Thursday, April 21, 2016
DABAYSHII SIYAASADA!!!!!!!!.
Waxyi iguma soo dego hadana wax ima seegaan.
Sidii aan ka wada weynahaan wax ugu sheegaa.
Wakhti waliba waayiihiisa iyo ma hadhooyinkiisa ayuu wataa illaahayna cidi waxba lama oga sida ay wax noqon doonaan.
Balse falanqayntiisa iyo odoroskiisu inagama madhna anigoo u cuskanaya tiirka maahmaahda somaaliyeed ee gun-dhigeedu yahay (NIMAAN WAXA SOO SOCDA GARANI WAXA JOOGA MA GARTO).
Muranka iyo ged-gedoonka siyaasada Somaliland iyo xisbiyada qaranka ee waagii baryaba qabyada la kowsada waxay ka turjumaysaa bisayl la,aanta ka muuqata hogaanka sadexda xisbi qaran ee Somaliland ka jira sida KULMIYE, WADANI, IYO UCID, majaraha u haya.
kuwaas oo baal maray dariiqa hanashada hogaaminta loo maro, isla markaana la daalaa dhacaya khilaafka iyo muranka dhexdooda ragaadiyay kaas oo nin walba ula muuqda inuu guul ku gaadhayo.
Ka kalena dhabar-jab ku tahay
Balse hadii muranka u dhexeeya hogaanka xisbiga ucid ee qotoma musharaxnimada jamaal cali xussen oo faysal cali waraabe lug kaliya isugu taagay siduu meesha uga saari lahaa musharaxnimada jamaal cali xussen isagoo lugta kalena ku tumaya dhaantada ka socota xisbiga kulmiye sidii gorayadii la sheegayay.
Taas oo u muuqata isbahaysiga dahsoon ee ay ku midaysan yihiin faysal cali waraabe iyo hogaanka xisbiga kulmiye ee muuse biixi cabdi oo u tafa-xaydan sidii jamaal meesha looga saari lahaa si aanu u cidhbo dhawrin cumaamada muuse u hilaabtay noqoshada madaxweynihii bedeli lahaa (SIILAANYO).
Sidoo kale habacsanaanta iyo goosamada uu xisbiga kulmiye u kala jajabay ayaan muuse xisaabta ugu jirin inay saamayn ku keelan karto hanashada hogaanka ee muuse biixi.
Waxa taasna sii dheer isku af-garan waaga ka yimi diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha oo sii socda.
Balse aniga aragtidayda gaaban
Hadii aan ku cabiro dabaysha siyaasada ee socotaa dhinac kale ayay ka iman kartaa oo oofta ka qabata nin kasta oo han madaxweyne leh.
Waa hadii wax u sii socdaan siday maanta dabayshu u socoto oo lagu gaadho wakhtigii dalka doorasho xalaali ka qabsoomi lahayd.
Taas oo aan suurto gal ka dhigayn inay doorasho ku qabsoonto mudac mudac ku taagta maanta joogta.
Isla markaana nimaan laga filayn meesha ka soo baxo, waayo hadii xisbiyada tarmayaa aanay qodaxda ka gurin garoonka lagu tartamayo isla markaana la iman nidaam hufan oo heshiis lagu yahay iyagay danbarsanaysaa waayo waxa la yidhi.
KARIS XUN IYADAA WAX KU LA,
xisbiyada mucaaradku ma aqbalayaan korodhsiimo timaada iyo in siilaanyo meesha sii fadhiyo intay iyagu weel u tolayaan talada dalka, sidoo kale madaxweyne siilaanyo waxa ka go,an inuu si sharaf iyo maamuus leh u wareejiyo xilka isla markaana loo noqdo dastuurka dalka si khilaaf looga badbaado.
Kaas oo dhigaya in talada lagu wareejiyo golaha guurtida isla markaana gudoomiyaha golaha guurtidu talada kala wareego madaxweyne siilaanyo isla markaana dalka gaadhsiiyo wakhti ay ku qabsoonto doorasho lagu kalsoon yahay.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa faaladaydan mid ka mid Maansooyinkii Abwaan Hadraawi.
Ceel Walwaaleed
Wahe dhalashadaadaan
Farxad waalan gaadhoo
Weedhkiyo dabaylaha
Ama weriyahaagii
Goortaan waraystaa
Werwer ii dhammaadoo
Wahab layga qaadoo
Lugtu weerar mooyee
Wahsigii illowdoo
Wadar iga lib-haysaan
Wiil curad sidiisaan
Wanan kuu bireeyoo
Waayeel duceeyaan
Wacayoo u yeedhee
Walqashaadii maadaa
Cunay waaxyaheedii?
Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go'aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan farta ku hayaa.
Inkastaanu weydeyn
Waranlaha ilaashaa
Waadaasha xooluhu
Iyadaa waraabaha
Wehelkeeda mooddoo
Woohowda diiddee,
Waddo halaq nin moog baa
Waabay ka leefee,
Wed hadday ka nooshahay
Waageed ha gaadhoo
Waxaraha raacdaan
Wakhti kuugu simayee
Goormaad wadaadkiyo
Weliyada sidoodii
Ii waaninaysaa
Wacdi ii furaysaa
Werdi ii rogeysaa
Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go'aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan farta ku hayaa.
Isla-weyn qabkeedaa
Wiyil aan jaraysnayn
Ugu wadha maqaarkoo
Lugta webi u geliyee,
Haddaan weel gun laga tolin
Waayaha adduunyada
Xog-ogaal la weydiin
Ruuxii gu'kaa weyn
Lagu odhan wax ii sheeg
Taladaadu wiilooy
Dalab waayi maysoo
Qofna waari maayee
Mudanaha walaalkaa
Haddii weerar lagu dilo
Isha lalama waabtee
Weerkiyo baroorta
Dadka lala wadaagaa.
Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go'aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan farta ku hayaa.
W/Q. Mohamed mahad muhumed good

Friday, April 8, 2016
Somaliland waxay khasaare ka joogtaa 16 sano ka dib qaadashada nidaamka xisbiyada badan
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa khasaare aan la mahadin ka jooga hirgalintii qaadashada nidaamka Axsaabta Siyaasiga ah,
sannadkii 2001 ayay ahayd markii dalka lagaga dhawaaqay labadii urur Siyaasadeed ee ugu horeeyay, kuwaas oo kala ahaa UDUB iyo UCID, iyadoo doorashooyinkii degaanka ee dhacay December 2002, ay ku soo baxeen Saddex Xisbi Qaran oo kala ahaa, UDIB, UCID iyo KULMIYE. Toban sanno kadib sannadii 2012, ayaa markale dib loo furay ururadii siyaasadeed, iyadoo ay Xisbiyo Qaran u soo gudbeen KULMIYE, UCID iyo WADANI.
Nidaamka Axsaabta oo ay ahayd in Qabyaalada lagaga guuro waxay noqdeen qaar iyagu sii naaxiya habkii Qabaliga ahaa, waxaana Xisbinimadii ka xoog roonaaday qabiilkii. Ma jiro qorshe hufan oo barnaamijyo siyaasadeed oo lagu kala xusho, oo ay ummadda u soo bandhigaan, qorshaha kaliya ee ay tageerayaasha ku raadsadaana waa dariiqooyinka kala duwan ee qabiilada beeluhu ku dhisan yihiin.
Tacab khasaarka intaas leeg ee bulshadii kaga dhacay Axsaabta waxaa u sii raacay Khilafaadka iyo Muranada joogta u noqday horjogayaasha Xisbiyada, murug kasta oo ku yimaada Xisbiyada dalka ka jira kuma laabtaan shuruucda u taala ama u dajisan, balse waxay kula soo noqdaan bulshadii hungadu ku dhacay ee hore ugu khasaartay.
Geesta kale Axsaabta Somaliland waxay dhammaantood ka simanyihiin samaysa-shada xeerar qurux badan oo lagu daabaco bugaag, balse nasiib darro aan laga fulin hal qodob.

Friday, February 19, 2016
MAANTA DAWLADNIMADII DULINKAA KU DEGAY IYO DUFAN RAAC WARKII DAA!!!!
