Friday, January 29, 2016
RIYADII MIDAWGII SOOMAALI-WEYN EE SUURTO GELI WEYDAY!!!
RIYADII MIDAWGII SOMAALI-WEYN EE SUURTO-GELI WAYDAY
Aduunyada waxa ka socda tartano nololeed. Tartanadaas oo ah kuwo qaarad, dal, gobol, tuulo iyo degmo waloo caalamka ka tirsani ay kula tartamayso qayrkeed dhinaca diinta, afka, magaca, hidaha, dhaqanka iyo sooyaalka taariikheed ee goonida u ah rabtana sidii ay kor ugu qaadi lahayd mar walbana mudnaanta, magaca iyo wanaaga muuqda ee nolosha waayaheeda ku lifaaqan ay u kasban lahayd.
Hadaba Soomaali hadaynu nahay maanta iyada oo aynu waayaha iyo waxa aduunka ka socda u wada war hayno dhamaanteena aynu goob joog u wada nahay kaalinta liidata ee aynu kaga jirno nolosha iyo sidaynu u seegnay sumcadii iyo karaamadii ay umadi dunida guudkeeda ku joogi jirtay gondaheenana colaad, dagaal, dulmi, duudsi, xumaan iyo gedaadid wanaag loogu daw galay oo taariikh aan wanaagsanayn maanta meel walba laynaga dhigay, wajigeenuna tilmaamayo inaynu ka qadnay taladii iyo tusaalihii aynu caalamka maanta ku lahayn, waxa la doonayaa in sidan si dhaanta talo toosan looga qaato balse aan lagu sii jirin.
Noloshuna sideedaba way balaadhantahay balse waxay tix raacdaa hadba sida bilawgeedu yahay. Hadaba taariikh iyo sooyaal ayaynu leenahay bal hadii aynu dib u jaleecno waxa jirtay sanadkii 1960kii Somaliland iyo Somalia oo ka mid ahaa shantii Somali ay midoobeen calan qudha iyo dawladnimana wada yeesheen si horseed ay ugu noqdaan midawgii Somaliweyn oo ka koobnaa (Somaliland, Somalia, Djibouti, NFD iyo Kilidhka shanaad); balse markaa Djibouti Faransiisku gumaysanayay, NFD sidoo kale Ingiriisku gumaysi kooto ah ku haystay, Ismaamulkii Kilidh-ka shanaad ee Soomaalidana uu Ingiriisku sanadkii 1954kii saxeexay inay dhul Ethiopia ka mid ah tahay. Si kastaba ha ahaatee sanadkii 1963kii ayaa dalka Kenya Xornimadeedii heshay; NFD oo ingiriisku gumaysi ku haystayna waxa uu wakhtigaa ku daray dalka Kenya oo uu u saxeexay inay tahay gobol dalkaa ka mid ah. Iyada oo halkaa maraysa midawgii Somaliweyna NFD ay seegtay oo ay ku abtirsatay gobol ka mid ah Kenya, ayaa sanadku markuu ahaa 1977kii waxa dhacay laba arimood oo kala ahaa; Faransiiska oo siiyay istiqaaladii dalka Djibouti iyo dagaalkii Somalia ay ku qaaday dalka Ethiopia ee la rabay in lagu soo xoreeyo dalkii Soomaaliyeed ee Kilidhka shanaad. Hadaba dagaalkaas waa la ogaa caalamku siduu ugu hiiliyay dawlada Ethiopia, taasoo aynu ku seegnay xorayntii Kilidhka shanaad; dhanka kalena aynu seegnay Djibouti oo iyana Somaliweyn ku abtirsata sidii laga sugayay balse uga adkaysatay ka dib markii ay aragtay isla wakhtigaa maamul xumadii iyo colaadii soo ifbaxday ee taliskii markaa haystay uu kula kacay umada.
