Tuesday, September 13, 2016

SABABIHII BUR-BURIYEY SOMALIA?

SABABIHII BURBURIYAY SOMALIA?

Aqoonyahanno badan oo soomaali iyo shisheeyaba leh ayaa wax ka qoray sababihii burburka dawladdii Somalia. Nin walba meel ayuu sanka u saaray markuu baadhis sameeyey. Qaar badan oo qorayaal ahi

waxay tilmaameen qarannimadii iyo qabyaaladdii isku milmay inay tahay waxa halaagga ku keenay ee burburiyey dawladnimadii, waayo bay yidhaahdeen Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan. Qaar kale waxay qabaan inaan dawladdii Somalia looga horrayn dagaalkii ay la gashay dalka Ethiopia sannadii 1977kii. Kuwo kale oo shisheeye u badan waxay aaminsan yihiin in dadka soomaaliyeed weligoodba ay qabaa’il kala madax bannaan ahaayeen isla markaana baadka, biyaha iyo beledkaba ku dagaallama, dawlad dhexe oo midaysana anay abidkood yeelan, dawladnimadii lixdankii ay hantiyeen isla markaana lagu mideeyey labadii gobol ee woqooyi iyo koonfurna ay ahayd laab-lakac ay ka madhan tahay aasaas xididdo adag iyo sooyaal dawladnimo leh, sidaa daraaddeed ay iska burburtay. Qofba meel ayuu aragtidiisa iyo baadhistiisa ku saleeyey. Madaxweynihii hore ee dawladda Ethiopia Kornayl Mangistu Haile Mariam isaguna waxa uu ku faanay anaa burburiyey dawladdii Somalia, dad soomaaliyeed oo sidaa aaminsanna way jiraan.

Burburka ku dhacay dalkii iyo dadkii soomaaliyeed waa mid dul iyo hoosba waxba seegin oo dhinac walba taabtay. Dunidan casriga ah dal sidaa u kala daatay  oo baaba’ay laguma sheegin sooyaalka. Markaad dhinacyo badan ka fiiriso 26kii sannadood ee aynnu soo dhaafnay wixii dhacay baad ogaanaysaa waxa burburka keenay inuu yahay arrin aad iyo aad u weyn oo u baahan in si xeeldheer loogu daadego halka wax ka soo unkameen. Muddadaa rubuc qarniga ku dhaw ee burburku socday qoraallo badan oo laga diyaariyey markaan akhriyey isla markaana aan dhegeystay waraysiyo badan oo ay bixiyeen culimo iyo dad kale oo madax u badnaa oo xogogaal ahaa isla markaana goobjoog u ahaa dhacdooyin badan iyo intaan u soo joogay , baan go’aansaday inaan isku dayo aniguna oo aan wax ka qoro sababihii burbuka keenay, halkii uu ka bilawday iyo maalin walba haadaantii dalku ka dhacay sidii loogu sii durkayey.

Bishii Oktoobar 15keedii 1969kii waxa magaalada Laascaanood lagu dilay madaxweynihii jamhuuriyadda Somalia Allaha u naxariistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, bisha 20keediina waxa lagu xabaalay caasimadda Muqdisho. Isla bishii Oktoobar 21keedii waxa afgembi milateri xukunkii ku qabsaday ciidamadii xoogga dalka soomaaliyeed. Inqilaakaa ciidanku sameeyey dadweynuhu aad bay u soo dhaweeyeen, waayo? Waxay aad iyo aad uga niyad jabsanaayeen xukuumadihii rayadka ahaa ee dalka soo maamulay sagaalkii sannadood ee hore, kuwaas oo maamul xumadoodii ay keentay in duhur cad la dilo madaxweynihii dalka.

Saraakiishii maamulka dalka la wareegay waxay ku dhawaaqeen gole ay ku magacaabeen Golaha sare ee Tawradda (Kacaanka) oo ka koobnaa 25sarkaal oo guddoomiye u doortay Janaraal Maxamad Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidamada Somalia. Durba waxay soo saareen toddoba qodob oo ay u bixiyeen cahdigii koowaad ee Tawradda. Qodobbadaas midba midka kale ayuu ka qurux badnaa. Dadweynihii aad bay u soo dhaweeyeen baaqii ciidamada oo durba waxay laabta gashadeen ididiilo iyo in laga baxayo horowmar la’aantii dalka daashatay. Hasayeeshee waxgaradka soomaaliyeed baa shaki weyn ka qabay saraakiisha xukunkii dalka maroorsatay, waayo? Waxay ogaayeen oo ay si wanaagsan ula socdeen in saraakiisha dhexdooda lagu fidiyey mabda’a Shuuciga ah iyo janaraal Maxamad Siyaad Barre sooyaalkiisa oo aad u madoobaa.

1964kii oo dawladdii Xabashidu dagaal ku soo qaadday Somalia ayaa ra’iisalwasaarihii dalku Mudane Sharma’arke uu xidhiidh wanaagsan la samaystay dawladdii Ruushka si ay u hesho hub ay dalka ku difaacdo kadib markay reer galbeedka ku hungowday. Waa markaa xilliga ay Shuuciyaddu aad ugu dhex faaftay saraakiishii ciidamada xoogga dalka. 1969kii, wixii ka dambeeyeyna uu sii xoogeystay xidhiidhkii Somalia iyo Ruushku.

QAADASHADII HANTIWADAAGGA CILMIGA KU DHISAN

Intaanay sannad gaadhinba waxa dalka la keenay boqollaal saraakiil milateri iyo tababarayaal ah oo ka socda dalka Ruushka oo berigaa la odhan jiray Midawga Sofiyeti. Waxa caasimadda Somalia ee Muqdisho laga furay xafiiskii ugu weynaa ee K J B (Ciidamada sirdoonka ee Ruushka) ku yeelato qaaradda Afrika oo dhan. Hal sano kadib oo ku beegan 21kii Oktoobar 1971kii, golihii sare ee Tawraddu waxay meel mariyeen oo ay ku dhawaaqeen in maanta laga bilaabo dalka Somalia uu qaatay oo lagu dhiqi doono mabda’a Hatiwadaagga cilmiga ku dhisan, dawladda Somaliyana ka mid tahay beesha hantiwadaagga ee dunida. Haddaad maqasho hantiwadaagga cilmiga ku dhisan macnaheedu waa Shuuciyad (Diin la’aan).Hasayeeshee markay hirgelinayeen waxay odhan jireen mabda’u waa hawl iyo hantiwadaag. Hantiwadaagguna waa dawga qudha ee aan ku gaadhi karno horowmar dhinac walba ah. Markaan hawsha wadajir u qabanno baan hantida wadaagaynaa.