#Dalka wada jirkiisiyo
#Isku duubnidiisaba
#Nin qabiil ka doortoow
#Danta Qaranku leeyahay
#Ninka dabada saaree
#Dibnaha wuxuu ka leeyahay
#Uurkiisu diidoow
#Isha kii dabaayoow
#Wixii kuu dahsoonaa
#In kastood dad leedahay
#Dadku yay dareemine
#Diiradoodu qabatoo
#Dibaday ka muuqdaan
#Si kastoo nin dalab lihi
#Xarago u daro iyo
# Kala durug sanaantuye
# In kastoo dadweynuhu
#Hadba hoos u deyayaan
#Kii dabiibi laa iyo
#Dawo kii ka noqon laa
#Doog horoo dishootiyo
#Nabarada damqanayaba
#Waxa kaaga sii daran
#Kolba dawladnimadii
#Dulinkaa ku degay iyo
#Dufan Raaca loo diray
#Sidii Ruux dabiiboo
#U damqada dadkiisoo
#Inay duul walaalo ah
#Degel qudha wadaagiyo
#Deris wada ahaadaan
#Jecel dawladnimadoo
#Daawadeey Hashoodii
#Daluuntay ku dalaq tidhi
#Diihaalkii soo maray
#Diric iyo Nin Geesiya
#Ama Danabadoodii
#Lagu duugay ciidiyo
#Ilawshiiya diiftii
#Tusi lahaa dariiqii
#Ma se daaranee garo
#Daliilkay ku xulan lahayd
#Damal la hadhsan dooniyo
#Mid kaloo gediisoo
#Gabaaraydu degan tahay
# Dulin loogu daw galiyo
#Hadh-dacaar inuu jiro
#Daalku kaaga duuline.
#Doc kastaba ka deyayoo
#Daacad bay u daleeyeen
#Duqa loo cumaamaday
#Ducay ugu yabooheen
#Inay Dalawadoodaa
#Wada Daajiyaanoo
#Daranyada u diidaan
#Markay Doorkan maanta
#Darareen Danbeedadu
#Inay Duulkan Deeqdoo
#Danbarkeeda wada dhamo
#Daacadoow ka deyayee
#Dadku si uma helin
#Duqda Caanaheedii.
#Kuwa Duhur dharaareed
#Daasada ku Maaloo
#Diifi Ay Raagtiyo
#Dalqa weynayaalbaa
#Ka Durduurtay Kaligood
#Miyaan Ruux Damiir loo
#U Damqada Dadkiisiyo
#Dalkan loo Heshiiyoo
#Sida duulkanoo kale
#Door moodin xumahoo
#Sama door-bidaa jirin
#Durbaankaa qabiilkee
#Dadku maanta daba-galay
#Midaan loogu daw gelin
#Danta qaranku daankiyo
#Dubaaqiisa jiiftiyo
#Damal hadhsadaa hadhin
#Waxa Daacadnimadii
#Ku darsoo dadnimadii
#Diley baan la duubnee
#Sowtan laysu Daba maray
#Danyartiyo Agoomuhu
#Duunyaday Lahaayeen
#Dantii guud maxaa hadhay
#Ama Daar la sheegoo
#Degelkani lahaan jiray
#Hada Daaradii Eeg
#Dadwaynuhu Lahaayeen
#Miyaa duug danbeeyaa
#Dooxii baa la marayaa
#Sowtaa loo dabeeyee
#Nin Qabiil Dugaashay
#Deyr weyn ku meersaday
#Ninka Maal dad leeyahay
#Iska soo dareersaday
#Sharci kaa dabaaloo
#Kaaga dhiciya duunyada
#Isna Laba dible u xidha
#Dib u Raaca doodana
#Hadaan looba doonayn
#Markaan kaligay dayday
#Waxaan Daal ka door-biday
#Kolkii loo kitaab deyay
#Waxaan looga Daba tegin
#Dalka Nimaan u doortaa
#Isna doorkan maantaa
#Haday Degel banaaniyo
#Ku danyare dhex jiifiyo
#Kuwa duug ah noqotaba
#dantii guud dhamaanteed
#Ugu Duugay Qalinoo
#Ninkaan Dabagalkiisii
#Diiradaydu Haysee
#Dadka uga digaayaa
#Iyaba wey ii danbaysaye
#Digreetaabo haystaa
#Dabadeed la hadal show
#Digreeta yahay gudaysee
#Xarfaha laysu daba dhigay
#Dadkaad wada damqaysaa
#Dalacsiisay qaar kale
#Midna didibso kow tidhi
#Marna Aas ku tidhi
#Gudi saartay Heer qaran
#Doodaadu badataye
#Maxaad daw u leedahay?
#Marna dawlad hoosiyo
#Shaqo maayir loo diray
#Iyo Daarad bixinteed
#Ma hadaad Daf soo tidhi
#Hada dawladnimadoo
#Kaa daahan maahee
#Danta qaranku leeyood
#U dadaabo xidhantiyo
#Daacadnimana maahee
#Dan kalaad ka damacdoo
#Duul urursanaadiyo
#Midnimaadan doonayn
Mohamed mahad muhumed

Thursday, February 11, 2016
DAREENKEED KU XULATAA DANTA GUUD NIN HAGI KARA?!!
