Wednesday, September 2, 2020

GABAYGII SALAAN CARRABEY (NIN DHIRBAAXO QUUDHEED DUGSADAY)

 Gabaygan wuxu salaan tirshey mar nin ay ilmaadeer ahaayeen laga dhacay gabadh. Salaan oo u guntadey ninkaas wuxu dareemay in la hagraday oo Isaaq oo dhammi Burco kaga hiiliyey. Gabadhas waxa la Odhan jirey Qarad Dirir oo uu inaadeerkii qabay balse uu ka qaaday Cawad Khuurshe oo Muuse Carre ah. Salaan Carrabey wuxu damcay inuu Isaaq isku diro oo godobtii qolaba qolada kale ka haysay uu iftiimiyo isagoo weliba u iilanaya dhanka Garxajiska.

1. Dheeldheeltanbaa lagu galaye, dhederbi reer Cawle
2. Waxba kagama dhiidhiyin reer Xirsigan dhelalow kacaye
3. Dhoollaha Bedeey kaga rideen dhagixi Beereede
4. Waa tii waraabuhu dharqaday dhinacyadiisiiye

5. Cabdi Qodaxna waa lagu dhugtamay suu dhalool yahaye
6. Dhaayaha wejiga saanaddii dhab uga qiiqaysey
7. Hadba waxan la dheelimanayaa dhicitinkiisiiye

8. Hadduu Maxamed Dhuubsade ku daray, dhagarti saarrayde
9. Colujoogna Dhay iyo Karuur kala dhex-joogaaye
10. Wallee gacanta looguma dhaqsado dheehay aadmiguye??.

11. Nabsi laga dhursugo kii horuu, dhawrayaa Arab'e
12. Isagaan dhib qabin Aadan, bay wax u dhawaaqeene
13. Dhadhabkaa hurdada kuu warrama, dhaasasiyo beene
14.  Dhalanteedka waakii la kacay dhuga-la'aaneede
15.  Dhabtuu Nabadshe Warankuugu ridey dheehay Aadmiguye.
16. Dhooddhootankii Celi Siciid dheelli kibirkiiye
17. Aar baa dharruursaday wankii dhumucda weynaaye
18. Dhig ma jebinin Xayd Muusihii dhirifta waallaaye

19. Raggii Laanta-Dhaankaa la dhigay dhoofna laga sheegye
20. Xasan Xaajigii dhaadan jirey Dhici colaaddiiye
21. Xirsi-Barigan dhaantaynayaa waa dhutinayaaye

22. La dhuyaalyey reer Weyd Siciid dhaawacuu qabaye
23. Waa kaa Dhabbiyo Ciil la tegey, Dhamal dushiisiiye
24. Hadduu dhulu-Qarridhay reer Siciid dhaafyey madhixiiye

25. Xasan Daahirkii lagu dhugtumay? dhabannahays reebye
26. Ka dhag siiye Cumar Daahirkii Dhaasiyee dilaye
27. Ku dhudhumiye reer Xaamudkii dhiigga fuuqsadaye

28. Raggii dhuubsan jirey haatanay, kala dhignaadeene
29. Ay weliba dhood iyo shiriyo, dheeryihiin amare
30. Dhallaankooda hadhay jeer danbay dhaxal u reebeene.

31. Iyagoon wax loo dhimin kuwii, dhag iska siinaayey
32. Dhullaxuba waxbuu kaariyaa, dhawr cashoo idile
33. Dharaar keliya buu Reer Xuseen dhigay Sulaaxiiye.

34. Qastankii dhexgalay Ciidagale kala dhaleeceeye
35. Indha-Guba kuwii loo dhuray ee dhamamax loo diidey
36. Dhulka Eebbe leeyahay kuwii lagaga dhaarjiidey
37. Dhalinyaro colmoogaa tashiga laga dhammaasaaye
38. Ugu dhiije Reer Ciisihii soo dhalaashadaye.

39. Dhegsiin buu ka helay Reer Gobdoon, lamase dhaadayne
40. Dhoobada Suldaankii la dhigay, dhaymo lama siinne
41. Dhibtuu qabo hadday ugu dareen weliba dhiidhiiye.

42. Wax libaaxu dhacadiidiyaa, Gool u dhays bidaye
43. Goortuu dhergaa buu dugaag, ugu dhawaaqaaye
44. Ragbaa libinta maantuu dharqado, dhaata abidkiise
45. Isagoo dhantacay Faarax Nuur dhuda ma luuqeeyey.

46. Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye
47. Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dhereggu xaaraane
48. Dhedigaansho waa ceeb inaad, dhamagsataa meele

49. Dhadhan malaha aadmigu wuxuu, kugu dhalliilaaye
50. Nin dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayaded maalye
51. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.

52. Ma dhurluminin Qaabiil markuu, dhacayey Haabiile
53. Dhiibaaji Dumar buu ka kacay, dhiriftankoodiiye
54. Dheddigoodku aadmiga horay uga dhawaajeene.

55. Cilmi dhuub shantuu dhalayba waa, dhacanta loo jiidye
56. Masii dhugan Bah Reer Dood kobtay, kaga dhaqaaqeene
57. Anuunbaa dhaxantu xalay iigu timi, dhimirsigii ciile

58. Dhegxumada aniyo baa Masa ah Dheecdan Reer Gude'e
59. Wallee ama Dhilfida laygu xidhay Dhoobo qolof saaray
60. Wallee ama Dhulkaba waan ka tegi dhaaban magaciiye.
M. Mahad Muhumed

Monday, May 18, 2020

WIXII KULA WEYN BA WAX KALAA KA SII WEYN.