Dabadeed barnaamij Iskaa-wax-u-qabso la yidhaa oo aan dhammaad lahayn baa dadweynihii lagu mashquuliyey. Sannadihii lixdamaadkii iyo toddobaatanaadkii bilawgoodii dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika, koonfurta Amerika iyo dalalka Carabta qaarkood waxa ka dhacay afgembiyo milateri oo dhinaca Ruushka iyo xulifadiisii reer Bariga u janjeedha. Waxa berigaa waddamada dunida saddexaad sida daadka u soo galay kutub faahfaahinaysa mabda’a Suuciyadda oo ay qoreen rag ay ka mid yihiin Karl Marx, Lenine, Mao Tse Toung iyo kuwa kale. Kutubtaa ay raggaa gaaladu qoreen dhallinyaro badan oo soomaaliyeed bay saameeyeen oo ku toobaseegay. Saraakiishii xukunka dalka qabsatay si ay u hirgeliyaan mabda’a hantiwadaagga cilmiga ku dhisan waxay la kaashadeen dhalliyaradaa aan soo sheegay ee la dhacsanayd Shuuciyadda. Waxa xaafad iyo tuulo walba laga dhisay goleyaal waaweyn oo loo bixiyey Golayaasha hanuuninta dadweynaha, halkaa oo markay galabtii iskaa-wax-u-qabso dadweynuhu ku soo shaqeeyaan habeenkiina lagu hanuuniyo ilaa saq-badhka. Hanuunintaas oo ahayd in shacabka lagu shubo mabaadiida uu  kacaanku watay, in laga maqnaado golaha hanuuninta dambi weyn bay ahayd, qofkii ka soo xaadiri waayana inuu kacaandiid dib-u-socoda yahay baa loo aqoosan jiray isla markaana dabagal joogta ah baa lagu hayey. Intaa waxa dheeraa oo tababarro joogta ah loogu diri jirey saraakiisha ciidamada, hawl wadeennada maamulka dawladda iyo shaqaalaha intaba waddamada Shuuciga ahaa oo ay ka mid ahaayeen Ruushka, Jarmalkii bari, Juquslafaakiya(Tchecoslavaqui) iyo kuwo kale. Ardayda dugsiyada sare ka baxa qaar badan oo ka mida iyaga qudhooda waddamada Shuuciga ayaa waxbarasho jaamicadeed loo geyn jiray. Ardayda loo diro Ruushka haddii ay si wanaagsan u qaataan duruusta mabaadiida dalkaas way u dhib yarayd inay soo qaataan shahaado jaamicadeed. Waxa soo baxay jiil dhan oo kugula doodaya in Shuuciyaddu tahay mabda’xalaal ah.

Warbaahintii dawladda, idaacadihii iyo hadday tahay jaraa’idkii dhammaan waxa loo adeegsaday buunbuuninta iyo qurxinta hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Fannaaniintii iyo abwaannadii baa iyagana la adeegsaday oo soo saaray heeso iyo gabayo ciiddaa ka badan oo aan kala joogsi lahayn. Bal hal heeskan aan ka soo qaatoo suugaantii dadweynaha dhegaha loogu dhuray. Heeskani waa mid ka dhexeeyey waddamadii Shuuciga ahaa oo afaf badan loo tarjimay siiqad iyo luuq midana waa loogu heesi jiray. Waa hees tilmaamaysa in waddamada Shuucigu isku bah yihiin. afka soomaaliga waxa u tarjimay abwaankii Cabdi Muxumad Aamiin oo isagu ka mid ahaa dadkii ku sirmay Shuuciyadda, ereyadeedii qaar ka mida waa kuwan,

Shaqaalaha askartiyo ardadeenna

Indheergaradka wanaagga arkaaya

Beeraleyda abuurta anfaaca

Hantiwadaagga ilaalin, ilaalin

Aragnoo aaminnay awooddeenna

Ka adkaannay abuurta adduunka

Silsilaadkii addoonsiga aasnee

Isu soo ururaay, ururaay

Weynnu adkaani, weynnu adkaani

Aayeheenna ubadkeennaa lahaani

Arraadiyo gaajo waynnu idlayn

Weynnu adkaani, weynnu adkaani

Aayeheenna ubadkeenna lahaani.

Maxamad Siyaad Barre iyo golihii saraakiisha ee uu guddomiyaha u ahaa wax walba way adeegsadeen si ay ummadda ugu shubaan oo ay uga raaridaan ujeeddadii iyo mabda’ii ay soo waarideen ee ay lahaayeen waa waddada keliya ee dalku ku gaadhi karo horowmar iyo barwaaqo.

Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Qof dacar beertay timiri uma dhalato”

Berigaa dalka boqortooyada Sucuudi Carabia waxa boqor u ahaa Allaha u naxariistee boqor Faysal Ibnu Cabdulcasiis. Boqor Faysal waxa uu ahaa hoggaamiye aad iyo aad u wanaagsanaa oo lagu goblamay. Sannadkii 1972kii ayaa boqorku farriin qoraala u soo diray madaxweynihii Somalia Maxamad Siyaad Barre, farriintaas waxa siday la-taliyihiisii arrimaha diinta oo la odhan jirey Maxamad Maxamuud AL-Sawaaf oo dhalashadiisu Ciraaqi ahayd.

Maalintii uu Siyaad Barre qaabilay ergeyga boqor Faysal waxa goob-joog ahaa Sheekh Maxamad Axmed oo loo yaqaan Gadhyare kana mida culimada caanka ah ee Soomaalida. Sheekh Gadhyare oo ka warramay hadalladii maalintaa la isweydaarsaday“waxa uu yidhi sidan, ugu horreyn waxa hadalka qaatay ergeygii boqorka mudane Al-Sawaaf oo ku hadlaya afkii boqorka. Mudane madaxweyne waraaq baan kuu soo diray ee akhriso, ninkan farriinta sida ee Al-Sawaaf anuu wakiil iga yahay, waxa uu ku yidhaa waa farriin aan anigu soo faray haddaan boqor Faysal ahay. Waxaan kuugu soo diray warqaddan waa, annaga iyo shacabka soomaaliyeed dad islaamku walaaleeyey baan nahay. Soomaali caqiidadeeda iyo islaamkeeduna qiime weyn buu noogu fadhiyaa, meel xun inay maraanna ma jeclin. Haddana waxaan ogaannay inaad ku dhawaaqdeen hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Hantiwadaagga cilmiga ku dhisan macnihiisu waa Shuuciya, Shuuciyana waxa ay tahay Carab oo dhan baa soo jarribtay oo

