaa Soomaaliya waligeedba 7daas sano oo kali ah ayay dowlad dhab ah oo tiirar adag ku taagan ka yeelatay 21/07/1976 illaa 1/7/1976kii awooda maamulka dalka waxay ku jirtay gacmaha Golaha Sare ee Kacaanka oo uu hormuud ka ahaa jaale Maxamed Siyaad Barre. 7daas sano waxaa jirtay yididiilo wacan iyo himilo Soomaalinimo waxaa bulshadu ka nasatay kana raysatay marxaladii masiibada iyo dhibka badnayd,taasoo laga dhaxlay maamulkii tabarta darnaa ee dowladii masuqmaasuqa ahayd, waxaa la helay hanaan maamul oo ku socda asluub, kala danbayn iyo wada tashi, waxaana wadanku uu ku tilaabsaday hormar tayo leh oo deg deg ah.
Dikreetadii ahayd Axdiga 1aad ee kacaanka waxaa lagu qoray 13 qodob oo saldhig u haa mabaadiida kacaanka, qodobadii kusaabsanaa siyaasada dibadda waxaa ugu muhiimsanaa in si dhab ah loo taaggeero oo hiil iyo hooba loo fidiyo dadyowga xaq-u-dirirka ah,siiba dalalkii afrka ee waagaas kujiray gumaysiga,Runtii kacaanku waa uu fuliyay balanqaadkaas,waayo 1973kii shirkii ururka midowga Afrika OAU ku yeeshay Rabaad-Marooko dhowr wadan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya hormuud u ahayd ayaa loo xilsaaray xoraynta wadamada Afrika ee Portaqiisku gumaysan jiiyray. Si loo meel mariyo qorshihii xoraynta wadamadii ku jiray gacanta gumaystaha,waxaa Soomaaliya laga yagleelay xeryo lagu tababaro dagaalyahanada gobanimadoonka Afrika, waxaana loo layli ama loo carbin jiray mucaskar lagu carbiyay sidii ay heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen.
Saraakiil fifircoon ayaa laga xulay XDS waxayna safka dagaalka la galeen dagaalyahanadii gobanimodoonka ahaa kuwaas oo si hufan uga howl galay wadamada ay ka mid yihiin Angola , Musambig, Namibiya, iyo kuwo kale, howshii jabhadaynta waxaa ay kasoo hooyeen guul iyo libin looga riyaaqay qaarada Afrika oo dhan. Radio Muqdisho ayaa laga joogteeyay barnaamijyo loogu talagalay guubaabinta, kicinta, wacyigalinta iyo dhiiro-galinta shucuubta xaq-u-dirirka ahayd ee reer Afrika HEESTA AFRIKAAY HURUDOOY ayaa kamid ahayd heesihii badnaa ee uu sida weyn radio muqdisho uu soo baahin jiray.
Shirkii Rabaat sababta Soomaaliya loogu doortay xoreynta waddamadaas waxa ay ahayd, durbadiiba markii Kacaankii 21ka Oktoobar uu curtay ayaa waxaa la isku dubba-riday ciidan xoog leh, kana dheellitiran dhinacyada tirada, tayada, tababarka xeeladaha dagaalka, hubka iyo saanadda. Kulliyadaha Istaraatiijiyada adduunka ee ku taqasusay qiimeynta ciidammada caalamka ku baahsan ayaa waxa ay ciidanka Soomaaliya ee xilligaas u aqoonsadeen inay safka hore uga jireen ciidammada ugu fiican Afrika, waxayna kaga jireen kaalinta afraad, waxaa ka horreeyay oo keliya ciidammada waddamada kala ah Koonfur Afrika, Masar iyo Nigeria . Soomaaliya oo wakiil ka ahayd tolweynaha Hantiwadaagga waxay qayb libaax ka qaadatay xoreynta waddamadii gumeysiga Bortuqiisku gumeysan jiray, gaar ahaanna jabhaddii MPLA ee Agostino Netto uu hoggaamiyaha ka ahaa, inay la wareegto xukunkii dalka Angola xilligaas. 30kii November 1971 khudbad qiime leh oo uu ummadda u jeediyay Allaha u naxariistee madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliya jaalle Maxamed Siyaad Barre uu ku cabbiray in Afrika ay midowdo oo ay ka hoos baxdo heeryada gumeysiga, iyaduna ay aayaheeda garato, waxaana uu ku dhiirri geliyay ummadaha Afrikaanka in iskaashi ay uga bixi karaan dhibaatooyinka haysta. Soomaaliya waxay ku tallaabsatay xilligaas horumar dhaqan, dhaqaale oo dhan kasta saameeyay, waxayna xilligii uu kacaanka majaraha u hayay ay noqotay dal sharaf iyo karaamo leh oo laga qiimeeyo dunida oo dhan, gaar ahaanna qaaradda Afrika. Haybaddii ay Soomaaliya adduunweynaha ku yeelatay darteed, bishiiJuun 1974kii waxaa Xamar lagu qabtay shirkii OAU ee midowga Afrika, waxaana guddoomiye sanadeed loo doortay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, balse xilligaas uu Madaxweyne Siyaad barre talada Midowga Afrika hayay Cumar Carte Qaalib oo xilligaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo u tartamayay jagada xoghayaha guud ee OAU, dhowr cod iyo si dirqi ah ayuu ku seegay in loo caleemo saaro jagadaas.
Xilligii uu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee ahaa guddoomiyaha midowga Afrika (OAU) si hufan ayuu uga soo dhalaalay jagadaas, sanadkaasna waxaa la hor geliyay hal-ku-dheggii ahaa Afrikaay hurdada ka toos oo isku tasho, Wargeyska (The Africa, caddadkiisii 34aad ee soo baxay June 1974 ayaa wuxuu qoray shirkii OAU ee lagu qabtay Muqdisho inuu ku dhammaaday guul iyo walaaltinimo dhex-martay ummadaha madow, wuxuu sawiray Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo madaxda Afrika u horseedaya tubta nabadda iyo barwaaqada, Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku guuleystay inuu joojiyo dagaalladii ka dhex aloosnaa waddamada Ugandha iyo Tansaniya, iyadoo colaaddii dhex tiillay labadaas dal lagu beddelay caaqiibo nabadeed.
Dhexdhexaadinta iyo horumarinta qaaradda Afrika keliya kacaanku kuma ekeyn ee wuxuu xitaa uga gudbay xaggaa iyo qaaradda Aasiya,Sanadkii 1971kii dagaalka ka curtay gooni-u-goosadkii bariga Pakistan, Kacaanku wuxuu u diray guddi dhexdhexaadin ah oo Soomaaliyeed oo heshiisiin iyo xabbad joojin ka hir geliyay halkaas, oo waddamadaas Islaamka ah ay u xil saareen Soomaaliya inay arrintaas dhammeyn karto, waxaana guddi caalami ah oo Islaamka ka socda loo doortay Soomaaliya inay guddoomiye u noqoto guddigaas, sidaasna mushkiladdaas ku soo dhammaato. Haybaddii xilligaas dalku lahaa iyo karaamadii kacaankii 21ka Oktoobar ee uu hor kacayay Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre ay dalka u soo jiideen awgeed ayey guddigaas ku soo guuleysteen in dhibaatadii Pakistaan la soo afjaro oo la abuuro laba dal oo walaalo ah oo kala ah Pakistan iyo Bangaaladheesh, sidaas awgeedna Sheekh Mujiibu raxmaan loo doortay madaxweynihii u horreeyay ee dalkaas cusbaa ee Bangaaladheesh.
Madaxweynahaasna waxa uu soo saaray xeer muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliya u oggolaanayay in uu Bangaaladheesh ruqsad ama Visa la’aan ku geli karo dalka Bangaladheesh, isla markaasna ku noolaan karo, hase yeeshee markii Soomaalidu si xun uga faa’iideysatay oo ganacsi suuq madow ah oo dahab ka ganacsi u badan dalkaas lagu qarqiyay ayaa xeerkii loo unkay soo dhoweynta Soomaalida la laalay.Sidoo kale Kacaanku wuxuu mowqif cad ka istaagay qaddiyadda bariga dhexe iyo Israel, waxaana uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre tilmaamay in Soomaalida oo dowlad Islaam ah ay bariga dhexe waxa ka socda ka soo hor jeeddo, waxaana kacaanku dhaliilay siyaasadda Israel ee ku aaddan dadka dhulkooda xoogga lagu haysto, Siyaad Barre oo xusuusinaya illoowsha dhowida Yuhuudda waagii Hitler ayaa Khudbad uu jeediyay munaasabaddii 21ka October 1971kii kula taliyay yahuudu inay joojiso arxan darada ay ka wado Barriga dhexe.
Guulaha siyaasadda dibedda ee uu kacaanku gaaray ka sokow, towraddii barakeysneyd ee uu majaraha u hayay (AUN) jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu isbeddel gun iyo baar ah ku sameeyay arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya. Axdigii Kacaanka 21ka Octoobar ee xagga siyaasadda gudaha waxaa ugu muhiimsanaa in la dhiso bulsho asluub leh oo ku tashata awooddeeda isla markaasna la tirtiro habacsanaanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye,waxaa kaloo geed-ka-go’an laga dhigay in la sugo ammaanka dalka guud ahaan, xasilloonida iyo kala dambeyntana waxaa laga dhigay mid aan horay loo arag. Dhowr gacan ku dhiigle ayaa barqa waxaa lagu toogtay meel fagaare ah ka dib markii ay maxkamadi ku xukuntay dil dambiga ay galeen awgeed, khaarajinta gacan ku dhiigleyaashaasna waxa ay horseedday nabadgelyo buuxda iyo dilalka oo yaraaday, iyadoo qof kasta uu ku naallooday neecaw qabow oo ka dhalatay curashadii towradii barakaysneyd iyo naxariistii Eebbe.
Qoyskii bari degganaa ayey u suurto gashay inuu Bogox u guuri karay, Saylac ilaa Sablaale, Jarriiban ilaa Jigjiga ayaa la is dhex mushaaxay iyada oo habar dugaagga mooyee wax laga baqaa aanay jirin. Kacaankuna waxa uu soo jiitay dareenka bulshada, waxaana la soo bandhigay siyaasad qurux badan oo mujtamaca caalamka ammaan ballaaran looga helay.
Sanaddadii 1970meeyadii inta badan qaaradda Afrika waxa ay la ciirciiraysay nabad gelya la’aan abuurtay xasillooni darro qaaradda halakeysay, dil, dhac, kufsi iyo dhiillo joogta ah ayey Afrika inteeda badan la kacaa kufaysay. Taas beddelkeeda ayaa ammaanka dalka Soomaaliya waxa uu kacaanka 21ka Octoobar ka curtay dalka uu ka dhigay mid si deggan u sugan, waxaana arrintaas ka marag kacay weriye Devid Lamb oo buug uu qoray oo lagu magacaabo “The Africans” ku caddeeyay in Soomaaliya dal xasilloon oo badbaado iyo nabad lagu dhex mushaaxi karo uu yahay.
21kii Jannaayo 1973dii waxay ahayd maalin weyn oo Soomaalida baal dahab ah ugu qoran, waa maalin aan weligeed xusuusteenna ka tirmi doonin, waa maalintii la hir geliyay qorista far Soomaaliga. Kacaanka ka hor waxaa wax lagu baran jiray, oo xafiisyada looga shaqeyn jiray luqadaha Carabiga, Talyaaniga iyo Ingiriiska. Haddaan dib u milicsanno taariikhda raadinta wax soomaalidu wax ku qorato, intii u dhexeysay 1920kii ilaa 1960kii waxaa is xilqaan sameeyay dad doonayay inay luqad wax lagu qoro Soomaalida u raadiyaan, waxayna soo ban dhigeen saddex af midkood in la qaato oo kala ahaa Laatiin, Carabi amaba Cibri.
Dowladdii Musuqmaasuqu waxay ku guuleysatay in saddexdaas nooc mid uun ay hir geliso oo dalka loo qoro far gaar u ah oo uu leeyahay, waxaana xilligaas xisbiyadii jiray ay la kala safteen laatiinka iyo carabiga, iyada oo ay qolo la safatay in la taageero LAATIINKA maadaama madbacadaha dalka yaallo ay laatiin yihiin, qolo kalena taageeray CARABIGA maadaama ummadu ay muslin tahay, laakiin culumada diinta ayaa waxay dhaleeceyn u soo jeediyeen qolada taageertay laatiinka oo ay ku sheegeen LAATIIN inuu la micne yahay LAA DIIN. Qayb kale ayaa iyaga oo aan u kala harin waxa ay u ololeeyeen in la qaato welibana qasab lagu qaato xuruufta farta Cismaaniyiinta, iyaga oo xilligaas muquuniskaas ilaa xad ku guuleystay, maxaa yeelay SYL ayaa ku shaqeyn jirtay farta Cismaaniyiinta wixii ka horreeyay 1956kii xilligii dowladdii daakhiliga, sababta ay farta cismaaniyiinta SYL u dooratayna waxa ay ahayd Yaasiin Cismaan Keenadiid oo uu aabbihiis Cismaan Keenadiid fartaas Cismaaniyiinta allifay ayaa ahaa xoghayihii ururka SYL, Xisbiyadii xilligii musuqmaasuqa jiray qaarkood waxa ay markii dambe diideen farta Cismaaniyiinta, iyaga oo dalbaday in la isticmaalo farta loo yaqaan KADARIYA, taasoo uu alifay Xuseen Sheekh Axmed Kaddare.