DAREENKEED KU XULATAA DANTA GUUD NIN HAGI KARA?!!
Umadaha kala duwan ee aduunka guudkiisa ku kala nool Cadaan, Madaw, Carab, iyo Qoomiyado kala duwan oo isku dhafanba ha noqdeene.
Ama diimo kala duwan ha kala aaminsanaadeen, Af ama (Luqad) u gaar ah ha wadaagaan, ama luqado kala duwani baadi-sooc ha u noqdaane.
waxa jira Hadaf ama ujeedo guud oo midaysa taas oo ah lama taabtaan sida ilaalinta jiritaanka qaran-nimadooda, midnimadooda, kor u qaadida karaamada iyo sharafka dadkooda iyo dalkooda.
Sidoo kalana waxaan ka madhnayn ujeedooyinkooda xulashada cida ay ugu cumaamadayaan inuu noqdo ka Hogaaminaya Dalkooda iyo dadkooda.
Umadkastaa waa kuwo iyagu xor u ah qaabka ay u noolaayaan hadii aanay jirin caqabad ka hortaagani oo ay u madax-banaan yihiin
ku darsoo dadka somaaliyeedna waa ka mid umadahaa aynu ka hadlayno ee aduunka ku uuman.
Kuwaas oo aan ka mid nahay ama ku abtirsano isir ahaan.
Hadaba dadka somaaliyeed waxay lahaayeen dhaqan soo jireen ah oo aad u qoto dheer marka dib loo raad-raaco qaabka u noolaan jireen ama ay isu maamuli jireen, iyo
sidii ay u xulan jireen ama ugu cumaamadi jireen cida majaraha u qabanaysa intii isku Qabiil, jufo, Abtirsiin ama dani is bado,
Iyagoo qodobo iyo shuruudo adag oo ay ku soo xushaan lahaa qofka hogaaminaya.
Kuwaas oo cidii aan buuxin karin aanay hawaysan jirin noqoshada waxa loo yaqaanay Beel-daajiye.
maadaama ay dadka somaaliyeed yihiin kuwa qabiilo, iyo Ardaayo u kala noolaa.
Waxay noloshii qabaliga ahayd ay caqabad, dabar iyo (seeto) ku noqotay ka dib geedigii loogu guuray Nidaam dawladeed ama calan iyo Astaan u gaar ah oo la wada hadhsado loona siman yahay.
Iyadoo Qabyaalad, Eex, Musuq,Nin jeclaysi looga sabab dhigay Burburkii dawladii soomaaliyeed ee Sida qoraxda Qaarada Africa uga soo if-baxday.
Ilaa maantana ay Taagan tahay dhibaatada, turunturooyinka, iyo Caqabadaha Qabyaaladu leedahay.
Laguna guul daraystay sidii loo sixi lahaa qaladkii dhacay,
Casharka ugu weyn laga bartayna uu yahay inaan dadku ku midoobi karin Qabiil.
Indhahana laga qarsanayo iyadoo ay jiraan mabaadii kale oo dadku ku midoobi karo sida umadaha kale ee aduunka ku dhaqan ha noqoto Diin, Dhaqan, Shuuciyad, Wadaniyad, ama dawladnimo.
Balse aanay ku Hana-qaadi karin Qabiil iyo Qabiil loo kala Abtirsadaana wax isu keeni karin, Qarana lagu noqon.
Dadka somaaliyeed meel kasta ha joogaane weli waxay dabada hayaan ama u guuxaan markay tahay xulashada maamul ama hogaan ay yeeshaan meeshay doonaan ha ka soo jeedaan ama magacay doonaan ha u wehiliyo Erayga gundhiga lagu wareeray ah ee (LAND) oo aad moodo mid qolaba qolada kale kaga masayrtay.
Sida SOMALILAND, PUNTHLAND, JUBALAND, HEBLAAYOLAAND, waxay ka siman yihiin dhamaantood inaaanay hayn dhabihii lagu dooran lahaa Madaxweyne (Hogaamiye).
Waxay somaalidu ku maahmaahdaa.
DOQONTU WAY QUFACDAA MEEL LAGA RAACAYNA MA OGA
hadaba markaan biyo-dhaca ama dulucda u sii daadego
Dalka Somaliland waxaa ka jira Nidaamka Dimuqraadiga ee xisbiyada badan oo aad moodo mid lagu haftay ka dib markii lagu dhafay Cudurka Qabyaalada ee somali Aabaheed dilay iyadoo mid waliba tab iyo xeelba isugu geeyay siduu labadaas aan is qabanayn madaxweyne ugu noqon lahaa.