ku soo gubatay, waa guri abaaroo laga soo guuray. Nin hadduu reerkiisa sahan u yahayna been uma sheego. Markaa Maxamad Siyaad Barrow  soomaali guri laga soo wada cararay oo abaara ha u rarin, islaamkeeda ha ka fogeynin, wax kugu kallifaayi ma jiro. Waan ognahay idinka iyo Xabashi in colaad idinka dhaxayso hub iyo maalba inaad u baahantihiin waannu ognahay. Haddii aad Shuuciyadda aad u qaadanaysaan Ruush ugu dhawaada si aad hub uga heshaan, taasi xal maaha. Ruushku hal musbaar oo uu bilaash idiinku siinayaa ma jirto wax walba wuu idinka iibinayaa. Wixii lacag ah ee aad hub ku iibsanaysaan annagaa idin siinayna iyadoo kaash ah. Markaa idinkoo xor ah oo la idinku cidhiidhyin hubka amma Ruush ka iibsada amma Maraykan amma meel kale ka iibsada, laakiin hub dartii yaan la idinku addoonsan. Taasi waa taa, ta laabaad waxaan idiin ballan qaadaynaa inaan Somalia u beddelno goob barwaaqo ah oo annagu maal gashanno welibana dawladaha aannu saaxiibka nahay ku soo hoggaaminno inay Somalia maal gashadaan. Intaa oo dhan markaan samayno waxa keliya oo aannu doonaynaa shacbiga soomaalida caqiidadiisu inay nabad gasho. Intaa haddaad naga oggolaatana madaxaan kaa dhunkanaynaa. Markaasu sheekhii farriinta siday intuu kacay gacanta madaxa ka saaray madaxweynaha.

Sheekh Gadhyare oo ka warramaya warcelintii madaxweynaha waxa uu yidhi,

Madaxweynuhu nin waddo qalloocan haystuu ahaayoo waxa uu yidhi, annagu annagaa xor ah, annagaa doorannay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, annaguna xor baannu nahay, siyaasaddayadana in nalagu fara geliyo ma doonayno, annaguna tiinna ma fara gelinayno, idinkuna ha na fara gelinnina.

Soomaali islaam uma baahna way ka dheregsan tahay, haddaad rabtaan in diin la faafiyo Afrikaankaas lo’da iyo waxaas caabuda ee la sheegayo aan ku wada faafinno ee islaamka ha noogu soo gabbanina. Sidaas annagoo ah haddaad wax nagu tari kartaan nagu tara haddii kale bannaanka aan kala marno. Sidaa baa lagu kala dhaqaaqay.

Si loo sii xoojiyo hirgelinta iyo ka dhaadhicinta dadweynaha waxa uu Kacaanku meel mariyey xuska maalmo cayiman oo aad looga weyneeyo waddamadii Shuuciga ahaa. Maalmahaa oo aad u badnaa waxa ka mida, maalinta shaqaalaha dunida, maalinta haweenka, maalinta dhalliyarada iyo maalmo kale aad u badan.

Xuska maalmahaa oo aad iyo aad loo weyneyn jiray madaxweynaha qudhiisa ayaa ka soo qayb qaadan jirey isla goobahaana ka soo jeedinayey khudbado aad u dhaadheer. Khudbadahaa uu Siyaad Barre xafladahaa ka akhrinayey nuxurkoodu waxa uu ahaa waddada qudha ee dalku ku gaadhi karo horowmar buuxa oo dhinac walba ah ay tahay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan

Intaa waxa uu raacinayey gooddi iyo cagajuglayn joogta ah oo uu u jeedin jirey inta waxgaradka ah oo lagu cambaarayn jirey inay yihiin dib-u-socod kacaandiid ah oo u adeega gumaysiga cusub. Marar badan baa la sheegay isagoo khudbaynaya inuu ku gefay diinta islaamka ee xaniifka ah, ereyadiisii waxa ka mida kuwan “Haddii nebi Maxamad Siberia joogi lahaa, khamrada uu fasaxi lahaa”.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar oo ka mida culimada waaweyn ee soomaalida, sida uu ku sheegay taxanaha qoraalladiisa uu cinwaanka uga dhigay “Uurdoox” ee uu soo geliyey degelka http://www.somalitalk.comwaxa uu ku sheegay in 25kii sarkaal ee Golihii sare ee Tawradda( Kacaanka) ay laba keliya salaadda tukan jireen. Madaxtooyadii dalka laga maamulayey xeryihii waawaynaa ee ciidamada xoogga dalka midna hal masjid oo salaadda lagu oogo kama dhisnayn. Dugsiyadii waxabarashadana hablihii waxa loo diiday inay jidhkooda asturaan, sida wiilasha ayaa lagu qasbay inay shaadh gacma-gaaba iyo surwaal gashadaan madaxana ay qaawiyaan.

Sheekhu isagoo sii wata qoraalkiisa waxa uu sheegay, maalin maalmaha ka mida ayaa dhallinyaro layli sarkaal ku jiirtay waxa u khudbeeyey sarkaal sare oo ka  tirsanaa ciidankii xoogga dalka, waxa la gaadhay salaaddii maqrib, saddex ka mida dhallintii ayaa doontay inay tukadaan, mid baa gacanta taagay, waxa la weydiiyey gacantaaggiisa, wuxu yidhi salaaddaan oogaynaa, waa lagu diiday. Dhawr jeer markuu gacanta taagay ee juuq loo odhan waayey ayaa saddexdoodii midna iimaam noqday labana ku xidhatay meel hoolka dhexdiisa ah. Iyagoo sujuudsan oo salaaddii ku jira ayaa askar loo soo diray, inta la garba duubay ayaa la xabisay. Dabadeed dibadda ayaa la dhigay intoo dirayskii laga tiriyey.

Raggii sidaa lagu falay oo kala ahaa, Xasan Afrax Guure, Axmad Ducaale iyo Mahdi Jimcaale weli way nool yihiin.

Dhinaca kale dawladdu cadaadis xoog badan bay saartay fidinta dacwadda islaamka iyo culimadii. Hasayeeshee culimadii dalku dacwaddii bay xoogeeyeen iyagoo masaajiidda oo ahayd goobaha qudha oo ay haysteen ka bilaabay fidinta diinta islaamka, tafsiirka quraanka, Axaadiista iyo barashada cilmiga. Waxa ku soo xoomay masaajiidda dadweynihii oo ay u badnaayeen dhallinyaro ogaatay in mabaadiida ay dawladdu waddaa tahay diin la’aan.

KU DHAWAAQIDDII XEERKA QOYSKA

Qarnigii sagaal iyo tobnaad dhammaadkiisii markii dhulka soomaalida ay qaybsadeen gumaystayaashii reer Yurub ee Ingiriis, Talyaani iyo Faransiis waxay dalka ku maamuleen nidaamkii ay dalalkooda ku dhaqayeen marka laga reebo arrimaha guurka iyo dhaxalka oo ay noo dhaafeen inaan isku xukunno shareecada islaamka, oo ay u arkayeen in aanay danahooda waxba u dhimayn.