Haddaba sanadkii 1960 ayaa la magacaabay guddigii ugu horreeyay oo loo xilsaaray kala saaridda farihii kala duwanaa ee xilligaas tartanka ku jiray. Farahaas oo gaarayay ilaa tobaan farood oo kala geddisan. Guddigii loo xil saaray kala saaridda faraha ayaa wuxuu u badnaa rag aqoon yahanno Soomaaliyeed ah oo intooda badan isku hawlay inay ummadda Soomaaliyeed u sameeyaan far qoraal oo u gooni ah. Markii ay guddigu isu fiiriyeen farihii markaa tartanka ku jiray cilladahooda iyo wanaagoodaba ayay waxay si wada jir ah isugu raaceen in qoridda farta afsoomaaliga loo doorto fartii ama Alifbeetadii uu qoray (AUN) Shire Jaamac Juge.
Shire Jaamac Juge(aabihii farta soomaaliga ee haatan la isticmaalo) ayaa fartii uu qoray waxay noqotay fartii ugu cilladaha yarad, ugu sahlanayd, ugu shaqal iyo shibbanaba yarayd isla markaasna Laatiin ahayd oo dhaqan galinteedu ay ugu sahlanayd. Sidaas ayaana guddigii koowaad ee afsoomaaligu uu Shire Jaamac iyo fartii uu naxweheeda iyo xuruufteedaba asagu lahaa ugu doortay farta afka Soomaaliga.
Guddigii labaad ee uu magacaabay Kacaankii 21 oktoobar ma ahayn mid lagu kala dooranayay nooca farta la qaadan lahaa ee wuxuu ahaa guddigii dhaqan galin lahaa fartii horay loo ansixiyay isla markaasna waxaa loo xilsaaray inay soo saaraan Qaamuus afsoomaali iyo naxwaha afsoomaliga.
Go’aankii ka soo baxay golihii sare ee kacankii 21 oktoober oo ahaa in la qorayo farta soomaaliga ayaa runtii waxay ahayd tallaabo geesinnimo ah iyo guul dhaxal gal ah oo uu kacaanku Soomaalida u soo hoyiyay, iyadoo ilaa iminka loo baxsaday.
Kacaanku wuxuu meel mariyay mashruucii libineed ee ahaa “Ololaha hirgelinta farta Soomaaliga iyo Horumarinta reer Miyiga” Kumanaan isugu jiray macallimiin iyo arday ayaa loo diray berrin kastoo udub aqal Soomaaliyeed ka mudan yahay, waxaana bulshada Soomaaliyeed loogu baaqay “Haddaad taqaan bar.. haddaadan aqoonnin baro” raadiyaha qaranka ee RADIO MUQDISHO ayaa laga baahiyay guubaabo la xiriirtay wax tarka qorista fartu u leedahay horumarka dalka iyadoo erayadii guubaabada ahaa ay ka mid ahaayeen:
Taariikhda Qarada weyn, Afkeennii ka qatanaa,
Qaayaha uu leeyahay, Dunida ka qarsanaa,
Qorrax baa u soo baxdoo, Daahii ka qaadee,
Carrab ku qaldi maayee, Sidii caanaha qurquriyaaaaaay
Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya,
amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge,
Iskudare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah,
ebyan iyo haddaan magic-u-yaal, ku arkay joornaalka,
mar haddii afkaygii la qoray, aabbe iyo hooyo,
mar haddaan ammaahsigii ka baxay, lagu agoontoobay,
Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye,
ammiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene,
Afafkaa qalaad iyo maxaa , eregta ii dhiibay,
Anaa macallimoo rabo dad loo furo iskuullaade.
Waxaana tiriyay tulucdaas Cabdille Raage. Waxaana bulshada la fahansiiyay in ku hadalka luqadda shisheeye iyo aqoonta cilmigu ay kala duwan yihiin, af qalaad in uusan aqoon ahayn oo ay ku faanaan afkoodii hooyo ayaa shacabka laga dhaadhiciyay, guud ahaanna luqadda Soomaaliyeed iyo suugaanta ayaa sare loo qaaday, gaar ahaanna af-Soomaaligii hore ee qadiimka ahaa ee beri hore lumay ayaa dib loo soo nooleeyay, eray bixintii luqadaha shisheeye ayaa lagu beddelay erey bixin soomaali ah.
Sanadkii 1974 ayuu Maxamed Siyaad Barre waxa uu ka hadlay qoraalka farta Soomaaliga, waxaana uu tilmaamay in soomaalidu ay ku xirnaayeen waddamo kale oo ajnabi ah, waxaana uu sheegay in markii fartooda la qoray ay u soo noqdeen fartoodii, Waxaana madaxweynihii Soomaaliya Allaha u naxariistee jaalle Maxamed Siyaad Barre uu yiri fartiina wax ku qora waad ku liibaanaysan. Waddammada horay u maray xitaa Mareykanka wax barashada iyo caafimaadku waa lacag oo qofba taagtii iyo tabartii ku salaysan, hase yeeshee kacaanku labadaas jiritaanka aadamiga daruuriga u ah wuxuu ka dhigay lacag la’aan.
Waxbarashada oo nolosha aadmiga aasaasi u ah isla markaasna fure u ah ilbaxnimada aadamiga iyo horumarka bulsho ayaa wixii kacaanka barakeysan ka horreeyay waxa ay ahaayeen kuwo aan tayo lahayn oo aad u liitay,Waxbarashada Soomaaliyana xilligii Musuqmaasuqa waxa ay ku socotay habkii uu gumeysigu u dejiyay, taasoo ahayd in soomaalida laga dhowro wax barasho heer sare ah, tirade ardayduna ahaato mid yar oo kooban oo xaddidan, taasna waxaa daliil u ah iyadoo manhajka maadooyinku ay ahaayeen kuwii uu gumeysigu ka tegay, halka dugsiyada dhexe iyo sare ay ahaayeen kuwo fara ku tiris ah.
Kacaanka ka hor musuqmaasuq weyn ayaa dalka ka jiray siiba dhanka wax barashada oo caqabad ku ahayd arday badan oo danyar ah. Habka maamulka wax barashada wuxuu ku dhisnaa eexasho gaaar ah oo la siiyo madaxda sare iyo kuwa maalqabeenka ah iyadoo imtixaanaadka la siin jiray darajooyin aysan aqoon ku muteysan si deeqaha wax barasho ee dibedda loo aado ay iyaga keliya ugu koobnaato.
Ayaan darrada kale ee jirtayna dalka gebi ahaantiis kama aysan jirin jaamacad keliya oo ardayda Soomaaliyeed xilligaas ay warbarashadooda ka kororsadaan, balse xilligii Kacaanka waxaa durbadiiba la aasaasay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo u xil saarnayd u diyaarinta ardayda kulliyado kala duwan, fasalo wax barasho oo qalabkoodii wax barasho u dhan yihiin, dejinta manhajyo waxbarasho xilliyeysan kuna saleysan duruus tayo leh, xulashada macallimiinta iyo diyaarinta jiifka, cuntada iyo daawada ardayda, iyada oo waxaas oo hawl ah ay ardaydu u sinnaayeen, isla markaasna ay lacag la’aan ku dhiganayeen.
Jaamacadda Ummadda ee kacaanka 21ka October uu aasaasay ayaa waxa ay ka koobnayd 15 kulliyadood oo kala ahaa Injineeriya, Geologia, Kiimikada, Xannaanada Xoolaha, sharciga iyo qaanuunka, Dhaqaalaha, Luqadaha, Basic Sciense, caafimaadka, Macallimiinta Lafoole. Beeraha, Culuunta Siyaasadda, Saxaafadda, Farsamada iyo Daraasaatul Islaam.  Ardaydii ka qalin jebisay kulliyadahaasna waxay manta kaalin firfircoon oo muuqata kaga jiraan aqoonyahannada dalku sheegto amaba tirsado. Dhinaca aqoonta iyo heerka ay waxbarashada ka gaarsiisneyn qiimeyn caalamku ku sameeyay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxay noqotay mid qaaradda Afrika baal dahab ah ka gashay, waxaana hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ay wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare guddoonsiisay billado dahab ah oo la xiriiray habka hufan ee kacaanku u habeeyay iyo heerka aqoonta lacag la’aanta ah laga gaaray.
Kacaankii 21ka Oktoobar ee dalka ka curtay himmilooyinkiisa towriga ah ee uu hiigsanayay waxaa ka mid ahaa heer inuu gaarsiiyo dalka waxaana uu wax badan ka qabtay arrimo badan oo wax qabad lahaa, haddaba waxyaabaha uu kacaanku qabtay ayaa waxa ay ahaayeen kuwo aan la soo koobi Karin waxaana ka mid ah sidaan soo sheegnayba dhinaca wax barashada, waxaa kale oo ka mid ahaa hadafka towradda ee la dagaallanka Jahliga cudurka iyo saboolnimada, iyo sugidda ammaanka, sida ay dad badan oo xilligaas kacaanka soo joogay ay xusuustaan waxaa wax aan mar dambe dib loo helaynin ka mid ahaa wax qabadkii kacaanka ee dhinaca Caafimaadka, kaasoo gebi ahaanba ahaa lacag la’aan, waxaana magaalada Muqdisho oo kaliya laga dhisay oo laga hawlgeliyay isbitaallo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Digfeer, Laansalooti, Martiini iyo Madiina, iyada oo ay jireen isbitaallo waaxeed sida kan ciidanka iyo kuwo kale.
Dhaqaatiirta isbitaalladaas ka hawl galayana waxa ay u badnaayeen kuwo Talyaani ah iyo weliba kuwo soomaaliyeed. Sidoo kale Kacaanku waxa uu degmo iyo tuulaba ka hir geliyay goobo caafimaad, isbitaallo iyo xarumo lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka ee MCH, waxaana la dhisay wakaaladda keenista daawada si loo ilaaliyo tayada daawada ee dalka soo gelaysa, iyo in la ilaaliyo qiimaha daawada in aanu lumin, waxaana markii dambe Kacaanku dhisay warshaddii soo saareysay daawada ee dalku lahaa, Kacaankuna si uu u hanto kalsoonida dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu si weyn oo hagar la’aan ah ugu dadaalay horumarinta iyo daryeelka bulshada iyo weliba adkeynta midnimada, midnimadii la unkay 1960kii si dhab ah xilligii u dhexeeyay 1960kii – 1969kii looma hirgelinnin, waxaase israacii waqooyi iyo Koonfur ay si dhab ah u meel martay curashadii Kacaanka.
Markuu kacaanku curtay waxa uu jidadka ka ururiyay carruur dibad jiif ahaa oo dowladihii kacaanka ka horreeyay ay dayaceen, waxaana uu u fidiyay daryeel ballaaran, waxaana loo dhisay xarumo u gaar ah oo lagu daryeelo, waxaana ubadkaas dayacan loo bixiyay Ubixii Kacaanka, , waxaana la aasaasay hay’adda dhallinta kacaanka oo raacsanayd ciidammada Asluubta, waxaana hay’addaas loo xil saaray xannaanada carruurta Ubaxa Kacaanka, waxaana laga haqab tiray carruurtaas dayacnayd waxyaabaha nolosha u daruuriga ah, iyada oo sidoo kalena loo billaabay waxbarasho ay heer walba ka gaareen.
Hay’adaha la qarameeyay 1970kii ka sokow, Kacaanku wuxuu alkumay oo uu abuuray hay’ado tiro badan, taasina waxa ay dhalisay inay shaqo helaan kumannaan kun oo muwaadiniin Soomaali ah, kacaankuna waxa uu shaqaaleynta shucuubta Soomaaliyeed iyo baagamuuddada waddaniga ah oo shaqo la siiyo ku saleeyay nidaamka Maxaad Taqaan, isagoo meesha ka saaray habkiii xilligii musuqmaasuqa ee Yaad taqaan oo xilligaas shaqada lagu heli jiray, kacaankuna wuxuu laba jibbaaray tirade iyo tayada shaqaale ee dadka looga saarayay baagamuuddada.
kacaanka curashadiisaba dhiirrigeliyay taageerada uu u hayay haweenka soomaaliyeed oo mar ah xoog, marna xilo, marna xurmo, waxana uu kacaanku aasaaska bulshada saldhig uga dhigay haweenka, waxaana ay haweenku kaalin firfircoon ka qaateen horumarinta dalka, waxaana kacaanku uu haweenka u fidiyay waxbarasho iyo aqoon ilaa heer jaamacadeed, waxaana ay wax ka qabteen jagooyin sarsare sida wasiirro, duuliyeyaal iyo xitaa dhaqaatiir.