Hadaba Somaliweyn oo wakhtigaa midawgeedu ku koobnaa Somaliland iyo Somalia, saddexdii dal ee Djibouti, NFD iyo Kilidhka shanaadna ay suurtoobi wayday in ay ku abtirsadaan midawgii Somaliweyn oo biir ku ahayd shanta dal balse aan taabo galin; dhamaana la ogaa cadaawadii iyo colaadii ba'nayd ee ka dhalatay midaw raadiskaa iyo qabiilaysigii saamaynta ku yeeshay xasuuqyo iyo xabaalid loo gaysto beelo ka tirsanaa dalkii markii hore midawga u heelanaa ee Somaliland; wakhtigaana loo yiqiinay gobolada woqooyi ee Somalia oo maamulkii markaa talada dalka haystay uu go'aano badan oo ka dhana qawmiyadaa gaadhay, ka dibna markii dambe ee colaadii sii badatay ay dhaceen dagaalo gumaysiga taliska lagaga soo horjeedo oo Somaliland ay ku raadinaysay xoriyadeedii ka luntay 1960kii; isla markaana sanadkii 1991kii ay labadaa dawladood ku kala baxaan calankii iyo dawladnimadii ay wada haysteen oo Somaliland u ahayd sanadkii ay xoriyadeedii kala soo noqotay Somalia.
Wakhtigan maanta la joogo waxaan la yaabaa dadka go'aankoodu yahay in shantii Somaliweyn la mideeyo; iyada oo wakhtigaa hore midawgoodu suurto gal noqon waayay colaado iyo cadaawado farabadanina soo kala dhexmareen. Ma aaminsani maanta inay Somaliweyn isku soo noqon doonto, hadii go'aankaa Somaliweyn la daba socdana waxa aan hubaa inay colaada dhextaala umada Soomaaliyeed ay intan kasii badanayso. Ilmaha dambe ee dhalan doonaana uu colaadan tu kasii daran ku garaadsan doono oo uu isna halkaa ka sii wadi doono.
Hadaba sharafta Soomaalidu waxay maanta kusoo noqon karaysaa iyada oo shantii dal (Somaliland, Somalia, Djibouti, NFD iyo Kilidhka shanaad) ee markii hore la kala ahaa lagu kala joogo; waxana ay maslaxad u tahay magaca Soomaali oo sidaan hore usoo sheegay aduunwaynaha laga aaminsanyahay argagixiso, gaajo, guluf, colaad socota iyo dad dagaal ku waabariista waagii yimaadaba.
Dhanka kale sharafta Soomaali maanta waxay kusoo noqon karaysaa iyada oo la isu tanaasulo oo xiqdiga iyo xaasidnimada meesha laga saaro, dadka inta tashatayna loo huro fikir iyo ficilba oo waxay dalbanayaan aan laga horjoogsan. Somalia oo maanta ah dal aduunka kaga magac doonata midaynta Somaliweyn balse aan awood u lahayn, waxaan u sheegayaa inay ka taliso aayaha dambe oo ay walaalahood Somaliland maanta aqoonsiga ay ka dalbanayaan u saxeexdo uguna hambayso sidii ay markii hore ugu liseen ee ay ugu hanka waynaayeen dawlad Somaliweyn ku midawdo ee ay dawladnimadoodii ingiriisku siiyay uga doorbideen Soomaalinimada iyo dugsiga dadkaa ay isku diinta yihiin.
Walaalaha Somaliland waa dad wanaagsan oo aad u calool furan, waxa aan maanta hubaa hadii Somalia ay siiso aqoonsiga ay ka hor taagantahay in ay iyaguna ku gargaari doonaan cudud xoogan oo ay kaga saarto wixii argagixiso ah ee aaya tiray dalka Somalia; nabadna ka dhalin doonaan oo ay halkaa ka bilaabmi doonto walaaltinimo iyo laba wadan oo aduunwaynaha isugu jecel, jaar ah isku diina isku dhaqana isku afna ah oo xuduudi ka dhaxayso; mabda'ooduna ahaado inay wada dufaacdaan diintooda oo aan gaaladu u haad helin. Lkiin Somalia hadii ay rabto inay colaadu sii xoogaysato waa hadii ay maanta walaalahood ka hor joogaansadaan waxay ka doonayaan, hadii ay walaalnimo iyo shan Somaliweyn oo sabanada dambe markay colaadu tirtiranto midooba ay rabtana waa hadii ay walaalahood siiyaan waxa ay maanta ka tabanayaan oo gabigeeduba ah sidii ay 60kii ugu liseen inay ugu hambeeyaan oo ay u qiraan dawladnimadooda iyo horumarka ay ku talaabsadeen, aqoonsigana ku dhawaaqaan.