Dawladihii rayadkuna nidaamkii reer Galbeedka waxba kama ay doorin, hasayeeshee xukuumaddii Kacaanku intii yarayd ee shareecadda lagu xukumayey bay cagta marisay. 1975kii, dawladdii Ina Siyaad Barre waxay soo saartay xeerka qoyska. Xeerkaa qoysku dhammaantii liddi buu ku ahaa aayadaha quraanka kariimka ah, waxa uu haweenka la simay xagga dhaxalka ragga. 11kii bishii Jenaweri 1975kii, ayuu madaxweynuhuu goob fagaara ah ka khudbeeyey oo uu kaga dhawaaqay kuna faahfaahiyey xeerka qoyska. Khudbaddaa uu akhriyey madaxweynuhu aad baa loola yaabay, hadal nin muslima oo madaxa ummad islaamana xukuma daaye nin gaal ahi odhan karin buu ku dhawaaqay, hadalladiisii waxa kamida, maanta laga bilaabo wax la yidhaa Sudus, Sumun amma Rubuc damboo dhaxal lagu qaybsadaa ma jiro, wiil iyo gabadh wax kala badsan doonaa  oo is dheeraan doona ma jiri doono. Nebi Maxamadba xilliguu joogay wixii la socon waayey waa la nasaqay, annaguna wixii nala socon waaya waan nasaqaynaa. Intaa waxa uu raaciyey, haddii wiilka Jaalle la yidhaa gabadhana Jaalley, yeeli mayno. Haddii wiilku Jaalle yahay gabadhuna  waa Jaalle.Waa arrinta ugu weyn ee culimadii kicisay ee ay ka gadoodeen. Xeerkaa qoyska ee dawladdu meel marinaysay ee ummadda sanka laga galinayey waxa uu ka soo  jeedaa aragti shisheeye oo gaalo leedahay dadweynaha soomaaliyeedna shaqo kuma leh.

Dhawr maalmood kadib khudbaddii Siyaad Barre ayaa maalin jimce ah salaaddii dabadeed qaar ka tirsan masaajiidda magaalada Muqdisho ayaa culimadii ka hadashay hadalladii madaxweynaha iyo xeerka qoyska ee baadilka ah. Masjidka Cabdulqaadir baa ka mid ahaa masaajiidda maalintaa ay culimadu ka hadashay. Ugu horreyn waxa hadalka qaatay sheekh Maxamad Axmed. Sheekhu markuu mambarka fuulayey waxa uu gacanta ku sitay wargeyskii Xiddigta Oktoobar oo ay ku xardhan tahay khudbaddii madaxweynuhu. Maanta waxaan halkan isku soo taagey waa arrin weyn oo ah in maanta ummaddii soomaaliyeed meel halis ah ay marayso. Wargeyskaa aan gacanta ku hayo waxa ku qoran iyo ninka ku hadlay iyo islaamku waxa uu ka qabo baan rabaa inaan ka hadlo. Sheekhu inta uu soo daliishaday aayadaha quraanka ah ee faahfaahinaya dhaxalka, guurka iyo arrimo kale oo badan ayuu is barbar dhigay qawlka Alle iyo ereyadii uu madaxweynuhu ku hadlay ee wargeska ku qornaa. Dabadeed daweynihii buu weydiiyey, ninka waxaa ku hadlay xukunkiisu waa maxay? Dadweynihii dhageysanayey dhammaan waxay go’aamiyeen inuu gaal yahay. Wadaaddo kale oo jibbaysan ayaa iyaguna halkaa ka hadlay si mida ayey u wada sheegeen in ninka waxaa ku hadlay gaal yahay. Culimadii masjidka joogtay sidii ku talagalkoodu ahaa tan iyo salaaddii maqrib bay hadalka wadeen iyagoo u kala bixin. Salaaddii maqrib kadib ayaa ciidamadii dawladdu masjidka soo weerareen oo ay culimadii goobta joogtay oo dhan xabsiga u taxaabeen.

Masjidka Siigaale waxa isna maalintaa ka hadlay wadaad la odhan jirey sheekh Muuse Yuusuf. Sheekh Muuse hadal badanba muu odhan maalintaa, intuu is taagay umbuu yidhi, dadka muslimiinta ahow, Ilaahay waxaad ka tuugtaan in Ilaahay innaga badbaadiyo Shuuciyadda sharkeeda. Intaa keliya umbuu yidhi wadaadkaasi. Sheekh kale ayaa isaguna masjid kale hadal kooban ka soo jeediyey, waxa uu yidhi, Ruush iyo Soomaali wax kulmiya oo ka dhexeeyaa ma jiraan, Ruush waa gaalo Soomaalina waa muslim, Ruush waa caddaan soomaalina waa madow, Ruush waa Yurub buu yidhi sheekhu Soomaalina waa Afrika, wax Soomaali iyo Ruush kulmiyaa oo ka dhexeeyaa haba yaraatee ma jiraan. Ruush oo intaa aan soo sheegay oo dhan wax na kulmiyaa aanu jirin, dadka na daba wada ee nagu dirqinaya Ilaahow naga qabo. Intaas keliya buu wadaadkaasina yidhi. Maalintaa culimadii hadashay oo dhan xabsiga ayaa lagu hubsaday. Habeennimadii magaaladii oo guux ka baxayo waxa soo dhex maray Janaraal Cabdi-wahaab Makaahiil oo ka tirsanaa ciidamadii guulwadayaasha isla markaana ahaa saraakiisha madaxweynaha toos ula xidhiidha ee aan la hor istaagin. Jananku isla habeenkii isagoo yaabban ayuu toos ugu tegey Maxamad Siyaad Barre. Waxa uu ku yidhi, Jaalle Siyaad magaaladii oo karaysaan soo dhex maray, ummaddii cirkaasay maraysaa, hoog iyo ba’ baa soo fool leh, adiga ayaana baajin kara dhibaatada. Jaalle Siyaad waxaad yeeshaa wadaaddada oodda ka rog, idaacadda u yeedho hadda una sheeg ummadda inaad culimada siidaynayso. Habeenkaa waxa la sheegay in Janaraal Cabdi-Wahaab aad uga beryey madaxweynaha arrintaas. Madaxweynaha oo ahaa nin tiisu u caddahay ayaa ereyo kooban ku yidhi, way cabsadeen nala odhan maayo. Afar maalmood kadibna toban culimadii ka tirsan baa la toogtay qaar kale oo badanna xabsiyo dhaadheer baa lagu xukumay. Culimada la toogtay waxay kala ahaayeen      