Allaha u naxariistee aabbaha ummadda Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo 3dii Sept 1971 la hadlaya haweenka ayaa waxa uu sheegay in habalaha soomaaliya ay yihiin gobkii wadanka ayna wax uqabtaan dalkooda. Kacaankii Oktoobar durbadiiba wuxuu dhismaha dowladda ku daray wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga, taasoo loo abuuray daryeelka horumarinta da’yarta.
Wuxuu kacaanku u guntaday in la helo garoon ciyaareed caalami ah, waxaana kaalmo laga helay dalka Shiinaha lagu dhisay garoonka ciyaaraha ee Stadium Mogadishu, waxaana u dhammaa dhammaan qaybaha ciyaaraha, dhanka kalena 14kii Febraayo 1974kii ayey Soomaalidu ku biirtay ururka Jaamacadda Carabta, waxaana isla sanadkaas oo ay abaartii daba dheer ku dhufatay dalka wax ka qabtay kaalmada Carbeed, gobollada ay abaartaasi sida daran u aafeysayna waxaa ka mid ahaa. gobolka Togdheer, Nugaal, Mudug iyo Galguduud, waxay galaafatay xoolihii reer guuraaga, waxaana ay abaartu halis gelisay noloshii reer miyiga, waxaana lagama maarmaan noqotay in la badbaadiyo nolosha dadka, gurmadka dowladda iyo shacabkuna lagama maarmaan ayey ahayd, gurmadkii dowladdii kacaanka iyo kaalmooyin ay ka dalbatay kana heshay midowgii soofiyeeti ayaa waxa uu kacaanku ku guuleystay wax ka qabashada abaartaas, waxaana dadka abaartu wax yeelleysay loo raray degaammada u dhexeeyay labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, waxaana si gaar ah loo dejiyay degmooyinka Kurtunwaarrey, Dajuuma, Sablaale, iyo weliba Cadale iyo Baraawe.
Kacaankii Barakeysnaa ee 21ka October ayaa waxa uu markaas ku dhiirri geliyay bulshada intii beeraha tabcan taqaanna inay webiyada daafahooda delegga ku beertaan, intii kalluumeysan taqaanna ay badda shabaagaha u ritaan oo la cirib tiro gaajada, jahliga iyo cudurka, 3dii Sept 1972 ayuu Jaalle Siyaad Allaha u naxariistee waxa uu sheegay in la cirib tirayo saddexda cudur ee bulshada dilootay eek ala ah gaajada, Jahliga iyo budurka.
Guulaha kacaankii Oktoobbar waxaa ka mid ahaa qarameyntii ilaha dhaqaalaha dalka, 7dii March 1970kii waxaa kacaanku la wareegay oo la qarameeyay Dhammaan bangiyadii shisheeyuhu lahaa, Warshaddii Sokorta ee Jowhar ee SNAI, Warshaddii xoogga korontada ee Xamar, Dhammaan shirkadihii shidaalka, Dhammaan shirkadihii caymiska, Wakaaladdii Mooska ee ENTE BANANE Waxaana ilahaas dhaqaale ee la qarameeyay ku takri falayay oo laga soo qarameeyay shirkado shisheeye oo dhaqaalaha dalkuna uu gacanta ugu jiray.
Guushaas qarameyntana waxaa faa’iidadeeda la dareemay dhowr bilood gudahooda, taasoo aan tusaale u soo qaadan karno in warshadda sokorta ee Jowhar ay bilo gudahooda dabooshay baahidii sokoreed ee dalka, sidoo kale kacaanka 21ka Oktoobar wuxuu hagaajiyay isla markaasna hab maamuleedkooda dhammeystiray dekedihii dalka oo markii hore ahaa meelo aan tayaysneyn, waxaana hannaanka kacaanku u jeexay ay soo jiidatay ganacsatada adduunka oo maraakiibtooda ay had iyo goor Hogan jireen, dakadaha dalka ugu casrisan waa dekedaha Boosaaso iyo Muqdisho waxaana kacaanku uu dhisay xilli dambe si casri ahna wuu u dhisay, dekedaha kale ee uu habeeyayna waxaa ka mid ahaa Kismaayo, Berbera oo labadaba la ballaariyay.
Warshado badan ayaa waxaa laga dhisay dalka Soomaaliya intuu Kacaanku jiray kuwaasoo daboolay baahidii loo dhisay, waxaana warshadahaasi ay ahaayeen kuwo lagu dhisay kaalmooyin dhaqaale oo dalku ka helayay dibadaha iyo waddamada saaxiibka la ahaa soomaaliya, waxaa ka mid ahaa warshadahaas warshadda sokorta ee Mareerrey, warshadda burka iyo baastada, warshaddii daawada, warshaddii sifeynta batroolka, warshaddii tarraqa iyo sigaarka, warshaddii lebenka ee Afgooye, warshaddii doomaha caagga ah, warshaddii kartoommada iyo balaastiigga, warshaddii hubka iyo rasaasta ee Mahaddaay, warshaddii galleyda ee Afgooye, Baydhabo, burco iyo Hargeisa ku yaallay, warshaddii hargaha iyo saamaha, warshaddii khudradda ee ITOP ee afgooye, warshaddii birta ee xamar, warshadda caanaha, warshadda badarka, warshadda saliidda iyo warshadda habka cusub ee Xamar.
Waxaa kacaanku sidoo kale hir geliyay warshado si gaar ah loo leeyahay sida warshadda Barafuunka oo ay ganacsato Soomaaliyeed furteen, iyada oo xafladdii furitaankana Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre uu xarigga ka jaray,Waxaa jiray dhowr warshadood oo dalka ka jiray ka hor xilligii Kacaanka, waxaana ugu weynayd warshadda Sokorta ee Jowhar oo ay lahayd shirkad gaar ahayd oo Talyaani ahayd, sidoo kalena waxaa ka mid ahaa warshaddii Hilibka ee Kismaayo, Warshadda Kalluunka ee Laasqorey, warshadda Yaanyada iyo Yoogada, warshadahaas oo dayacnaa muddooyinkii ka horreeyay kacaanka ayaa waxaa ay laf dhabar u ahaayeen dhaqaalaha dalka, waxaana xilligii kacaanka lagu sameeyay dayactir aad u ballaaran taasoo dhalisay in warshadahaas ay waxtarkooda iyo wax soo saarkooduba uu noqdo mid baaxad weyn. Kacaanka 21ka October waxaa uu ka dhabeeyay himiladiisii siyaasadeed ee ku aaddaneyd mabda’a hawl iyo hantiwadaag, waxaana uu Kacaanku la baxay magacyo guul tilmaamayo, waxaana ka mid ahaa Kacaankii Libineed, towraddii Barakeysneyd, himiladii hagaagsaneyd iyo kuwo kale, waxaana kooxaha fanka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo hiil iyo hooba taageero hagar la’aaneed la garab taagnaa kacaanka, waxa ay had iyo goor tiring jireen heeso qaarkood ammaan soocan ay ahayd, qaarna guubaabo iyo kicin ay ahayd, waxaana heesahaas ka mid ahaa Towraddatan barakeysan.
Dhinaca jidadka ayuu kacaanku wax weyn ka qabtay, maadaama wixii kacaanka ka horreeyay dalku uusan lahayn jid maritaankiisu suurta gelin karo in si sahal ah lagu maro ayaa waxaa kacaanku uu dhexda u xirtay dhismaha jidad kuwaasoo xitaa dhaqaalihii, isgaarsiintii iyo ganacsigiiba sahlay. Kaalmo laga helay waddanka sucuudiga ayaa waxaa lagu dhisay waddada Muqdisho dhex marta ee Maka-al-Mukarrama, waxaana dhererkeedu u dhexeeyay Km4 ilaa guriga ummadda, waxayna muddaba ahayd waddada qura ee labada seed ee baabuurtu isku feer socon karto, kacaankuna wuxuu ka dhiidhiyay weer uu nin weriye ahaa oo waagaas booqday Muqdisho yiri oo ahayd Somalia waa qaran hal magaalo ah, magaaladuna hal waddo leedahay.
Tilmaantaasina waxa ay dhalisay in Muqdisho oo keliya laga dhiso 25 waddo oo casri ahaa, waxaa kaloo la dhisay waddooyin kale oo laami ahaa oo isku xirayay gobollada dalka qaarkood, in kasta oo gobolka Gedo uu ka mid noqday gobollada aan nasiibka u yeelannin taabbagelinta waddooyinka ee towraddu wadday xilligaas, haddana gobollo badan ayaa waddooyinkoodu ahaayeen laaami, waxaana sharafta kacaanka lagu xusuustaa waddooyinka qaran ee la hir geliyay oo ay ka mid ahaayeen Jidka warshadaha, Jidka soddonka, Jidka wadnaha, Jidka Jaalle Siyaad, Jidka Jeneral Daa’uud, Jidka Nasiib Buundo, Jidka Maxamuud Xarbi, Jidka Kaaraan, iyo kuwo kale oo tiro badnaa. Isgaarsiinta dhinaca gaadiidka oo ka kooban gaadiidka cirka, gaadiidka badda iyo gaadiidka dhulka ayaa waxa ay ahaayeen ka hor kacaanka barakeysnaa xilligiisii mid aan tayaysneyn, waxaa dhici jiray shilal, iyo aqoon yaraan, waxaana liitay tayada gaadiidka, haddaba si dhibaatadaas looga baxo, waxna looga qabto ayaa kacaanku xoogga saaraysameynta waddooyinka dhulka si loo yareeyo waxyeellada dadka iyo dalka ka soo gaari jiray jidad xumidaas, Jidadka laamiga ah ee dalka ka jiray ee uu Kacaanku hir geliyayna waxaa ka mid ahaa Waddada isku xirta Beledweyne ilaa Burco oo ay dhiseen Shiinaha, waddada isku xirta Burco ilaa Berbera waxaa dhisay Talyaaniga, Waddada isku xirta Hargeysa ilaa Boorame waxaa dhisay Hawlaha guud ee dalka, Waddada isku xirta Garowe ilaa Boosaaso waxaa dhisay Talyaaniga, Waddada isku xirta Afhooye ilaa Baydhabo waxaa dhisay oo ballaariyay Shiinaha, Waddada isku xirta Golweyn ilaa Jilib waxaa dhisay Talyaaniga, waddada isku xirta Awdiinle ilaa Qansax dheere waxaa dhisay Hawlaha Guud ee dalka.
Lama tira koobi karo jidadka carro kaawada ah ee dalka laga sameeyay, waxaase ka mid ah jidad badan oo u dhexeeya labada webi ee Jubba iyo Shabeelle. Muruqa Crash Program waxaa lagu hirgeliyay jidad carro kaawo ah oo beeraha isku xira, gaar ahaan gobollada Sh/hoose, J/Hoose, J/Dhexe iyo Sh/Dhexe iyo wixii soo raaca, sidoo kale waddooyinka gudaha ee isku xira xaafadaha magaalooyinka Baydhabo, Hargeysa, Burco iyo Kismaayo ayaa waxaa laga dhisay carro kaawo iyo laami cusub.
In kasta oo kacaanku guulahaas gaaray haddana waxaa jirtay in sanaddadii dhexe ee toddobaatameeyadii ay towraddu dejisay xeerka qoyska, kaasoo sida xeerku dhigayay simayay haweenka iyo raga, aragtidaas waxaa si aan gabbasho lahayn uga dhiihdiyay qaar ka mid ahaa culuma-u diinkii xilligaas joogtay oo soo qaatay aayadda dhaxalka eek ala sarreysiinaysa raga iyo dumarka, waxaana ay ku doodeen in xeerkaasi uu khalad yahay kana hor imaanayo shareecada Islaamka, buuqii iyo dooddii ayaa waxa ay dhalisay in dhammaan culumadaas la soo xirxiro, ka dibna maxkamad la saaro, waxaana lagu xukumay dhammaantood dil toogasho ah, in kastoo markii dambe Allaha u wada naxariistee la toogtay dhammaantood, haddana waxaa is weydiin leh side amarka toogashada uu ku yimid, maxaase kala gudboonaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre xilligaas, waa su’aal aan idin hordhigo bulshoy.
