Sunday, July 30, 2017

AAKHIRU SABAAN!!!

FAARAX NUUR WACAYS (IHN)

        Aakhiru Sabaan

Abwaanku isaga iyo dadkii uu maalintaas hoga-tusaalaynay ba waa kuwo aanay cidi ka noolayn hase ahaatee Abwaanku wuxuu inooga tegay dhaxal, waano, iyo dardaaran aan duugoobayn inta Tiirka dunidu taagan yahay sidoo kale gabaygani wuxuu udub dhexaad u yahay nolosha hadba jiilka markaas jooga isla markaana si toos ah ula hadlayaa.
Iyadoo la odhan karo faarax nuur gabaygiisani waa mid nool oo aan dhiman.
Isla markaana aynu ku dabaqno nolosheena iyo jiritaankeenaba.

Hadaba isku soo wada-duub oo iyadoo aanay maanta ka jirin dalkeena marxaldii gumaysigu hadana waxaa hubaal ah inay jiraan hadimooyin qarsoon oo ka mid ah kuwii abwaanku dadka uga digayay.
Iyagoo hadba shaadh iyo humaag dadban salka ku haya.
Taas oo ay ka mid tahay kiniisada boodhka laga jafay ee magaalada hargiesa laga bineeyay waqtigii ingiriiska taas oo faaladeeda iyo lafa-gurkeedaba aad looga dareemayay baraha bulshada ee soomaalida.

Hadaba ku soo durug dulucda iyo bud-dhiga gabaygan

Aakhiru Sabaan.......  

Gabaygan wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub  ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay.  Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur  (Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda  Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe  Inna faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii  Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan;

Wuxuu yidhi..

Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye

Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye

Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e

Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene

Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine

Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye

Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye

Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye

Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye

Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye

Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo

Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo

Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa

Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e

Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye

Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye

                SHAR-GUDBAN

Monday, July 3, 2017

XUJADII ABWAANKA!!!!

XUJADII ABWAANKA

            Dix-Dhagaxeed”

C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa Hanad Soomaaliyeed oo haybaddii maanso ee uu lahaa aan umadiisa ku hodin kuna hagardaamayne, wanaageeda ugu Adeegay waxa uu ahaa geeraarshe, calanka maansadiisu in badan sawir muuqda ka bixisay Soomaalida iyo “Anshaxa xun” ee qabyaaladdu hormoodka ka tahay oo ay had iyo goor u heellan yihiin.

Waxaa Timacadde la soo gudboonaaday wakhti dadka Soomaalidu daaf walba qabyaaladdu ka martay, oo ninkii gabyaa (ama afatahannimo lagu ogaa) qabiil waxaan ahayn tirsan. Markii uu arkay dadkii, in yar mooyee in nin waliba shaadh qabiil isku taagay, ayuu isku dayey in umadaas ka weeciyo “hantaaqada iyo hadimada  ay ku sii hoobanayeen,”
isaga oo adeegsanayey maansooyinkiisii ay wadaniyadda xoogga lehi ku dheehnayd.

Sanadku markuu ahaa 1967kii ayuu mariyey gabaygii la magac baxay “Dix-dhagaxeed,” oo uu tilmaam waafi ah kaga bixiyay aayaha dambe ee Soomaalida. Sida gabayga ka dhex muuqata, waxa uu Timacadde ka diiray dhiigga dadka Soomaaliyeed ee caantaynka la kala siisanayey; umaddii oo hadaf qabiil mooyee hadaf qaran meel isaga oodday; iyo in ubadkii dalka aayaha u ahaa la marin habaabinayey, oo iyagii daabcaddaha laysugu dhiibayey. Gabaygan oo xikmad iyo tuusaalaba  xambaarsan hadii aynu dib ugu yara laabano ama kefad iyo miisaan isu saaro foolxumadii iyo xinjiro-fajaasnimadii dadnimada ka fogayd ee Abwaanka iyo kuwii kale ee dhigiisa ahaaba ka maansoodeen sidii looga bixi lahaa gudcurka iyo mugdigii la dhex gooshayay oo aniga iila muuqata in Tacabkii iyo murtidii ka soo maaxatay garaadka haldoorkii umadani lahayd ay noqotay mid aan cashar laga qaadan isla markaana dardaarankoodii iyo duur-xulkoodii ilaa maanta yahay mid dadkii dhaxalkaa ay uga tageen ku meel markeedu ka dhigeen mid la soo qaato marka wax lagula baxayo ama u cuskado hadalkiisa nin muraad kale uga hooseeyo si weedhiisu maanka dadka ugu duxdo ama u meel marto.
(Ama hal bacaad lagu lisay)

Isku soo wada xooriyoo bal maankaaga la kaasho adiguna,
in xaalkeennu maanta sidiisii yahay iyo in kale.