1)      Sheekh Axmed Sheekh Maxamad

2)      Sheekh Muuse Yuusuf

3)      Sheekh Axmed Iimaan

4)      CaliXasan Warsame

5)      Xasan Ciise Iley

6)      Maxamad Siyaad Xirsi

7)      CaliJaamac Xirsi

8)      Aadan Cali Xirsi

9)      Saleebaan Jaamac Maxamad

10)   Yaasiin Cilmi Cawil

Markay dawladdu culimadii qaar dhishay kuwa kalena jeelasha ku hubsatay bay weliba sii kordhisay cadaadiskii ay ku haysay kuwii hadhay ee waajibaadkooda gudanayey si ay u wadaan dacwadda. Sannadihii xigayna wadaaddo badan baa dalka dibadda uga yaacay markay nafahooda u yaabeen. Dhinaca kale, dawladdu marba marka xiga ayey ku sii durkaysay mabaadiida Shuuciyadda. 1976kii waxa si rasmiya loo dhisay laguna dhawaaqay xisbiga Shuuciga ee Somalia oo loo bixiyey, Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed( X.H.K.S.).

Haddaba dawladdii Siyaad Barre way caddayd hilinka ay qaadday inuu yahay mid gucundho badan oo aan la mahadin doonin, waayo? Adduunkan aynnu ku noollahay xaqa iyo baadilku way soo jireen waanay jiri doonaan tan iyo qiyaamaha, hasayeeshee waxa Ilaahii inna abuurtay uu na faray in xaqa la raaco baadilkan laga tago si aynnu ifka iyo aakhiradaba u liibaanno. Dawladdii soomaaliyeed ee saraakiishu hoggaaminaysay dhinaca kale ayey istaagtay oo baadilkii bay u hiilisay xaqiina cagta hoosteeda bay gelisay. Falalkaa uu ku tallaabsaday Kacaanku tan iyo dhalashadiisii ee diin-la-dirirka ahaa baa horseed u noqday burburka dalkii oo dhan gaadhay.

WADDADII BURBURKA

Marka xaqa la diido ee weliba cagta la hoos geliyo way caddahay in mugdi la gelayo isla markaana haadaan lagu dhacayo. Dawladdii kacaanku iyadoo weli waddo qalloocan haysa, ayaa dawladdii Ruusha ee ay xulifada iyo bahdaba la ahaydi kula talisay in Itoobiya dagaal lagu qaado si ay Somalia u xoraysato dhulkii ka maqnaa. Muddo gaaban gudaheedna markab buuxa oo hub ah buu dekedda Berbera ka soo rogay kadib markuu Siyaad Barre oggolaaday inuu dagaal qaado. Ciidamadii Somalia markay si buuxda dagaalkii u galeen dhul badanna ay qabsadeen ayaa dawladdii Ruushku is baddashay, waxay tidhi kol haddii la riday boqortooyadii Haile Selase oo dawlad Shuuci ahi dhalatay waa in dagaalka la joojiyo si annu bah mida u wada noqonno. Dawladdii Somalia oo hadalkaasi laf dhuun gashay ku noqday ayaa waxa laabta u tumay oo taageero u muujiyey Maraykanka iyo waddamo Carbeed oo arrintoodu tahay “Qawda maqashiiya waxna haw qaban” Siyaad Barre oo ballanqaadkaa beenta ah run mooday ayaa si degdega ugu gacan saydhay dawladdii Ruushka, dagaalkiina sii xoogeeyey. Ruushkii iyo xulifadiisii oo aan u kala hadhin ayaa si buuxda isku barbar taagey maamulkii Dhergiga ee Mangistu Haile Mariam. Durba waxa dalka Itoobiya la keenay khubaro Ruusha oo ku xeel dheer dagaallada, 17000, oo askar Kuubaan(Cuba) ah iyo ciidamo kale oo laga soo waariday dalkii Yamanta Koonfureed la odhan jirey (Cadan). Dalka Libiyana dhaqaale badan buu ku caawiyey dawladdii Shuuciga ahayd ee ka dhalatay dalka Itoobiya. Intaas oo dhan iyo ciidankii Itoobiya oo hubkoodu u dhan yahay baa weerar cir iyo dhulba ah ku soo qaaday ciidamadii Somalia oo hubka iyo saanadduba ku yaraadeen, dawaladihii u laab tumayna ay kaga baxeen. Muddo kooban gudaheed ciidankii Somalia oo jabay oo habqana ayaa xuduudda la soo waydaariyey. Dhinaca siyaasadda, waddan keliya oo Somalia ku taageeray dakaalkaa ma jirin.

Haddaba xulifadan Itoobiya la safatay ee ciidankii soomaalida duhur cad ka hor timid ee sidaa u gashay, waa kuwee? Waa kuwii muddo 17 sannadooda la soo dhawaynayey, loo heesayey, bahda lala noqday ee waliba diin la’aanta u noqdeen Siyaad Barre iyo intii u sacabba tumaysay. Jabkii berigaa ku dhacay Somalia wakaa weli socda, ummaddii soomaaliyeedna wataa shanta qaaradood ee dunida haad iyo haanraawe kaga dhergay. Sababihii burburka keenay waa qodobbadaa aan kor ku soo faahfaahiyey, waa sida ay ila tahay. Wax jira Alla og, Ilaah innaga warroon, waa nabad.      

W/Q. Mohamed Mahad Muhumed

Thursday, September 8, 2016

MAANSADII DABA-TAXAN ABWAAN GAARIYE !!!!!!

Maansadii DABA-TAXAN iyo Macallin Gaarriye: “...Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan...”

Tixdan oo magaceedu yahaay “Daba-taxan” waxa halabuuray Macallinkii iyo Maansayahankii Soomaaliyeed ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, Allaah naxariistii

janno ha ugu deeqo e. “Daba-taxan” waxay ka mid tahay maansooyinka ugu caansan ee badweyntii maanseed ee halabuur Maxamed Xaashi Dhamac. Waxay soo baxday 5/1/1997.

