Tuesday, February 7, 2023

Imported post: Facebook Post: 2023-02-07T06:55:30

Qoraal ka soo baxay W. Arimaha Gudaha. WAR-SAAFADEED: Hargeysa-07-02-2023()- Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada. Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo. Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira. Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay. Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac. Cabdilaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Monday, February 6, 2023

Imported post: Facebook Post: 2023-02-06T19:55:53

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay wadahadal kasta si xal loogu helo xaaladda cakiran ee ka taagan Laascaanood. Qoraal Luuqadda Ingiriisaga ku qoran oo la shaaciyay ayaa lagu sheegay in xukuunaddu tallaabadan u qaadayso si looga fogaado dhiig daata iyo khasaare shacabka gaadha. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wafdi ku sugan yihiin Laascaanood si arrinta waan waan loogu dhammeeyo balse saaka la soo weeraray goobtii ay degganaayeen sida qoraalka ku xusan. Laascaanood dagaalkii saaka ka bilowday ayaa gabal dhicii soo gaadhay iyadoo dagaalku sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.

Saturday, February 4, 2023

Imported post: Facebook Post: 2023-02-04T23:43:09

Ilaahay ka sokow waxa mahad oo dhan iska leh shaqaale waynaya Dawladda Hoose ee Hargaysa #DDH oo hadh iyo habeen ba heegan ugu jira in ay ummaddooda u shaqeeyaan oo ay dalkooda dhistaan, iyo shacabka ku dhaqan Caasimadda ee horumarka jecel. Saeed Nour Jama well done xoghaye




Wednesday, February 1, 2023

Imported post: Facebook Post: 2023-02-01T20:39:31

War Saxaafadeed Gudida Horumarinta Beelwaynta Arab Ee Afgarad Guddida Horumarinta Ee Beelaha Arab Ee Afgarad, waxay Saxaafada kala Duwan iyo Cid kastoo kale u cadaynaysaa ,in Aanu Magaca Beelaha Arab Aheyn Mid Si fudud Iyo Sifo kasta Loo Adeegsadan karo, Beelaha Arab Ee Deegaan ahaan degan Somaliland Ethopia ,iyo Somalia iyo Sidoo kale Ku Kala Sugan Daafaha Caalamka Ee Sheekh Iyo Shariif ba leh Waxay Ku Hadli karaan Arin la lafo Guray iyo Tallo ilaa Gun Iyo Baar Loo Gondo Degay, Oo Aan Aheyn Gurdanraac. Hadaba Magaca Beelaha Arab Wax Si Dhab ah Aan Dhalanteed Ku Jirin ugu Hadli kara, Salaadiinta Rasmiga ah , Cuqaasha Idman Iyo Guddida Horumarinta Beelaha Arab Ee Afgarad, iyo Sidoo kale guddida Dhalinyarada ee Intifaac oo ka hadli Kara tabashada Dhalinta, ka dib Markay La Tashi la Sameeyaan Madax dhaqameedka, iyo Guddida Sare Ee Afgarad. Markay Sidaa tahay, Waxaan Cod Dheer kaga Digaynaa Laamaha Amaankana La Socodsiinaya Cid Kasta oo Magaca Beelaha Arab U Adeegsata Qaab Fawdo Ah. Waxaan Si Gaar Ah Ugu Digaynaa Tv ga Horyaal TV Oo U Dhaqmaya si Ka baxsan Anshax Suubsn ee Saxaafada Dhanka kale Qof kasta Oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelaha Arab Oo Wax Saluugsan Wax Loogu Baaqaya In Saluugiisa Iyo Sida Uu Xalka U Arko Uu la yimaado Guddiyada Jira iyo Madaxda Dhaqanka, isagoo Qofkaasi Dhawraya Sharaftiisa, Milgaha Iyo Maamuska Beelaha Arab Ugu Danbeyn Qaar Ka Mid Ah Shacabiyada Arab wax Si Gaar Ah Loogu Sheegayaa In aanay Arabnimadu Aheyn Beed Yar oo Jabaya Ee Ay Tahay Wax Bir Ka Adag Oo Burji Iyo Buruud U Gaar Ah leh Ugu Danbeyn Magac Arab Waa mid Burhaantiisa leh oo Aan loo Baqaheyn Wabilaahi Tawfiiq Alla Mahad leh Guddida Horumarinta Beelaha Arab ee Afgarad

Tuesday, January 31, 2023

NINKII CABANAYOW MAQAL

Ninkii cabanayoow maqal . maamulkaa cirkaa tagay Dadweynuhu ku ciil baxay Haka daba cabaadine Caloolyowga naga daa Casho kii u baahdoow Xaaraan la cunijiray Taawaa la cidhib tiray Maamulkaa cartamayaa Caadaqatayashii cidhib tiray dhamaantood Caadilkii na uumaa Dadkii wada cadhaysnaa Caynaano uga dhigay Maayarkaa cajiibka ah iyo Siciid oo ku caanbaxay Inay hawsha curiyaan Miyaad caawa moogtahay Aan kuu cadeyee caasimada soo eeg sow taas cagaarka ah. Dooxana camuudii Caruuruhu ku loolaan Shaxda lagu ciyaaree Caafimaadka laga helay Caglilaawayow xumi laaluush la cuurtaad cindigaaga calisee orodoo cirkaa qabo. Caasimada nuurtaa ciilkaa hayaayoo! La soco Hamud Qasin

Imported post: Facebook Post: 2023-01-31T07:29:10

Dadka kale qofkiisii wax tara way tixgaliyaane Idinkuna caqliga taabudkaa waad ku tumataan Tartar baad ka dhaaftaan qofkii toos idiin wada

Sunday, January 29, 2023

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T22:45:56

Nageeye Daahir mid ka mid ah haldoorka Degmooyinka #Axmed #Dhagax iyo #31may Oo Guurtinimo ku jeesteeyay ragonimadu waa in yar oo aad cagaha dhulka ku xejiso iyo gobannimada oo aad duub ka dhigato!. (Maandhoow ixsaan lagama tago Eed hadaad fali) Abdikarim Ahmed Mooge Saeed Nour Jama

Saturday, January 28, 2023

Imported post: Facebook Post: 2023-01-28T11:09:57

Derida ma taqaan? Waa meel noocee ah? Dhulka meesha derida leh daadkii ka soo jabay Dambaskii uu kala tegay iyo digadii xoolaha! Ashqaraarka erayada Abwaan Xasan Ganey waa kulliyad Afka iyo Dhaqankeena laga baranayo.

Thursday, January 26, 2023

Imported post: Facebook Post: 2023-01-26T22:00:39

NIDAAMKA WACYIGALINTA EE TOOLMOON. NIDAAMKA WACYIGALINTA TOOLMOON! https://mohamed-mahad.blogspot.com/2022/12/nidaamka-wacyigalinta-ee-toolmoon.html

Featured Post

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53

Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...

Popular posts