Hadaba maansadaas oo dheerayd hadaan ka soo qaato tuducyadii gogol-dhiga, Hooriska, iyo Boog-taabashadaba u ahaa ka soo qaato  sidoo kalena barbar-dhig ku sameyn doonaa gunaananadka Tusmadayda Mid ka mid ah Xujoojinkii Abwaankii Xasan Sh. Muumin (Aun) waa heelo caan ah oo ka mid ahayd Riwaayadii uu Curinteeda lahaa ee (SHABEEL NAAGOOD) oo aan iyadana la furfurin nolosheenana saameyn weyn ku leh ilaa maantana ay taagan yihiin waxay ka hadlaysay.
Waxba aniga oo aan ku sii talax-tegin lafo-gurka heeladaas bal aan Akhristoow adiga kuu dhaafee.
Bal aan Ku soo laabano ma hadhooyinkii Timacade.

Wuxuu yidhi.

Docda Bari dareeriga baddiyo Seylac derifkeeda

Dusha Koonfureediyo illaa wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan
deyay awaagteeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye

Dulmi iyo dhac waa waxa qarribay degaladeeniiye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix-dhagaxeede

Anunbaa damqanayee dheguu uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday degashanaysaaye

Doqonniimo kugu baahday baan cidi dabiibayne

Duulkii inkaar qaba jinbaa daasadaw tumo e

Dab markuu bakhtiyo meel kalaa dogob ka qiiqaaye

Waagii dilaacaa naxdimo dihin la sheegaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ay duul walaala a tahayoy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa ways kala dhacdaan daa’in abidkiine

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo galaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye waa dix-dhagaxeede

Wixii hore usoo daashaday degashanaysaaye.

Gondo-dhiga faalada.

Waa xujadii Abwaan Xasan Sh. Muumin Oo inoo Hogo-tusaalaynaysa halka xadhigu ka qaloocday Abwaanku xujada heeladan wuxuu u furfuray qaab sarbeeban isaga oo Dawaynteeda iyo xalinteedaba dadwaynaha inay gacantooda ku jiraan xusay.

Bal hadaba aan soo qaato kaliya xujoojinkiisii ku jiray heeladan aniga ka reebay jawaabtii ay ka bixisay Hibo mohamed oo kula luuqaysa Abdi Muhumed Amiin  (Aun). Aniga oo Akhristoow adiga kaaga tegaya inaad aragtidaada qofeed iyo ta suuganeedba ku cabari doona.

Wuxuu yidhi.

DAB DHAXMOODAY!!!

Doc kastoo la eego Nolosha dunidu waa dabkee Haduu dabkii dhaxmoodo Maxaa lagu diiriyaa? Waa tilmaan la daahoo Degdeg kuma haboonee! Adoo deggan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii.

DUR-DUR OOMAY !!!

 Dur-durkaa laga cabaa Biyihiis lagu dabaashaa Haduu harraad dareemo Darkee laga waraabshaa? Waa tilmaan leh daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo degan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii!

DAWO BUKOOTAY !!!

Qofkii cudur dilaayo Dawadaa bogsiisee Haday dawo bukooto Maxaa lagu dabiibaa? Waa tilmaan leh daahoo Degdeg kuma haboonee Adoo degan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii.

DUFAN BASAASAY !!!

Subaga dufankiisa Dadku ku dhaashadaane Haduu dufan basaaso Maxaa  duxdii ka qaaday Waa tilmaan leh daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo deggan u fiirsoo ujeeddada i deeqsii

w/q. Mohamed Mahad Muhumed

Featured Post

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53

Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...

Popular posts