Buugga Hagarlaawe ee suugaanta Abwaan Gaarriye oo aan tixdan ka soo xigtay waxa uu ina odhanayaa:

“Dagaalkii sokeeye ee uu Abwaanku ka digayey, wixii uu sheegay iyo wax ka sii daran ayaa dhacay; afkii baa hadal daayey. Burco, Berbera iyo Hargeysa ayaa dagaal sokeeye ka dhacay. Wakhtigaas dagaalku dhacay wuxuu Abwaanku ku maqnaa Afrikada Galbeed. Kuwii uu ka digayey ee danta gaarka ah lahaa ayaa dagaalkii horkacay. Dadkii ayaa dabka la saaray oo wixii looga digayey ayaa ku dhacay. Dabadeedna nabadayn iyo in la dhex galo ayaa bilaabmay. Mar haddii abwaanka ergonimadiisii dheg loo jalaqsiin waayey, dabkii uu ka digayeyna lagu dhacay, wuxuu bilaabay bal inuu nabadeeyo, dabadeedna wuxuu tiriyey tixdan hoose ee Dabataxan. Sida ka muuqata magaca tixdana waxa abwaanku ina tusaalaynayaa in dhibku weligiiba soo taxnaa.

Waxay la hadlaysaa shacabka oo leedahay hebel iyo reer hebel mushkiladdu ma taagna, ee wax ma noqonnaa mise dib baynnu u noqonnaa?”

Wuxuuna ku bilaabay sidan:

Haddaan gabay dan uga baxo

Ama dhaafo dooyada

Dacar igu hulaaqdiyo

Qalin-daar ma waayee

Maantana Abdeeqow,

Wax i “dubuq” yidhaa jira.

Duulka aan u naqayana

Dhedaa saaran lagu dedey.

Dabbaalnimana kama aha

Dagan maahsanaantiyo

Wixii laga dagaallamay

Wax u dooriyaan jirin.

Anigana dac-gudhantii

Gacmahaygu diirmoo

Weli dowliskaygii

Dirri buu ku dhacayaa.

Dalcadduna ma dheeree

Nimaan kaba dareen qabin

Inuu dayn ka maqan yahay,

Ayaan doono lagu karin.

Wax u diiddan baa jira

Faraskana durduradee

Haddaan talada lagu darin,

Inuu duulimaad galo

Ama orodka deeddamo

Doollaal ha eegina.

Dun baa meel ka xidhan weli

Goldalooladiinnuna

Door bay ku leedahay.

Digdig iyo mutuhis iyo

Dul-ka-xaadis mooyee

Bal si daawo loo helo

Darsa eelka lama odhan.

Danni baana igu jira

Inaan hoosba loo deyin

Sengaa daalay meeshuu

Ka damqaayo heensuhu

Ama dhaqanka dabatadu

Ka dabraaya qarankii

Shalay doolka ugu yimi.

Dillaacuna wuxuu fiday

Markii looga sii daray,

Ee cudur darmaan galay

Laga gubey dameeraha.

Dulucdeedu waxay tahay;

Dawga aada Boorama

Kuma geeyo Daafeed.

Xeerkiyo dastuurkii

Loo dejaana kuma fulo

Ummad aan dabci aqoon.

Anna shalay, Sandoonow!

Dadka maan habaarine

Dayro hore sed kama foga

Deeqna waa u dhowdee,

Dubaax loo kor dhigay ciid

Doqon baan u garan hiil.

Degel ba’ay nin yiil shalay

Oo digo-gub sahansaday

Maantana diyaar u ah

Lama-dego in loo raro

Oo nolol ka deel wadhay

Nin dabiib la leeyahay

Dhiig ku duuli maayee,

Dardartii haddaan dhimay

Wax i daaray baa jira.

Ilmihii dammiin ihi;

Iska daa abwaanoo

Wuxuu diiqad geliyaa

Habartiisii dihatee,

Diiwaannadaydii

Haddaan duubtay yeelkay.

Inaan dararo maantana

Xil baa igu dirqiyayee,

In aan deexdo maan rabin;

Deelley mudduciyoo

Ciddii ay dacweyn layd

Noo ducee la leeyahay.

Inta xadhig la diirtee

Midba derejo leeyahay

Dabar iyo mareeg iyo

Daba-gelis ma noqon karo.

Dulucdeedu waxay tahay;

Mar haddaad is dubateen

Aniguna danjire ahay

Wixii uu ka digay dhacay

Oo duudka laga jabay,

Intii aan ku digan laa

Beelahan dabsaarka ah

Ama ciil is dabi laa,

Dan baan mooday keligay

Inaan dibinta ruugoo

Dibaddaan u suudalay.

Afartaa dheh, “Deelleey!”

Dig siiyee ku soo noqo

Demmenaha warkiisii.

Raggu waa is dili jirey

Dibna wuu u kaban jiray

Duubiguu ka naaftee,

Weli dunida lama arag

Cudur aan dawo lahayn

Doqonniimo mooyee.

Naas dumar mid kee buu

Horraad iyo dambeed yahay

Isku moora duugtee,

Bal hadduu dirkaba yahay,

Wixii dhacay ma daw baa?

Nimaan ul iyo diir nahay

Oo dareen na kala galay

Ama daad na kala xidhay

U dabbaalo mooyee,

Ma dariiq kalaa furan?

Inkastooy dakano timi

Dubka iigu yaal baa

Ii dubaaxinaayoo,

Inuu ii darsanayana

Daah igama saarnoo

Anigaba docdiisii,

Dabayl bayga haysee,

Walaalkay hadduu diday,

Naag duddaa la celiyaa

Amba maan ka daba tago.

Dadka geelba sibir godan

Dembi looma saaree

Nin dembi lihi hadduu jiro

Oo daanta kale yahay

Boqollaal ka daran baan

Aniguba ku dayrree,

“Dibso!” maan idhaahdoo

Dabadhoonka geel iyo

Dabadeed la soo hadho

Dhallintiyo duqaytida

Inta daacaddee badan

Diinaari oo kale.

Dulucdeedu waxay tahay;

Isku duubni baa shalay

Lagu daabay gudintee,

Dhilataye maxaa dan ah?

Afartaa dheh, “Deelleey!”

Dig siiyee ku soo noqo,

Hebellada dulsaarka ah.

Waxa daaf bogsiin kara

Ninkii dooxa eelkee,

Dilka waxa balaysimay

Dulmigii la kowsaday

Calankaa deldelayoo

Qarankuna ku dumay shalay.

Ku darsoo xorriyaddii,

Kooxdii af-duubtay

Keligood u dihintoo,

Lama arag gu’ da’ayoo

Anigiyo doc wadhatada

Dushayada ku hooree,

Durbaduu curtaa baa

Gees loo duwaayoo

Dabadeedna mooyaan

Meel uu ku dacal dhabo.

Dulucdeedu waxay tahay;

Sidii gaalka loo diray

Ragga rag ah daruuraha

Dabayshaa u rimisee,

Xaggayaga dudduuc iyo

Ducashay ku fooshaan.

Wixii dalag ka beermana

Waxa loogu daw galay

Diir aan hanbayn iyo

Ayax daba-ka-yaab qaba

Oo gaws-dambeedyada

Dufankaw basaasiyo

Dalqadooda mooyee

Ninnaba u danaynnayn.