Sidoo kale Kacaanka waxa uu dadka kala dagaallamayay in ay dhexdooda dib ugu noqdaan xilligii eexashada iyo musuqmaasuqa, waxaana loo sheegay dadweynaha Soomaaliyeed in Qabiilka la aasay, iyada oo maalin qaran oo aas ah loo sameeyay dabadeedna karfan cad inta lagu soo duubay meel ay bulshadu isugu soo baxday iilka la dhex dhigay, taasoo hadafka uu kacaanka ka lahaa ay ahayd in dadka ay ka fogaadaan qaraabakiilka, iyo eexda qabiil ee dib u dhigi karay bulshada, waxaana warbaahintu ay had iyo jeer ku dhiirri gelin jirtay buldhada in qabiilku uu yahay wax la hari kara bulshada, waxaana la ilaaliyay in bulshadu ay isugu xirnaato hab qabiil, waxaa la joogteeyay dhaleeceynta kuwa qabiilka dugaashada, waxaa la fogeeyay eexashada ku dhisan qabiilka, waxaana sidoo kale fannaaniinta qaranka iyo guud ahaan kooxaha fanku ay caadeysteen ka wacyi gelinta bulshada dhinaca qabiilka, iyada oo dadka Soomaaliyeed la isu tusayay inay Soomaali isla yihiin wax ka sokeeyana aanan loo baahnayn. Waxaa ay taasi dhalisay in degaannada dalka laga wada helo qabiillada Soomaalida, waxaana sanadkii 1976kii uu aabbaha Ummadda Soomaaliyeed qudbad qaaya leh oo uu kaga hadlayay dhibaatada qabiilka iyo meesha uu kacaanku iska taagay u jeediyay bulsha weynta Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in qabiil uu yahay xumaan laqariyay qabiilna uusan marnaba wanaagsanayn. Dalka soomaaliya xilgaas waxaa kadhaqan galay magacyaal farabadan oo soomaalida ay xiligaasi wax kuqabsan jirtay waxaana ugu cad cadaa “ ISKAA WAX U QABSO” taa oo uu qofka aqristaha ah uu ufahmi karo in isku duubni wax loowada qabto si madax banaan,arinta looga dhab la ahaa ayaa ahayd in dalka uu dadka usiman yahay qof walbana uu wax uqabto 1dii Luuliyo 1976kii waxaa la aasaasay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) kaasoo aasaaskiisa lagu beegay sanadguuradii 16aad ee xornimaqaadashada gobollada koonfureed ee Soomaaliya, iyo israacii Koonfur iyo Waqooyi oo ay ka curatay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana ku dhawaaqidda xisbigu ay timid ka dib markii golaha sare ee Kacaanku ay sidaas guddoomiyeen.
Waxaaa meesha looga saarayay xukunkii milateriga ahaa, iyada oo nidaam xisbi iyo hab hantiwadaag loo jihaystay, waxaana shir weynihii aasaaska XHKS ee kagu qabtay kulliyaddii Jaalle Siyaad lagu sheegay in laga billaabi 1da Luuliyo 1976kii ay talada dalka Soomaaliya wadayaan XHKS, taasoo dadku siyaabo kala duwan u fasirteen. Qodobkii 1aad ee xeerka xisbigaasna waxaa lagu qeexay in xoghayaha guud ee XHKS iyo madaxweynaha dalkuba uu yahay Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaa kaloo la ansixiyay xubnaha xisbigaas oo 76 xubnood ahaa, kuwaasoo ay ugu horreeyeen xubnihii Golaha sare ee Kacaanka, iyada oo weliba shanta xubnood ee ugu sarreysana loo magacaabay Guddiga Siyaasadda ee XHKS, waxaa kaloo isla qodobkaas 1aad lagu ansixiyay 3 xubnood oo ahaa guddiga dhexe ee barista XHKS. Qodobka 2aadna waxaa lagu sheegay in hawshii sare ee Golaha Sare ee Kacaanka ay la wareegeen guddiga siyaasadda ee XHKS iyadoo la meel mariyay xeerka iyo barnaamijka XHKS. Waxaana hawshii xisbigu ay ahayd mid aad u xawli ahayd dalkuna uu kaga gudbay nidaamkii golaha sare keliya.
Marxaladdii 2aad ee XHKS waxaa xiritaankii shir weynaha XHKS lagu dallacsiiyay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Samatar oo laga dhigay Sarreeye Guud Maxamed Cali samatar, wuxuuna dhinaca darajada ciidanka xitaa ka sarreeyay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.
Sanadkii 1977kii ayaa waxaa dalka Soomaaliya uu dagaal aad u kharaar la galay dalka Itoobiya oo tiro ciidan iyo tiro dadba ka badan, waxaana dagaalkaas intii uusan billaaban labada waddan ay isku soo hubeynayeen jabhadaha ka soo kala hor jeeday, sidoo kalena waxaa saldhigyo la kala siiyay jabhadahaas, Horraantii 1976kii aasaaskii XHKS ayey Soomaalidu billowday nidaamka ay ku taageeraysay Jabhadaha oo la hubeeyo lana geliyo gudaha Itoobiya, balse Soomaalidu xilligii jabhadeynta waa ay inkirtay in ay dagaalka jabhadaha gobanimo doonka ahi wadeen, waxaana ay ku sheegtay in ay yihiin jabhado gudaha Itoobiya ka dagaallamaya waxaan ay ahayd HEESTA JABHADAHA GOBANIMADOONKA SOOMAALIYEEDEE GALBEED. dagaalkaas waxaa uu qarxay sanadkii 1977kii waana dagaalka ay Soomaalidu u taqaan 77, kaasoo xudduudda dheer ee ay labada waddan wadaagaan ka socday, waxaana Soomaalida ay markaas weyday taageeradii reer galbeedka iyo tii reer Bariga ee dhinaca ciidammada, dagaalkii 77 waxaa sida uu general Maxamed Cali Samatar oo ahaa ninka dhinaca ciidanka ugu darajada sarreeyay ku sheegay Soomaalida ciidammada uga dhintay dagaalkaas inay ahaayeen 5.500 askari tan iyo dagaalkii Balanbal ee u dambeeyay ee sanadkii 1978kii.
Waxaana sidoo kale uu sheegay in sababaha jabka dagaalkaas ay ahaayeen xaalado la xiriiray isbahaysi la’aan dhankooda ah, iyo weliba dhinaca kale oo reer Galbeed iyo reer Bariba ku taageereen dhinaca ciidanka iyo qalabka, waxaana uu sabab uga dhigay General Cali Samatar Itoobiya oo diin ahaan ay is xigeen iyo dad iyo dhul ahaan oo ay Soomaalida ka badnayd.
Soomaaliya oo waagaas loo yiqiinnay kuwa ugu ciidan fiican waddamada Afrikada Madow ayaa muddo gaaban ku gaaray goobo gudaha dalka Itoobiya ah, waxaana ay ku dhowaadeen magaalada caasimadda ah ee Addis-ababa, hase yeeshee horraantii bishii Maarso 1978kii ayaa xulufadii Itoobiya oo ahayd waddamada Ruushka, Kuubba, Yemen, iyo Liibiya waxay soo jebiyeen Soomaaliya ciidammadeedii, waxaana waqti yar ka dib idaacaddii Radio Muqdisho laga maqlayay hees ahayd Galbeed waa la xoreeyay, Waarsaa gaagixisay. Waxaa taariikhyahannada iyo dadkii goobjoogayaasha ahaa ay xusuustaan in waddaniyadda iyo is jacaylka ciidanka iyo dalkuba ay gaartay heerkii u sarreysay.
Waxaa la is weydiin karaa siduu Sarreeye Guud MAXAMED CALI SAMATARBA uu sheegay sababihii ay ciidammada Soomaalidu xilligaas u soo jabeen, waxaana dadka xaqiiqada u dhowi ay sheegayaan, in ay sabab u ahayd cilaaqaadkii shisheeye oo ay Soomaalidu cawda u jartay, tusaale, dagaalka oo meel adag maraya ayaa dowladdii Soomaalida waxay xiriirkii ka jaratay waddanka Midowga Soofiyeeti 13kii November 1977kii xilligaas oo ahayd xilliyadii dagaalku u adkaa, waxaana go’ay xiriirkii iskaashiga dhinaca ciidammada ee Midowga Soofiyeeti ay la lahayd Soomaalidu oo soo taxnaa tan iyo 1963kii ka dib markii ra’isul wasaare Cabdirashiid uu booqashada ku tegay Moscow. Dhinaca kale waxaa socday dacaayadaha labada dhinac ay is weydaarsanayeen ee la xiriiray dagaalladaas, waxaana idaacadda kacaanka ka baxayay heeso kala cayn ah oo ay ka mid ahaayeen MINGISTOW WAR LI’IDAA WALEE WAR LI,IDII Ka dib markii dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya lagu soo jebiyay Soomaalida ayaa waxaa saraakiishii hoggaamineysay ciidammadii dagaalka galayay weliba kuwoodii safka hore joogay ay isku dayeen inay inqilaabaan dowladdii Maxamed Siyaad Barre 9kii Abriil 1978kii, in kastoo inqilaabkoodii la fashiliyay waxaana loo xirxiray inqilaabkaas koox ka mid ahayd saraakiishii wadday inqilaabkaas.
Muddadii dagaalkaas ka dibna waxaa dalka Soomaaliya ku soo jabay qaxooti ka soo hayaamay soomaali galbeed kuwaasoo ka soo cararayay abaaro aad u daran oo degaammadaas isaga daba noqnoqday iyo dagaallada iyo jabhadeynta halkaasi ka jirta, waxaana xeryo qaxooti looga ooday gudaha dalka Soomaaliya, waxaana goobaha looga ooday xeryaha ka mid ahaa gobollada Hiiraan, Gedo iyo Shabeellooyinka, iyo gobolka Waqooyi Galbeed, waxaa hay’adaha qaramada midoobay iyo dowladdii Soomaaliya ee xilligaas ay isku qabteen tirade dadka qaxootiga ah iyo inta qoys ee ay yihiin si la isula jaan gooyo raashiinka la keenayo, waxayna dowladdii Soomaaliya ku tilmaantay in qaxootigaasi uu dhammaa hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qoys, halka qaramada midoobayna ay sheegeen tiro taas aad uga yar oo ahayd afar boqol oo kun oo qoys, dood dheer oo muddo socotay iyo wada xaajoodyo ayaa waxaa markii dambe la isla gartay in raashiimmada lagu keeno siddeed boqol oo kun oo qoys, taasoo muddaba ku socotay sidaas.
Laga soo billaabo 1986kii waxaa billowday marxalad kale oo uu dalku galay waxaana gudaha dalka ka billowday jabhado qabiil ku dhisnaa, kuwaasoo doonayay inay dowladda ka takhalusaan, awoodda dalkana marooqsadaan, waxaana ay u arkayeen in ciidammada la kala furfuri karo, jabhadahaas waxay magaalooyinka dalka ee muhiimka ah ka aasaasteen taageerayaal, waxaana ka mid ahaa jabhadihii SSDF, SNM oo labaduba ahaa jabhado qabiil, ma aysan lahayn hadaf mideysan, mana aysan lahayn dallad u dhexeysa oo markii ay afgembiyaan dalka wadda hogaanka, Laga soo billaabo 1986kii siyaasiyiintii iyo saraakiishii milateri ee ka soo hor jeeday dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo joogay dibadda kuma aysan guuleysannin hadafkoodii ahaa inay mideeyaan jabhadahaan weyraxsan ee dhallinyarada reer miyiga ah hubeysatay, iyo waxa ay yeeli doonaan haddii dowladda Siyaad Barre la rido toona, waxaana dareenka hadafkoodu uu xiriir la lahaa meelaha ay ka soo kala jeedaan.
Jabhaddii SNM waxa ay iyadu ku doodeysay wax ka duwan wixii magacoodu uu ka turjumayay kaasoo ahaa in ay ka xoroobaan Soomaaliya, halka magacooduna uu tibaaxayo inay yihiin jabhad u dhaqdhaqaaqda Soomaaliya oo idil, taasina waxaa lagu fasiray inay ku beer laxawsanayeen saraakiishii beeleed ee ka soo hor jeedday dowladda ee hubku gacanta ugu jiray ee aan degaankooda ka soo jeedin, waxaana ay jabhaddani billoday dhaqdhaqaaq ciidan, weerarro jabhadeyn ah oo lagu qaado xarumihii dowladda iyo dilal jidka loo galo dowladda ah, waxaana arrintaasi ay dhalisay in sanadkii 1988kii weerar ay dowladdu ku qaaddo xarumihii ururka SNM oo ay ugu weyneyd rugta wadaamagoys iyo qaybo ka mid ahaa magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, waxaana dowladdu tallaabadaas milateri ay ku soo ceshatay awooddii ay ku lahayd waqooyi galbeed.
Jabhadihii hubeysnaa ayaa ku batay Soomaaliya iyadoo meel walba ay ka billowdeen dagaallo iyo fowdo, dalkuna uu noqday mid xaalad qallafsan ku jiray, waxaa Muqdisho iyo gobollada dhexe ay noqdeen kuwo jabhaduhu ka dagaallamaan, taasoo dhalisay in ugu dambeyntii 26kii Jannaayo 1991 xukunka laga rido Allaha u naxariisyee Maxamed Siyaad Barre oo markii dalku sii qasmayna u ambabaxay dalka Nigeria halkaas oo uu markii dambena ku geeriyooday.
Xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka 21kii Oktoobatar 1969kii ee dhaliyay kacaankii uusan dhiiga ku daadan (The Bloodless Revolution) magacyadooda waa kuwa hoose:
1. S/Gaas Maxamed Siyaad Barre
2. S/Guud Maxamed Cali Samatar
3. S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax
4. S/Guuto Ismaciil Cali Obokar
5. S/Guuto Axmed Suleiman (Dafle)
6. S/Gaas Cabdalla Maxamed Faadil
7. S/Guuto Maxamud Geelle Yuusuf
8. S/Guuto Maxamed Sheikh Cusmaan
9. S/Guuto Cali Mataan Xaashi
10. S/Guuto Maxamed Cali Shire
11. G/Sare Axmed Maxamed Faarax
12. G/Sare Muusse Rabiille Good
13. G/Sare Cusmaan Maxamed Jeelle
G/Sare Axmed Xassan Muusse
G/Sare Faarax Waceys Duule
G/Sare Cabdi Warsame Isaaq
G/Sare Maxamed Cumar Jees
G/Sare C/risaaq Maxamud Abubakar
G/Sare C/qaadir Xaaji Masalle
G/Sare Maxamud Mire Muusse.