Dadka somaaliyeed waxay caan ku yihiin dhaqashada xoolaha taas oo geelu kaalinta koowaad kaga jiro iyadoo nin waliba geeliisa hido raaci jiray una soo xuli jiray Awr (Baarqab) kii uu geeliisa ku dari lahaa si uu u geeliisa wax uga dheefo, mararka qaarna ay dhici jirtay inaanu geeliisa ninku ku qoojin jirin isla markaana xiniinyaha ka saari jirey awrta geeliisa ku jirta.
mid kale (baarqab) oo nin kale geeliisa ku darsadayna weydiisan jiray inuu geela ugu daro.
Hadaba Qarankeenu ma Geelaa Baarqab awr-dhalyada wanaagsan loo raadin jirey ayuu ka liitaa?
Adigu se maxaad ku xulan doontaa ninka aad is leedahay qarankan wuu hogaamin karaa horumarna wuu gaadhsiin karaa?
Jawaabtu waa Amakaag iyo shaamareer.
Bal aynu dib u milicsano mid ka mid ah maansooyinka hodanka ah ee abwaan XASAN GANEY ee laydhaahdo (Duufaan).
taas oo ku qotonta dulucda maqaalkan si aan kaabis iyo xujo ugaga dhigo geba-gabada Hadafkayga.
Haddii aynu hoomayno tusaale kale, waa tuducyada ku jira maansada Duufaan. Geela awrka waa loo xulaa oo laba qaalin oo isku da’ ah oo qurux iyo qoodhba ka siman ayaa mid geela lagu daraa oo baarqab laga dhigaa, midna la dhufaanaa oo Koran la rarto noqdaa, oo waayo? Sawtii hore loo yidhi Haweenka iyo geelaba waa la hida-raacaa. Hadaba abwaanku geel iyo adhi midna ina bari mayo wuxuuse ina hoga tusaaleynayaa in ninka xil loo dhiibayaa ee dad iyo dal dhan lagu aaminayo la shirabo oo aan garab-daar lagu bokhrin ee loo gabalo eego.
Wuxuu yidhi.
Laba midabka deer-cada
Laba doobta wada rida
Da’da toban gu’ wada jirey
Deymada an kala dhicin
Markay doorashada tahay
Hiddihiyo dirkoodaa
Midna geel ku dari kara
Midna looga daayaa
Marka dulucda sheekada
Hoos loogu daadego
Halo doog ku rimayaa
Markay qoodh u deyid iyo
Dillo sheeg u baahdeen
Hadda dawladnimadiyo
Danta guudna kaa mudan
Kumaa derejadaa geya?
W/Q. Mohamed Mahad Muhumed (mmm).
Featured Post
Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53
Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...
Popular posts
-
Maansadii DABA-TAXAN iyo Macallin Gaarriye: “...Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan...” Tixdan oo magaceedu yahaay “Daba...
-
DIB UGU LAABO MAANSADII DAALACAN!! Abwaanka waxaa ama suugaan yahanka waxaa lagu tilmaamaa il-dheer garad ama (Guhaan). Ka f...
-
Taariikhda Maguuraanka ah ee 21ka Octoobar 1969kii Talada wadanka soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii Qalabka s...
-
XUJADII ABWAANKA Dix-Dhagaxeed” C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa Hanad Soomaaliyeed oo haybaddii ma...
-
Waa Maxay Hogaamiye? Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa u horqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo samo- katali...
-
FAARAX NUUR WACAYS (IHN) Aakhiru Sabaan Abwaanku isaga iyo dadkii uu maalintaas hoga-tusaalaynay ba waa kuwo aanay cidi ka ...
-
Afeef. Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi- Markii m...
-
Guuguule waaa shinbir ka mid ah kuwa ugu caansan geyiga soomaaliyeed iyo dhulalka carbeed, guuguuluhu wuxuu ka mid ahaa ciidamadii neb...
-
Erayga wadaniyad{patriotic} ama fikirka iyo ficilka wadaniyada{patriotism} waa eray ay aadanahu ku baraarugeen isticmaalkiisa taariikh...
-
DIIWAANKA QOSOLKA Waa Sheeko ku jirta Buuga Diiwaanka Qosolka. Aqiinkaan Ku Garan ee Iska Daaya!!!. Intii aan Buugga Arag ama sheek...