Marka ugu horaysa waxaan Bulshada Reer Somaliland meel kasta oo ay Aduunka kaga Sugan yihiin la wadaagayaa Dabaal-dega, Dareenka, Xuska, Xusuusta iyo saamaynta ay Jiritaankooda ku leedahay Maalinta ku astaysan 18/May/1991 sanad kastana la Xuso Maalintan oo kale.

Intaas ka dib aan u Gondo-dego Dulucda iyo Ujeedka Kelmada aan Qormadan Ibo-furka uga dhigay, taas oo ah fariin ku socota Dadka Reer Somaliland oo gudbinaysa Hoga-tusaaleyn, Lexo-jeclo, Wadaniyad, Damqasho, Dal-jacayl iyo Dad-jacayl isla markaana si guud    aan ugu soo Bandhigayo Xukuumad, Shacab, ama Mucaarid iyo Muxaafidba qofku Fikirka uu doono ha u Janjeedhee.

Hadii aanay Jirin wax aynu ka Midaysanay dhamaanteen Ilaalinteeda iyo Qadiyad marka la isla gaadho lama Taab-taan ah taas oo ay ugu horayso Jiritaanka Qarankan Somaliland, Wadaniyad, Sinaan iyo Cadaalad. Marka taas Shacab iyo Xukuumad ba aynu ka sinaano ayaa la wada Jaan-qaadi karayaa oo qof walba uu ka Gudbo kana Koro Dantiisa gaarka ah, Danta Qabiilkiisa iyo  Deegaankooda oo kaliya inuu ka shaqeeyo una Xusul duubto inuu wax ku Raadiyo si Heer Qaran ah Dadka iyo Dalkuna isugu mid noqdaan. 

Waxa ay is waydiintu tahay hadaba maxaynu ka Midaysanay hadaynu Reer Somaliland nahay Qodob kaliya oo Lama Taab-taan ah ma sheegi kartaa?.

Jawaabtu waa mid ay mihiim tahay in aynu Isla meel dhigno si aynu isula garano waxa inaga qaldan.
 
Gol daloolooyinka, Tabashada Baahiyaha Aasaaska nolosha u ah ee qofka Mu,waadinka ahi Qarankiisa xaqa ugu leeyahay way jiraan waanay jiri doonaan waligood waayo illaahay ayuun baa dabooli karaya dhamaantood balse waa in la helo Dawlad u darban iyaduna kana shaqaynaysa ka jawaabista Baahiyaha Aasaaska nolosha u ah ee qofku Xaqa ugu leeyahay Dalkiisa .

Shacabkana waxaa looga baahan yahay in ay Bartaan Nidaamka ay ula Xisaabtami lahaayeen cida uga masuulka ah iyo dariiqa ku haboon ee ay u mararayaan wax walba oo Qarankooda xaq ugu leeyihiin.

kana gudbaan qaabkan ay maanta wax u raadsadaan ee ku Qotoma Cayda, Af-lagaadada Madaxda, Danta  Shaqsigaa,  iyo Reer Qudhac hadaanu nahay oo ay Dawladnimada bartaan kana fogaadaan in Rabitaanka Shaqsi ama Qabiil Qaranka loo hadimeeyo lagana Hor-mariyo wax walba oo ay  jirto wax loo wada tudhaa.

Xukuumada waxaa looga baahan yahay dhismaha Bulsho Qarankooda jecel iyo Qaran Qofka u buuxiya kaalinta Aabihii Hooyadii iyo Qoyskoodu ugu jiro kana hor-marisa daryeelkooda wax walba waa markaas kolka la helayo Dad iyo Dawlad ka midaysan dhinac walba oo aan Wan iyo Waraabe isku ahayn.

Qofka muwaadinka ahina aanu ogolaan doonin cid Hagardaamaysa Qarankiisa horumarkiisana ka shaqaynayaa hadii aanay Jirin wax uu ku Qabo qofku Dawladiisa waxay ka qaado mooyee la heli maayo cid dhawrta kana damqata waxyeelada gaadhaysa Qarankiisa.

Muwaadin Tabashadaada waxa ka wayn dhibka iyo Hadimada loo soo maray inaan halkan maanta soo gaadhno.

Muwaadin helista dantaada oo aad ku raadiso nidaam aan tudhaale lahayn umadana kala irdhaynaya waxaa ka wayn waxyeelada ay gaadhsiinayso Dawladnimada.

Muwaadin cunaha oo aad iskaga duubto hogaanka qarankaaga iyo Gambadh gaaban inaad ugu soo fadhiisato adigoo ka soo horjeeda waxaa ka wayn waxyeelada ay gaadhsiinayso Horumarka.

Xil iyo Mansab aad qabato ama Qabiilkaagu helo waxa ka wayn Mustaqbalka Ubadkeena oo aynu ka wada shaqayno.

Qolo-qolo iyo Qabiil dadka loo kala Fadhiisiyo iyo inaan Ardaayo u kala Oodno waxaa ka wayn Qarannimo iyo Somaliland mid ah.

Intaas oo aynu ka Midaysanay marka la helo ayaan Umad jirta noqon karnaa.

Hadii kale dad iyo Xoolo midna noqon maysaan hore iyo dabo-diid kaas ku noolaada.

Guul ayaan u Rajaynayaa dhamaan Reer Somaliland iyo Fahanka Dawladnimada oo Horumara.

W/q. Mohamed Mahad Muhumed

Featured Post

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53

Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...

Popular posts