By. Https//.Mohamed-mahad.blogspot.com

Monday, October 3, 2016

GABEY!!!!

Ma gardaadin  waayaba sidiiqoow gabayadaydiiye

Waa taan ka gaabsaday murtiba gogol-dhigeediiye

Inaan gabay xilkaygii la mood maanse   gaa-gixine

Geeraar hadii aan uur-koo gubtiyo gocasho kaa keenin

Ama caashaq guunoo ku helay
Kugu gabaaneynin

Ama geel lagaa qaaday iyo godob laguu geystay

Gundhigeeda xaajada hadaan laga garaabaynin

Garnaqeeda doodaa hadaan guurti lala raadsan

Gadh-cas iyo hadaan ninkii geesi ahi talada goynaynin

Hadba Inaad gebi-dhacleysaa waa gawaan-dhabade

Gil-gishaye habeenaba wixii gama,a ii diiday

Sida Aar gantaal loola galay geedkuu hadhinaayey

Waxa gooha iigu wacan hadaan idin gar-waaqsiiyo

Gooli-baadhka wuu ila yaqaan abwaan gaase-bixiyaaye

Gaawaha u qabo hadaan soo godliye oo gorofku daadin

Midnimadan lala gudaayiyo gefkaan geedba lagu waabin

Shantaan baadidoon ku galee darteed godobtu ii gaadhey

Garaadkoodu waa kii gambiyey
Doraad gaawahaan culaye

Ninka weli la goobyaalayow gocosho beenaale

Nin galaday libaaxuba waa og-soon iyo godob ninkii baanay

Mar labaad gondaha inaad heertaan haw gunuunicina

Garashaan u leeyahay xadhgahaad hoos ka gunudeen

afartaa intaan soo gimgimey gole ma soo taagey

Gedii faarax nuur iyo carabey  ma u giraan-gireyey

Gufaacooyinkaygii horaa geed-labka lahaaye

Gef intaan ka gaabsaday murtida geydh ma abaaray

Ma gaadhsiiyey abwaan garashiyo gabeyga loo daayey

Gurigiisu ninkuu gubanayee mid kale gibil la doonaaya

Garanwaayey Gabal inuu u dhacay gurigana oodaaya

Garaadkiisu nimuu fooraroo xil-gabay geedna hadhin waayey

Gabaygiisu nimuu toosanyoo geel u dhalay galaba haaneeda

Geeraarka beenta ah inaad ula gashaan maanka geli mayso

Gacantaagu reer koonfuroow waa dabku ha gaadho

Ninka weli raad-goobayoow midnimo haw goleynina

Ka guyayste maantaba dadkani
 lala galuubnaa

Gobanimay wada nool yihiin
Waanad garanayne

Guurtibaa ka talisoo geyigan
Axmaar nooma soo galo,e

Geediga waxaan u heensaynaya
Inaan dunida gaadhnaa

Gudbiyaha doodan.