Mana laha dadweynuhu

Daribtays la dhacayaan

Nin sidaa u daya oo,

Duqii qabay islaantaa

Nagu sii dardaaroo

Iyagaa hilbaha duban

Da’ yar oo ku korayee

“Ha loo daysto” lagu yidhi.

Deegaanba awr baa

Ku kor doobinaayoo,

Waxay daawadaan hebel

Lagu yidhi dartiin baa

Duubka loogu xidhayoo,

La yidhaahdo, “Kama-dege”;

Durbaan bay u tumayaan

Intuu dooddiyaayoo

Hadday cidi danqaabtana

Dirir bay ka xigayaan;

Nin daardaari kara ma leh;

Marka uu duryaa baa

Laga daba qufacayaa.

Dadna waa hangoolkii

Maalin cidi dan leedahay,

Dalmarow la tabi jirey.

Maantana deyaankiyo

Digta kuu baxaysaa

Dushayday ku dhacayaan;

Dulin iyo qaniin baa

Igu deeddamaayoo

Dalooshuu is leeyahay

Ninba meesha ugu dagan

Ee dubkayga tuubbada

Degdeg looga sudhan karo.

Mana digigixoodoo

Duumadii qabiilkiyo

Maan-dooriyaa jira

Dedanaha sidayda ah

Damqashada ka bi’iyoo

Diciif loogu talo-galay.

Dulucdeedu waxay tahay;

Halkuu duro qaniinyada

Doolli baa afuufee,

Duurxulkaa igaga kulul

Daannada i gaadhoo,

Cudurdaar waxaa jira

Dakharkaad qabtee hore

Cay kuugu sii dara.

Afartaa dheh, “Deelleey!”

Dig siiyee ku soo noqo

Demmenaha warkiisii

Dadka waxa ka soo dhacay

Duruustii la barayoo,

Daarihii burburay shalay

Waxa maanta kaga daran

Iimaan darnaantiyo

Nabaad-guurka diintiyo

Kaga dhacay damiirkoo

Dal waxaan ku noolahay

Saddexdii dalaaqood

Lagu furay dadnimadii.

Dal waxaan ku noolahay

Runtu arag darraysoo

“Daaddihi!” la yidhi been.

Hadday dunida ceeb tahay

Dus-duskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan.

Nin dillaala mooyee,

Degmadaan ku noolahay

Nin “daryeel” yidhaahdaa,

Dulli buu ka qoran yahay.

Hebel laga ducaystiyo

Mana laha nin dooroo

Dayaxii u soo baxa,

Daamur baa la mariyaa.

Mooralkaana laga dilay

Danabyadii u kici laa,

Markii geela loo diray

Ninkii maqasha daayacay.

Ardayguna dedaalkiyo

Dugsigii hadduu gabay

Dilluu meel ka haystaa;

Waxaan daah ka saarrayn

Isagoon diktoor noqon

Inuu derejo tolan karo.

Oo doollar heli karo

Ama dayday noqon karo

Dabalaab ka xoogsada.

Hadday dunidu ceeb tahay

Dulmi loo badheedhaa

Dalkayaga ma libiqsado.

Nin kastoo dakano galay

Qoluu dabada geliyoo

Denbi dhacay mas’uul ma leh.

Markaad hebel duqaysaa,

Reer hebel damqanayaan.

Ninkii dood ka keenana

Dicaayado raqiis iyo

Waxaa lagu didsanayaa

Cid baa kaa dambaysoo,

Ninkii dooxi kara boog

Looma waayo daabaqad

Iyo qaar la daba gala.

Dunbuqayga hayska leh

Waxa loo dudduwayaa

Inuu yoolka dacal maro

Anna waan dhug daranahay.

Ninkii daynka iga qabay

Indhahaan ku deyi laa

Waxa aan u dabayaa

Mid sidayda dulugle ah.

Dab baan huri is leeyahay

Daadna waan ku furayaa

Markaan dami is idhaahdana

Gaas baan ku darayaa.

Daratiyo kud iyo caal

Kala dooro mooyee,

Marna waxa dubuurta ah

Ma idhaa ka digo rogo.

Deggenaanna uma dhalan

Dubbahaygu soo maqan

Lagu sii dareemoo,

Jeer dakharku igu dhaco

Kama sii digniin helo.

Darayana Allaa baday

Xaynta ii dareertoo

Intaan Daawad lala tegin

Uma baran daryeellee

Digdigtaan ku fiicnahay

Markay dhacanto dabadeed

Lagu baadi dooniyo,

Dugayeyda dhiillada.

Belo daaman-qabasho leh

“Daba qabo” nin yidhi baa

Ragna ugu aqoon daran.

Dulucdeedu waxay tahay;

Nacas hadalku kuma duxo

Doobir iyo nasiib badan

Oo shil Eebbe uga digey

Mooday inuu dedaal iyo

Dardartiisa kaga baxay.

Afartaa dheh, “Deelleey!”

Dig siiyee ku soo noqo

Taladii lagaa deday.

Dhabaq dooday baa yidhi:

Damcad lama wadaagee

Dano aan ku qabo baan

Dacarta uga guud baxay.

Anna waxaan ku dabo karay

Nimaad hal isku diiddeen

Dab cas lagama bixiyee

Ku dar talada weligaa

Docaa idin mideeyee.

Sida geel dar loo horay

Iska daba rakaataa

Dimuqraadi lagu yee,

Dermo harag sakaaroo

Isu daysta mooyee

Is dul buuxsha laga wacan.

Cod nimaan ku diri karo

Col haddaan u soo dumo

Waxuun bay u daran tahay

Ka dambaan halkiisii

In la doorto jecelahay.

Nin ku yidhi i daw mari

Duudsiguu tirsanayoo

Laga daaya mooyee

Wixii kaleba doog iyo

Dacar bay ku huriyaan.

Jirka deyrta hooriyo

Dirirrada gu’gii baa

Dunidaw sinnaynoo,

Cadli baa wax doojee

Wax kaloo rag deeqoo

Dadka lagaga eed baxo

Nin u doonay heliwaa.

Markuu buuxay doobigu

Nin danaystey keligii

Markuu daatay kula dhimo

Dhego uma daloolaan.

Nin dariiq xarriiqdaa

Garan kara dayowdee

Dhidarkii ku kacay danab

Doc kastaaba waw toos.

Nin dhegaa dabooshoo

Indhaa duubtay maqal iyo

Ma dareemo muuqaal.

Nin wax diiday oon wadin

Wax kaluu ka door biday

Wuxuu doonayaan jirin.

