Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Dunida heerka ay marayso qarnigan, madaxa la galay 2023 waxaynu odhan karnaa waxaynu qayrkeen ka hadhnay oo geediga iyo nolosha Aadamaha ee casriga ah ka dambaynaa mid tusaale loogu soo qaadan karo inay ka badan tahay tirsiga taariikhda miilaadiga ah ee dunidu tirsato in leeg marka aynu eegno sida quluubteena uu jahligu u biyo dhigay.
Rusheeyaha, Cilaajka, Geeddo gooyaha, Shan-badhyoodlaha, Fooxisada, Faaliyaha, iyo Abrisyada ay dadkeenu caafimaadka u raadsadaan iyagoo safaro dhaadheer qaarkood u gala.
Kuwaas oo isugu qoosha kumanaan Geedo-qaaqle, oo aanay garanayn saamaynta caafimaad ee ka dhalan karta intaas oo Geed oo la isku qooshay iyo wax badan oo kale oo loo adeegsado marka la qooshayo.
Kuwaas oo halis badan oo Nafeed gaysta balse aanay cidi kula xisaabtamin.
Waxa taas dheer tirada Pharmacy yada dalka ku yaal oo tirakoob 2009 la sameeyay lagu sheegay 5000 iyo dheeraad pharmacy.
Marka laga shidaal qaato inta ku kordhi karta intaas 2023 kolay laban laab kood ka ag eeg.
Ka dib burburkii dawladnimo ee Somalia ma jirin jaamacado bixiya cilmigaas Pharmacist ka.
Hadii laga tegi waayo wax soomaali ah oo si cilmiyaysan u qaatay aqoontan waxa la xusi jiray 2 Oday oo midna koonfur ku noolaa midna Hargaysa kuwaas oo la sheegi jiray inay dawada cilmi ahaan u soo barteen.
Xiligii dawaldii kacaanka, labadaas nin lodkii ku soo xigay ee cilmi ahaan u bartay dawadu waxay ku beegnaayeen 2015 kii tiradoodana aan ku qiyaasi karo 21 qof oo heer Degree ah kuwaas oo ka baxay Jaamacada Edna University Hospital marka laga reebo laba qof xiligaas ka hor ka soo baxay Dalka Ethiopia jaamacado ku yaala kuwaas oo mid ka mid ahi Geeriyooday (AHN).
Bal waxaad qiyaastaa waxaas oo dalka pharmacy ku yaala ee dadka dawada ku miisaya inta pharmacy ee qof aqoon ku hagayaa joogo ama bixin kara talooyinka caafimaad ee qofka cilmiga dawada bartay looga baahan yahay sida.
Tusaale
1. Drug-drug interactions
2. Food drug interactions
3. Side effects
4. Dose and Dosages
inuu siiyo qofka bukaanka ah inta yihiin?
Sow lama odhan karo bulshadeena inta Xanuun asiibay u dhimatay waxa ka badan inta halis Dawo iyo nidaam xumo loo siiyay ama mid aan aqoon ahaan qofka bukaanka ah dhaamini siiyay, ee ku sumowday, ama kelyaha iyo Beerku fadhiisteen ayaa tamuuxaa ka badan ka dib markii iyagana la isugu daray intaas oo Dawo oo kala duwan kuwaas oo hadii aqoon iyo taxadir lagu bixin qaarkood hadii qofka bukaanka ahi hal mar wada qaato ama wada isticmaalo inuu ku sumoobi karo, ama halis caafimaad oo ka daran tii laga dawaynayay geli kara.
Waa halis cilmiga dawada ee ku kooban bowsiga iyo sadixda waqti xabad ka liq ama laba laba deey
Ee aanay wax kale wehelin.
Dhawaan waxaan balaysimi doonaa ishaalah.
Xarun Caafimaad oo kuwaas aan soo sheegay ka duwan. Sidoo kalena bulshada iyo qofka bukaanka ah dawada uu qaadanayo si cilmiyaysan loogala talin doono.
Dawada uu qaadanayo qaabka uu qaadanayo dawada kale aanu waqti isku mid ah la qaadan karin,
Dawada uu qaadanayo iyo Cuntooyinka ama Sharaabka aanu la qaadan karin, iyo halsita caafimaad ee ka dhalan karta qaarkood.
Inta dawada qaadanayo dhibaatada la fili karo inay dhacaan inta qofka bukaanka ahi dawada qaadanayo iyo la tacaalistooda, Wacyigelin iyo talo bixin wixii uu qofku u baahan yahay ee la xidhiidha Dawooyinka.
#healthcare
Subscribe to:
Posts (Atom)
Featured Post
Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53
Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...
Popular posts
-
Maansadii DABA-TAXAN iyo Macallin Gaarriye: “...Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan...” Tixdan oo magaceedu yahaay “Daba...
-
DIB UGU LAABO MAANSADII DAALACAN!! Abwaanka waxaa ama suugaan yahanka waxaa lagu tilmaamaa il-dheer garad ama (Guhaan). Ka f...
-
Taariikhda Maguuraanka ah ee 21ka Octoobar 1969kii Talada wadanka soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii Qalabka s...
-
XUJADII ABWAANKA Dix-Dhagaxeed” C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa Hanad Soomaaliyeed oo haybaddii ma...
-
Waa Maxay Hogaamiye? Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa u horqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo samo- katali...
-
FAARAX NUUR WACAYS (IHN) Aakhiru Sabaan Abwaanku isaga iyo dadkii uu maalintaas hoga-tusaalaynay ba waa kuwo aanay cidi ka ...
-
Afeef. Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi- Markii m...
-
Guuguule waaa shinbir ka mid ah kuwa ugu caansan geyiga soomaaliyeed iyo dhulalka carbeed, guuguuluhu wuxuu ka mid ahaa ciidamadii neb...
-
Erayga wadaniyad{patriotic} ama fikirka iyo ficilka wadaniyada{patriotism} waa eray ay aadanahu ku baraarugeen isticmaalkiisa taariikh...
-
DIIWAANKA QOSOLKA Waa Sheeko ku jirta Buuga Diiwaanka Qosolka. Aqiinkaan Ku Garan ee Iska Daaya!!!. Intii aan Buugga Arag ama sheek...