Mohamed Mahad Muhumed

Gar-naqeeda.

Inta garaadkooda murtidu ka godlato.

Tuesday, September 13, 2016

SABABIHII BUR-BURIYEY SOMALIA?

SABABIHII BURBURIYAY SOMALIA?

Aqoonyahanno badan oo soomaali iyo shisheeyaba leh ayaa wax ka qoray sababihii burburka dawladdii Somalia. Nin walba meel ayuu sanka u saaray markuu baadhis sameeyey. Qaar badan oo qorayaal ahi

waxay tilmaameen qarannimadii iyo qabyaaladdii isku milmay inay tahay waxa halaagga ku keenay ee burburiyey dawladnimadii, waayo bay yidhaahdeen Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan. Qaar kale waxay qabaan inaan dawladdii Somalia looga horrayn dagaalkii ay la gashay dalka Ethiopia sannadii 1977kii. Kuwo kale oo shisheeye u badan waxay aaminsan yihiin in dadka soomaaliyeed weligoodba ay qabaa’il kala madax bannaan ahaayeen isla markaana baadka, biyaha iyo beledkaba ku dagaallama, dawlad dhexe oo midaysana anay abidkood yeelan, dawladnimadii lixdankii ay hantiyeen isla markaana lagu mideeyey labadii gobol ee woqooyi iyo koonfurna ay ahayd laab-lakac ay ka madhan tahay aasaas xididdo adag iyo sooyaal dawladnimo leh, sidaa daraaddeed ay iska burburtay. Qofba meel ayuu aragtidiisa iyo baadhistiisa ku saleeyey. Madaxweynihii hore ee dawladda Ethiopia Kornayl Mangistu Haile Mariam isaguna waxa uu ku faanay anaa burburiyey dawladdii Somalia, dad soomaaliyeed oo sidaa aaminsanna way jiraan.

Burburka ku dhacay dalkii iyo dadkii soomaaliyeed waa mid dul iyo hoosba waxba seegin oo dhinac walba taabtay. Dunidan casriga ah dal sidaa u kala daatay  oo baaba’ay laguma sheegin sooyaalka. Markaad dhinacyo badan ka fiiriso 26kii sannadood ee aynnu soo dhaafnay wixii dhacay baad ogaanaysaa waxa burburka keenay inuu yahay arrin aad iyo aad u weyn oo u baahan in si xeeldheer loogu daadego halka wax ka soo unkameen. Muddadaa rubuc qarniga ku dhaw ee burburku socday qoraallo badan oo laga diyaariyey markaan akhriyey isla markaana aan dhegeystay waraysiyo badan oo ay bixiyeen culimo iyo dad kale oo madax u badnaa oo xogogaal ahaa isla markaana goobjoog u ahaa dhacdooyin badan iyo intaan u soo joogay , baan go’aansaday inaan isku dayo aniguna oo aan wax ka qoro sababihii burbuka keenay, halkii uu ka bilawday iyo maalin walba haadaantii dalku ka dhacay sidii loogu sii durkayey.

Bishii Oktoobar 15keedii 1969kii waxa magaalada Laascaanood lagu dilay madaxweynihii jamhuuriyadda Somalia Allaha u naxariistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, bisha 20keediina waxa lagu xabaalay caasimadda Muqdisho. Isla bishii Oktoobar 21keedii waxa afgembi milateri xukunkii ku qabsaday ciidamadii xoogga dalka soomaaliyeed. Inqilaakaa ciidanku sameeyey dadweynuhu aad bay u soo dhaweeyeen, waayo? Waxay aad iyo aad uga niyad jabsanaayeen xukuumadihii rayadka ahaa ee dalka soo maamulay sagaalkii sannadood ee hore, kuwaas oo maamul xumadoodii ay keentay in duhur cad la dilo madaxweynihii dalka.

Saraakiishii maamulka dalka la wareegay waxay ku dhawaaqeen gole ay ku magacaabeen Golaha sare ee Tawradda (Kacaanka) oo ka koobnaa 25sarkaal oo guddoomiye u doortay Janaraal Maxamad Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidamada Somalia. Durba waxay soo saareen toddoba qodob oo ay u bixiyeen cahdigii koowaad ee Tawradda. Qodobbadaas midba midka kale ayuu ka qurux badnaa. Dadweynihii aad bay u soo dhaweeyeen baaqii ciidamada oo durba waxay laabta gashadeen ididiilo iyo in laga baxayo horowmar la’aantii dalka daashatay. Hasayeeshee waxgaradka soomaaliyeed baa shaki weyn ka qabay saraakiisha xukunkii dalka maroorsatay, waayo? Waxay ogaayeen oo ay si wanaagsan ula socdeen in saraakiisha dhexdooda lagu fidiyey mabda’a Shuuciga ah iyo janaraal Maxamad Siyaad Barre sooyaalkiisa oo aad u madoobaa.

1964kii oo dawladdii Xabashidu dagaal ku soo qaadday Somalia ayaa ra’iisalwasaarihii dalku Mudane Sharma’arke uu xidhiidh wanaagsan la samaystay dawladdii Ruushka si ay u hesho hub ay dalka ku difaacdo kadib markay reer galbeedka ku hungowday. Waa markaa xilliga ay Shuuciyaddu aad ugu dhex faaftay saraakiishii ciidamada xoogga dalka. 1969kii, wixii ka dambeeyeyna uu sii xoogeystay xidhiidhkii Somalia iyo Ruushku.

QAADASHADII HANTIWADAAGGA CILMIGA KU DHISAN

Intaanay sannad gaadhinba waxa dalka la keenay boqollaal saraakiil milateri iyo tababarayaal ah oo ka socda dalka Ruushka oo berigaa la odhan jiray Midawga Sofiyeti. Waxa caasimadda Somalia ee Muqdisho laga furay xafiiskii ugu weynaa ee K J B (Ciidamada sirdoonka ee Ruushka) ku yeelato qaaradda Afrika oo dhan. Hal sano kadib oo ku beegan 21kii Oktoobar 1971kii, golihii sare ee Tawraddu waxay meel mariyeen oo ay ku dhawaaqeen in maanta laga bilaabo dalka Somalia uu qaatay oo lagu dhiqi doono mabda’a Hatiwadaagga cilmiga ku dhisan, dawladda Somaliyana ka mid tahay beesha hantiwadaagga ee dunida. Haddaad maqasho hantiwadaagga cilmiga ku dhisan macnaheedu waa Shuuciyad (Diin la’aan).Hasayeeshee markay hirgelinayeen waxay odhan jireen mabda’u waa hawl iyo hantiwadaag. Hantiwadaagguna waa dawga qudha ee aan ku gaadhi karno horowmar dhinac walba ah. Markaan hawsha wadajir u qabanno baan hantida wadaagaynaa.

Dabadeed barnaamij Iskaa-wax-u-qabso la yidhaa oo aan dhammaad lahayn baa dadweynihii lagu mashquuliyey. Sannadihii lixdamaadkii iyo toddobaatanaadkii bilawgoodii dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika, koonfurta Amerika iyo dalalka Carabta qaarkood waxa ka dhacay afgembiyo milateri oo dhinaca Ruushka iyo xulifadiisii reer Bariga u janjeedha. Waxa berigaa waddamada dunida saddexaad sida daadka u soo galay kutub faahfaahinaysa mabda’a Suuciyadda oo ay qoreen rag ay ka mid yihiin Karl Marx, Lenine, Mao Tse Toung iyo kuwa kale. Kutubtaa ay raggaa gaaladu qoreen dhallinyaro badan oo soomaaliyeed bay saameeyeen oo ku toobaseegay. Saraakiishii xukunka dalka qabsatay si ay u hirgeliyaan mabda’a hantiwadaagga cilmiga ku dhisan waxay la kaashadeen dhalliyaradaa aan soo sheegay ee la dhacsanayd Shuuciyadda. Waxa xaafad iyo tuulo walba laga dhisay goleyaal waaweyn oo loo bixiyey Golayaasha hanuuninta dadweynaha, halkaa oo markay galabtii iskaa-wax-u-qabso dadweynuhu ku soo shaqeeyaan habeenkiina lagu hanuuniyo ilaa saq-badhka. Hanuunintaas oo ahayd in shacabka lagu shubo mabaadiida uu  kacaanku watay, in laga maqnaado golaha hanuuninta dambi weyn bay ahayd, qofkii ka soo xaadiri waayana inuu kacaandiid dib-u-socoda yahay baa loo aqoosan jiray isla markaana dabagal joogta ah baa lagu hayey. Intaa waxa dheeraa oo tababarro joogta ah loogu diri jirey saraakiisha ciidamada, hawl wadeennada maamulka dawladda iyo shaqaalaha intaba waddamada Shuuciga ahaa oo ay ka mid ahaayeen Ruushka, Jarmalkii bari, Juquslafaakiya(Tchecoslavaqui) iyo kuwo kale. Ardayda dugsiyada sare ka baxa qaar badan oo ka mida iyaga qudhooda waddamada Shuuciga ayaa waxbarasho jaamicadeed loo geyn jiray. Ardayda loo diro Ruushka haddii ay si wanaagsan u qaataan duruusta mabaadiida dalkaas way u dhib yarayd inay soo qaataan shahaado jaamicadeed. Waxa soo baxay jiil dhan oo kugula doodaya in Shuuciyaddu tahay mabda’xalaal ah.