Degta qaran badh lagu sido

Badhna reerka soo degay

Yahay reerka daba yaal,

Hadduu kaaga jiro damac

Mid horaa ku dumay shalay.

Dulucdeedu waxay tahay;

Intaad Deylo qalataan

Inaad daraar ka maashaan

Dubaaqay ka weyntee,

Dadkaygaw mid soo gala!

Afartaa dheh, “Deelleey!”

Dig siiyee ku soo noqo,

Duulkan soo gadaal baxay.

Shalay daalinkaan riday

Dal baabu xukumayee,

Qaar daaqi xoolaha

Dekeddiyo madaarkii

Iyo dawladnimadii

Sarriftaa ka daba yimi;

Oo sida dawaarlaha

Ninba dhan u dillaacsaday

Degmedii ciddiisoo

Keligii ka diiq yahay,

Dabna wuu ku haystaa

Iyo dayday tababbaran,

Dakhli baa ka soo gala

Deriskana wax kuma falo.

Dhego ma leh war kama dego

Indho ma leh wax lagu dayo

Nabaddana dan kama laha.

Maydna way dul yaallaa

Aan duug is leeyahay;

Inuu igu dilaacana

Haddaan daaho la arkee.

Cudurkuna ka doco weyn

Dallacaad la bixiyiyo

Halka laga dayaayoo,

Dufan-jecel la koriyoo

Ka da’ weyn dhibaatadu

Duro iyo Dhegdheer iyo

Diin baa god goray galay

Goray baa god diin galay

Iska daba wareeggiyo

Hebello isu duur-xula.

Dulucdeedu waxay tahay;

Nin dawee la leeyahay

Denbi uu badh leeyahay,

Xalka doon la leeyahay

Isaguu u daran yoo,

Inuu daaro ma oggola

Daarraanta mililka leh,

Anna dayso ma oggoli

Deebaaqda igu mudan.

Talaa maanta ii daran

Talo duug ka hadhi karo

Oo dalabta lagu saxo.

Talo aan la duri karin

Talo aan dib loo arag

Hebella isu dooddiya

Oo shicibka dala’sada.

Waxaa maanta ii daran

Horta Nabadda doocaan

Nabad loo diyaar yahay;

Nabad diradiraaliyo

Nin dan lihi ku quustaan;

Nabad weysla daallee

Degganaansho lagu helo.

Waxa maanta ii daran

Inaan daaro ololkii

Ragga iga danbeeyaa

Ninba dogob kor dhigi laa.

Waxa maanta ii daran

Qaran haga dadweynaha;

Qaran damal sidiisii

Noo dallaalimeeyoo

Soo taabta darafyada;

Qaran aan dir-sooc jirin

Qaran aan ahayn dulin

Nabad-doonka beeshiyo

Raacatada dulsaar ku ah;

Qaran aan dirsada oo

Anigaysku kay dirin;

Qaran iigu soo dara

Aan iiga sii darin;

Qaran gudaha daafaca

Dibeddana aqoonsi leh.

Isku soo dabaal oo

Waxaan doonayaa qaran

Qaran dhaama kii dumay.

Dulucdeedu waxay tahay;

Diiri waa matoorkii

Dabka laga filaayee

Doorkan waxaan hubsanayaa,

Inuu leeyay daynabo.

Afartaa dheh, “Deelleey!”

Dig siiyee ku soo noqo

Ragga doorashada raba.

Ninka deyrtan maanta ah

U darraystay madaxnimo

Uba diidi maynnee,

Horta mee dadkii iyo

Dalkii uu xukumi laa?

Nin la yidhi na daadihi

Haddii layska dabo galo

Oon doohba cidi odhan

Damac waayi maayee,

Maxaa ii dammaanad ah

Haddaan Dahabo bixiyaba,

Inaan lagu durdurinayn?

Maxaa ii dammaanad ah

Damman wayska huruddaa

Xeerka loo dejinayiyo

Inaan qalinka lagu dagin?

Maxaa ii dammaanad ah

In dastuurka qiil jiro

Markay damacdo lagu furo?

Maxaa ii dammaanad ah

Nin doonaa ha mehershee

Inuu daacad yahayoo

Ajeenda u dahsoonayn?

Maxaa ii dammaanad ah

Qaran dumay inuu yahay

Nin daluun ka bixin kara?

Maxaa ii dammaanad ah

Dabka inuu ka dhigi karo

Dabatadu ka siman tahay?

Ma deggena badweyntuye,

Maxaa ii dammaanad ah

Duufaan hadduu kaco

Inuu doonni noqon karo,

Seebab lagu dabaasho leh?

Calankaan dorraad helay

Dafo igala booddaa

Kula maqan Dagaara e

Ninka doobta ridayaa

Sida haad ma duulaa?

Dulucdeedu waxay tahay;

Midho daray haddaan beri

Duudduub ku liqi jirey

Doorkan waxaan hubsanayaa

Dirxi inuu ku hoos jiro.

Afartaa dheh, “Deelleey!”

Dig siiyee ku soo noqo

Digniintaan ku siin jirey.

Dayo iyo sabeennaha

Daawo kama dhexaysee,

Haddii loogu daw-galay

Inaan dacawga weeraro

Malaa waxa ka door roon

Inaan doqonka eersado

Duunyada ku aamminay.

Ninka daabaddiisii

Duur-joogta aan geyin

U maxlalay dan kama lihi;

Waxsaan dood ka leeyahay,

Dhashooduu dafirayee,

Waxba yuu dirkood-ba’a

Dameeraha ku hiifine,

Geenyaduu ku daray baa

Dihatee ha eersado

Darmaantiisa hebedka ah,

Een daayin abidkeed

Baqal dugul madow oo

Daba-keena mooyee

Da’na aan wax khayr qaba

Hoosteeda laga deyin.

Dulucdeedu waxay tahay;

Ha ka uriso meel daran

Hal diiddani maqaarkee,

Dacarow, waxaa run ah

Hadday riyi dub leedahay

Dabaday ku qarin layd

Dadna barasho uma hadhin!

Maantana deyaankiyo

Ha ka doonnin meel dheer

Digta kuu baxaysee,

Kala-daadsanaantiyo

Habkii duunyo dhaqatada

Iyo kala-dambayntii

Lagu dayan lahaabaa

Isku kay dul haystoo

Jeer oo dad aan helo

Dawladnimada hanan kara,

Daw baan u leeyahay

Inaan dabada giijee,

Kuumaan dardaarwerin

Kuuna dayrin maayee

Wuxuun baan ka digayaa

Inaanu u daruurayn

Cirka aad inuu da’o

Ku ducee i leedahay.

Email: Mohamedmmccc@gmail.com

posted from Bloggeroid

Featured Post

Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53

Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...

Popular posts