Warbaahintii dawladda, idaacadihii iyo hadday tahay jaraa’idkii dhammaan waxa loo adeegsaday buunbuuninta iyo qurxinta hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Fannaaniintii iyo abwaannadii baa iyagana la adeegsaday oo soo saaray heeso iyo gabayo ciiddaa ka badan oo aan kala joogsi lahayn. Bal hal heeskan aan ka soo qaatoo suugaantii dadweynaha dhegaha loogu dhuray. Heeskani waa mid ka dhexeeyey waddamadii Shuuciga ahaa oo afaf badan loo tarjimay siiqad iyo luuq midana waa loogu heesi jiray. Waa hees tilmaamaysa in waddamada Shuucigu isku bah yihiin. afka soomaaliga waxa u tarjimay abwaankii Cabdi Muxumad Aamiin oo isagu ka mid ahaa dadkii ku sirmay Shuuciyadda, ereyadeedii qaar ka mida waa kuwan,

Shaqaalaha askartiyo ardadeenna

Indheergaradka wanaagga arkaaya

Beeraleyda abuurta anfaaca

Hantiwadaagga ilaalin, ilaalin

Aragnoo aaminnay awooddeenna

Ka adkaannay abuurta adduunka

Silsilaadkii addoonsiga aasnee

Isu soo ururaay, ururaay

Weynnu adkaani, weynnu adkaani

Aayeheenna ubadkeennaa lahaani

Arraadiyo gaajo waynnu idlayn

Weynnu adkaani, weynnu adkaani

Aayeheenna ubadkeenna lahaani.

Maxamad Siyaad Barre iyo golihii saraakiisha ee uu guddomiyaha u ahaa wax walba way adeegsadeen si ay ummadda ugu shubaan oo ay uga raaridaan ujeeddadii iyo mabda’ii ay soo waarideen ee ay lahaayeen waa waddada keliya ee dalku ku gaadhi karo horowmar iyo barwaaqo.

Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Qof dacar beertay timiri uma dhalato”

Berigaa dalka boqortooyada Sucuudi Carabia waxa boqor u ahaa Allaha u naxariistee boqor Faysal Ibnu Cabdulcasiis. Boqor Faysal waxa uu ahaa hoggaamiye aad iyo aad u wanaagsanaa oo lagu goblamay. Sannadkii 1972kii ayaa boqorku farriin qoraala u soo diray madaxweynihii Somalia Maxamad Siyaad Barre, farriintaas waxa siday la-taliyihiisii arrimaha diinta oo la odhan jirey Maxamad Maxamuud AL-Sawaaf oo dhalashadiisu Ciraaqi ahayd.

Maalintii uu Siyaad Barre qaabilay ergeyga boqor Faysal waxa goob-joog ahaa Sheekh Maxamad Axmed oo loo yaqaan Gadhyare kana mida culimada caanka ah ee Soomaalida. Sheekh Gadhyare oo ka warramay hadalladii maalintaa la isweydaarsaday“waxa uu yidhi sidan, ugu horreyn waxa hadalka qaatay ergeygii boqorka mudane Al-Sawaaf oo ku hadlaya afkii boqorka. Mudane madaxweyne waraaq baan kuu soo diray ee akhriso, ninkan farriinta sida ee Al-Sawaaf anuu wakiil iga yahay, waxa uu ku yidhaa waa farriin aan anigu soo faray haddaan boqor Faysal ahay. Waxaan kuugu soo diray warqaddan waa, annaga iyo shacabka soomaaliyeed dad islaamku walaaleeyey baan nahay. Soomaali caqiidadeeda iyo islaamkeeduna qiime weyn buu noogu fadhiyaa, meel xun inay maraanna ma jeclin. Haddana waxaan ogaannay inaad ku dhawaaqdeen hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Hantiwadaagga cilmiga ku dhisan macnihiisu waa Shuuciya, Shuuciyana waxa ay tahay Carab oo dhan baa soo jarribtay oo

ku soo gubatay, waa guri abaaroo laga soo guuray. Nin hadduu reerkiisa sahan u yahayna been uma sheego. Markaa Maxamad Siyaad Barrow  soomaali guri laga soo wada cararay oo abaara ha u rarin, islaamkeeda ha ka fogeynin, wax kugu kallifaayi ma jiro. Waan ognahay idinka iyo Xabashi in colaad idinka dhaxayso hub iyo maalba inaad u baahantihiin waannu ognahay. Haddii aad Shuuciyadda aad u qaadanaysaan Ruush ugu dhawaada si aad hub uga heshaan, taasi xal maaha. Ruushku hal musbaar oo uu bilaash idiinku siinayaa ma jirto wax walba wuu idinka iibinayaa. Wixii lacag ah ee aad hub ku iibsanaysaan annagaa idin siinayna iyadoo kaash ah. Markaa idinkoo xor ah oo la idinku cidhiidhyin hubka amma Ruush ka iibsada amma Maraykan amma meel kale ka iibsada, laakiin hub dartii yaan la idinku addoonsan. Taasi waa taa, ta laabaad waxaan idiin ballan qaadaynaa inaan Somalia u beddelno goob barwaaqo ah oo annagu maal gashanno welibana dawladaha aannu saaxiibka nahay ku soo hoggaaminno inay Somalia maal gashadaan. Intaa oo dhan markaan samayno waxa keliya oo aannu doonaynaa shacbiga soomaalida caqiidadiisu inay nabad gasho. Intaa haddaad naga oggolaatana madaxaan kaa dhunkanaynaa. Markaasu sheekhii farriinta siday intuu kacay gacanta madaxa ka saaray madaxweynaha.

Sheekh Gadhyare oo ka warramaya warcelintii madaxweynaha waxa uu yidhi,

Madaxweynuhu nin waddo qalloocan haystuu ahaayoo waxa uu yidhi, annagu annagaa xor ah, annagaa doorannay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, annaguna xor baannu nahay, siyaasaddayadana in nalagu fara geliyo ma doonayno, annaguna tiinna ma fara gelinayno, idinkuna ha na fara gelinnina.

Soomaali islaam uma baahna way ka dheregsan tahay, haddaad rabtaan in diin la faafiyo Afrikaankaas lo’da iyo waxaas caabuda ee la sheegayo aan ku wada faafinno ee islaamka ha noogu soo gabbanina. Sidaas annagoo ah haddaad wax nagu tari kartaan nagu tara haddii kale bannaanka aan kala marno. Sidaa baa lagu kala dhaqaaqay.

Si loo sii xoojiyo hirgelinta iyo ka dhaadhicinta dadweynaha waxa uu Kacaanku meel mariyey xuska maalmo cayiman oo aad looga weyneeyo waddamadii Shuuciga ahaa. Maalmahaa oo aad u badnaa waxa ka mida, maalinta shaqaalaha dunida, maalinta haweenka, maalinta dhalliyarada iyo maalmo kale aad u badan.

Xuska maalmahaa oo aad iyo aad loo weyneyn jiray madaxweynaha qudhiisa ayaa ka soo qayb qaadan jirey isla goobahaana ka soo jeedinayey khudbado aad u dhaadheer. Khudbadahaa uu Siyaad Barre xafladahaa ka akhrinayey nuxurkoodu waxa uu ahaa waddada qudha ee dalku ku gaadhi karo horowmar buuxa oo dhinac walba ah ay tahay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan

Intaa waxa uu raacinayey gooddi iyo cagajuglayn joogta ah oo uu u jeedin jirey inta waxgaradka ah oo lagu cambaarayn jirey inay yihiin dib-u-socod kacaandiid ah oo u adeega gumaysiga cusub. Marar badan baa la sheegay isagoo khudbaynaya inuu ku gefay diinta islaamka ee xaniifka ah, ereyadiisii waxa ka mida kuwan “Haddii nebi Maxamad Siberia joogi lahaa, khamrada uu fasaxi lahaa”.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar oo ka mida culimada waaweyn ee soomaalida, sida uu ku sheegay taxanaha qoraalladiisa uu cinwaanka uga dhigay “Uurdoox” ee uu soo geliyey degelka http://www.somalitalk.comwaxa uu ku sheegay in 25kii sarkaal ee Golihii sare ee Tawradda( Kacaanka) ay laba keliya salaadda tukan jireen. Madaxtooyadii dalka laga maamulayey xeryihii waawaynaa ee ciidamada xoogga dalka midna hal masjid oo salaadda lagu oogo kama dhisnayn. Dugsiyadii waxabarashadana hablihii waxa loo diiday inay jidhkooda asturaan, sida wiilasha ayaa lagu qasbay inay shaadh gacma-gaaba iyo surwaal gashadaan madaxana ay qaawiyaan.

Sheekhu isagoo sii wata qoraalkiisa waxa uu sheegay, maalin maalmaha ka mida ayaa dhallinyaro layli sarkaal ku jiirtay waxa u khudbeeyey sarkaal sare oo ka  tirsanaa ciidankii xoogga dalka, waxa la gaadhay salaaddii maqrib, saddex ka mida dhallintii ayaa doontay inay tukadaan, mid baa gacanta taagay, waxa la weydiiyey gacantaaggiisa, wuxu yidhi salaaddaan oogaynaa, waa lagu diiday. Dhawr jeer markuu gacanta taagay ee juuq loo odhan waayey ayaa saddexdoodii midna iimaam noqday labana ku xidhatay meel hoolka dhexdiisa ah. Iyagoo sujuudsan oo salaaddii ku jira ayaa askar loo soo diray, inta la garba duubay ayaa la xabisay. Dabadeed dibadda ayaa la dhigay intoo dirayskii laga tiriyey.

Raggii sidaa lagu falay oo kala ahaa, Xasan Afrax Guure, Axmad Ducaale iyo Mahdi Jimcaale weli way nool yihiin.

Dhinaca kale dawladdu cadaadis xoog badan bay saartay fidinta dacwadda islaamka iyo culimadii. Hasayeeshee culimadii dalku dacwaddii bay xoogeeyeen iyagoo masaajiidda oo ahayd goobaha qudha oo ay haysteen ka bilaabay fidinta diinta islaamka, tafsiirka quraanka, Axaadiista iyo barashada cilmiga. Waxa ku soo xoomay masaajiidda dadweynihii oo ay u badnaayeen dhallinyaro ogaatay in mabaadiida ay dawladdu waddaa tahay diin la’aan.

KU DHAWAAQIDDII XEERKA QOYSKA

Qarnigii sagaal iyo tobnaad dhammaadkiisii markii dhulka soomaalida ay qaybsadeen gumaystayaashii reer Yurub ee Ingiriis, Talyaani iyo Faransiis waxay dalka ku maamuleen nidaamkii ay dalalkooda ku dhaqayeen marka laga reebo arrimaha guurka iyo dhaxalka oo ay noo dhaafeen inaan isku xukunno shareecada islaamka, oo ay u arkayeen in aanay danahooda waxba u dhimayn.

Dawladihii rayadkuna nidaamkii reer Galbeedka waxba kama ay doorin, hasayeeshee xukuumaddii Kacaanku intii yarayd ee shareecadda lagu xukumayey bay cagta marisay. 1975kii, dawladdii Ina Siyaad Barre waxay soo saartay xeerka qoyska. Xeerkaa qoysku dhammaantii liddi buu ku ahaa aayadaha quraanka kariimka ah, waxa uu haweenka la simay xagga dhaxalka ragga. 11kii bishii Jenaweri 1975kii, ayuu madaxweynuhuu goob fagaara ah ka khudbeeyey oo uu kaga dhawaaqay kuna faahfaahiyey xeerka qoyska. Khudbaddaa uu akhriyey madaxweynuhu aad baa loola yaabay, hadal nin muslima oo madaxa ummad islaamana xukuma daaye nin gaal ahi odhan karin buu ku dhawaaqay, hadalladiisii waxa kamida, maanta laga bilaabo wax la yidhaa Sudus, Sumun amma Rubuc damboo dhaxal lagu qaybsadaa ma jiro, wiil iyo gabadh wax kala badsan doonaa  oo is dheeraan doona ma jiri doono. Nebi Maxamadba xilliguu joogay wixii la socon waayey waa la nasaqay, annaguna wixii nala socon waaya waan nasaqaynaa. Intaa waxa uu raaciyey, haddii wiilka Jaalle la yidhaa gabadhana Jaalley, yeeli mayno. Haddii wiilku Jaalle yahay gabadhuna  waa Jaalle.Waa arrinta ugu weyn ee culimadii kicisay ee ay ka gadoodeen. Xeerkaa qoyska ee dawladdu meel marinaysay ee ummadda sanka laga galinayey waxa uu ka soo  jeedaa aragti shisheeye oo gaalo leedahay dadweynaha soomaaliyeedna shaqo kuma leh.

Dhawr maalmood kadib khudbaddii Siyaad Barre ayaa maalin jimce ah salaaddii dabadeed qaar ka tirsan masaajiidda magaalada Muqdisho ayaa culimadii ka hadashay hadalladii madaxweynaha iyo xeerka qoyska ee baadilka ah. Masjidka Cabdulqaadir baa ka mid ahaa masaajiidda maalintaa ay culimadu ka hadashay. Ugu horreyn waxa hadalka qaatay sheekh Maxamad Axmed. Sheekhu markuu mambarka fuulayey waxa uu gacanta ku sitay wargeyskii Xiddigta Oktoobar oo ay ku xardhan tahay khudbaddii madaxweynuhu. Maanta waxaan halkan isku soo taagey waa arrin weyn oo ah in maanta ummaddii soomaaliyeed meel halis ah ay marayso. Wargeyskaa aan gacanta ku hayo waxa ku qoran iyo ninka ku hadlay iyo islaamku waxa uu ka qabo baan rabaa inaan ka hadlo. Sheekhu inta uu soo daliishaday aayadaha quraanka ah ee faahfaahinaya dhaxalka, guurka iyo arrimo kale oo badan ayuu is barbar dhigay qawlka Alle iyo ereyadii uu madaxweynuhu ku hadlay ee wargeska ku qornaa. Dabadeed daweynihii buu weydiiyey, ninka waxaa ku hadlay xukunkiisu waa maxay? Dadweynihii dhageysanayey dhammaan waxay go’aamiyeen inuu gaal yahay. Wadaaddo kale oo jibbaysan ayaa iyaguna halkaa ka hadlay si mida ayey u wada sheegeen in ninka waxaa ku hadlay gaal yahay. Culimadii masjidka joogtay sidii ku talagalkoodu ahaa tan iyo salaaddii maqrib bay hadalka wadeen iyagoo u kala bixin. Salaaddii maqrib kadib ayaa ciidamadii dawladdu masjidka soo weerareen oo ay culimadii goobta joogtay oo dhan xabsiga u taxaabeen.

Masjidka Siigaale waxa isna maalintaa ka hadlay wadaad la odhan jirey sheekh Muuse Yuusuf. Sheekh Muuse hadal badanba muu odhan maalintaa, intuu is taagay umbuu yidhi, dadka muslimiinta ahow, Ilaahay waxaad ka tuugtaan in Ilaahay innaga badbaadiyo Shuuciyadda sharkeeda. Intaa keliya umbuu yidhi wadaadkaasi. Sheekh kale ayaa isaguna masjid kale hadal kooban ka soo jeediyey, waxa uu yidhi, Ruush iyo Soomaali wax kulmiya oo ka dhexeeyaa ma jiraan, Ruush waa gaalo Soomaalina waa muslim, Ruush waa caddaan soomaalina waa madow, Ruush waa Yurub buu yidhi sheekhu Soomaalina waa Afrika, wax Soomaali iyo Ruush kulmiyaa oo ka dhexeeyaa haba yaraatee ma jiraan. Ruush oo intaa aan soo sheegay oo dhan wax na kulmiyaa aanu jirin, dadka na daba wada ee nagu dirqinaya Ilaahow naga qabo. Intaas keliya buu wadaadkaasina yidhi. Maalintaa culimadii hadashay oo dhan xabsiga ayaa lagu hubsaday. Habeennimadii magaaladii oo guux ka baxayo waxa soo dhex maray Janaraal Cabdi-wahaab Makaahiil oo ka tirsanaa ciidamadii guulwadayaasha isla markaana ahaa saraakiisha madaxweynaha toos ula xidhiidha ee aan la hor istaagin. Jananku isla habeenkii isagoo yaabban ayuu toos ugu tegey Maxamad Siyaad Barre. Waxa uu ku yidhi, Jaalle Siyaad magaaladii oo karaysaan soo dhex maray, ummaddii cirkaasay maraysaa, hoog iyo ba’ baa soo fool leh, adiga ayaana baajin kara dhibaatada. Jaalle Siyaad waxaad yeeshaa wadaaddada oodda ka rog, idaacadda u yeedho hadda una sheeg ummadda inaad culimada siidaynayso. Habeenkaa waxa la sheegay in Janaraal Cabdi-Wahaab aad uga beryey madaxweynaha arrintaas. Madaxweynaha oo ahaa nin tiisu u caddahay ayaa ereyo kooban ku yidhi, way cabsadeen nala odhan maayo. Afar maalmood kadibna toban culimadii ka tirsan baa la toogtay qaar kale oo badanna xabsiyo dhaadheer baa lagu xukumay. Culimada la toogtay waxay kala ahaayeen      

1)      Sheekh Axmed Sheekh Maxamad

2)      Sheekh Muuse Yuusuf

3)      Sheekh Axmed Iimaan

4)      CaliXasan Warsame

5)      Xasan Ciise Iley

6)      Maxamad Siyaad Xirsi

7)      CaliJaamac Xirsi

8)      Aadan Cali Xirsi

9)      Saleebaan Jaamac Maxamad

10)   Yaasiin Cilmi Cawil

Markay dawladdu culimadii qaar dhishay kuwa kalena jeelasha ku hubsatay bay weliba sii kordhisay cadaadiskii ay ku haysay kuwii hadhay ee waajibaadkooda gudanayey si ay u wadaan dacwadda. Sannadihii xigayna wadaaddo badan baa dalka dibadda uga yaacay markay nafahooda u yaabeen. Dhinaca kale, dawladdu marba marka xiga ayey ku sii durkaysay mabaadiida Shuuciyadda. 1976kii waxa si rasmiya loo dhisay laguna dhawaaqay xisbiga Shuuciga ee Somalia oo loo bixiyey, Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed( X.H.K.S.).

Haddaba dawladdii Siyaad Barre way caddayd hilinka ay qaadday inuu yahay mid gucundho badan oo aan la mahadin doonin, waayo? Adduunkan aynnu ku noollahay xaqa iyo baadilku way soo jireen waanay jiri doonaan tan iyo qiyaamaha, hasayeeshee waxa Ilaahii inna abuurtay uu na faray in xaqa la raaco baadilkan laga tago si aynnu ifka iyo aakhiradaba u liibaanno. Dawladdii soomaaliyeed ee saraakiishu hoggaaminaysay dhinaca kale ayey istaagtay oo baadilkii bay u hiilisay xaqiina cagta hoosteeda bay gelisay. Falalkaa uu ku tallaabsaday Kacaanku tan iyo dhalashadiisii ee diin-la-dirirka ahaa baa horseed u noqday burburka dalkii oo dhan gaadhay.

WADDADII BURBURKA

Marka xaqa la diido ee weliba cagta la hoos geliyo way caddahay in mugdi la gelayo isla markaana haadaan lagu dhacayo. Dawladdii kacaanku iyadoo weli waddo qalloocan haysa, ayaa dawladdii Ruusha ee ay xulifada iyo bahdaba la ahaydi kula talisay in Itoobiya dagaal lagu qaado si ay Somalia u xoraysato dhulkii ka maqnaa. Muddo gaaban gudaheedna markab buuxa oo hub ah buu dekedda Berbera ka soo rogay kadib markuu Siyaad Barre oggolaaday inuu dagaal qaado. Ciidamadii Somalia markay si buuxda dagaalkii u galeen dhul badanna ay qabsadeen ayaa dawladdii Ruushku is baddashay, waxay tidhi kol haddii la riday boqortooyadii Haile Selase oo dawlad Shuuci ahi dhalatay waa in dagaalka la joojiyo si annu bah mida u wada noqonno. Dawladdii Somalia oo hadalkaasi laf dhuun gashay ku noqday ayaa waxa laabta u tumay oo taageero u muujiyey Maraykanka iyo waddamo Carbeed oo arrintoodu tahay “Qawda maqashiiya waxna haw qaban” Siyaad Barre oo ballanqaadkaa beenta ah run mooday ayaa si degdega ugu gacan saydhay dawladdii Ruushka, dagaalkiina sii xoogeeyey. Ruushkii iyo xulifadiisii oo aan u kala hadhin ayaa si buuxda isku barbar taagey maamulkii Dhergiga ee Mangistu Haile Mariam. Durba waxa dalka Itoobiya la keenay khubaro Ruusha oo ku xeel dheer dagaallada, 17000, oo askar Kuubaan(Cuba) ah iyo ciidamo kale oo laga soo waariday dalkii Yamanta Koonfureed la odhan jirey (Cadan). Dalka Libiyana dhaqaale badan buu ku caawiyey dawladdii Shuuciga ahayd ee ka dhalatay dalka Itoobiya. Intaas oo dhan iyo ciidankii Itoobiya oo hubkoodu u dhan yahay baa weerar cir iyo dhulba ah ku soo qaaday ciidamadii Somalia oo hubka iyo saanadduba ku yaraadeen, dawaladihii u laab tumayna ay kaga baxeen. Muddo kooban gudaheed ciidankii Somalia oo jabay oo habqana ayaa xuduudda la soo waydaariyey. Dhinaca siyaasadda, waddan keliya oo Somalia ku taageeray dakaalkaa ma jirin.

Haddaba xulifadan Itoobiya la safatay ee ciidankii soomaalida duhur cad ka hor timid ee sidaa u gashay, waa kuwee? Waa kuwii muddo 17 sannadooda la soo dhawaynayey, loo heesayey, bahda lala noqday ee waliba diin la’aanta u noqdeen Siyaad Barre iyo intii u sacabba tumaysay. Jabkii berigaa ku dhacay Somalia wakaa weli socda, ummaddii soomaaliyeedna wataa shanta qaaradood ee dunida haad iyo haanraawe kaga dhergay. Sababihii burburka keenay waa qodobbadaa aan kor ku soo faahfaahiyey, waa sida ay ila tahay. Wax jira Alla og, Ilaah innaga warroon, waa nabad.      

W/Q. Mohamed Mahad Muhumed

Featured Post

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53

Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...

Popular posts