Maanta Reer galbeedku waxay dagaal hoose kula jiraan diinta Islam-ka iyo inta ku abtirsata Muslim sidii ay u baabiin lahaayeen, taasoo maantana dagaalka Somalia ka socda ee mudadaa 25ka sanadood ah ay ka dambeeyeen dawladahaa waawayni oo aan hubo hadii uu caqliga Somalidu taliyo in laga gudbi doono heerkaa colaadeed iyo burburkaa wadamada qaar ka taagan oo loo gudbi doono heer maslaxad u ah diinteena oo dhamaan aynu wada dufaacano magaca inaga dhaxeeya ee Soomaali; aakhirkana aynu u dayno caruurteena dambe marka ay wanaaga ku garaadsadaan inay iyagu heshiiyaan oo ay Somaliweyn isla afgartaan.
Guntii iyo gabagabadii hadalkayga waxaan raacinayaa inay dalalka Soomaalidu taageeraan qadiyada iyo jiritaanka Somaliland oo ay ka kow tahay Somalia si ay inoogu rumoobaan intaa aan kor kusoo sheegay Marka ay sidaasi dhacdo waxaan hubaa Somaliland hadii loo saxeexo aqoonsiga sidaan kor kusoo xusay inay cudud dhaqaale, fikir iyo ficilba gashan doonto dalka Somalia oo ay nabad ka dhalin doonaan.
Somaliland iyana waxaan odhanayaa ka gacan-siiya walaalihiina somaaliyeed siday aayahooda uga tashan lahaayeen una mari lahaayeen dariiqaad horumarka ku gaadheen, iyaguna wax ha idinka bartaan.
Hana laga daayo digashada iyo sida ay maanta u muuqato ee ah.
WAA LAGU DIGTAA RUUX HADUU KUU DARAAN JIRAYE BAL DAYAAY WADAADKII WAA KAA SII DABAYSHADE!!!!!
Ka maanta arimaheena gacanta ku hayaa waa ilaahay; waxaan ka baryayaa inuu inaga yeelo mar walba kuwii diintooda dhinac ka wada dufaacda ee aan iyagu ka gudbin xuduuda Islam-nimo ee qiraysa inaan qof Muslim ah lagu dilin xaqdaro. Waxaan ilaahay inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii wax isu ogolaada balse aanu xisti kala daadin libinta ay hanteen. Alle ha isu keen soo hadeeyo oo ha inaga yeelo shan daloo xuduud wada leh horumar iyo hor u socodka midkeen gaadhaana ina wada farxad galiyo.
Allaa Mahad Leh
W/Q. mohamed mahad muhumed (mmm)
E-mail. Mbidixo@hotmail.com

Saturday, January 23, 2016
MAXAAD KA TAQAAN SHINBIRKA GUUGUULE
Guuguule waaa shinbir ka mid ah kuwa ugu caansan geyiga soomaaliyeed iyo dhulalka carbeed, guuguuluhu wuxuu ka mid ahaa ciidamadii nebi sulaymaan (as) u adeegi jiray, guuguulaha waxaa illaahay hibo u siiyay inuu sahamiyo ama ogaado qadhaabka dhulka hoostiisa ku jira sida xayawaanada yar-yar ee shinbiruhu badanaaba quutaan isagoo isticmaalaya dhegihiisa aad u feejigan, kuna dhego-dhegaynaya hadba halkuu quud kala soo bixi karo illaahayna awood u siiyay inuu maqlo shanqada xayawaanka uu ugaadhsado sida dirxiga dhulka ku hoos nool.
Shinbirka guuguulaha waxay soomaalidu u taqaan shinbirka colaada, ama inuu yahay mid Guhaan oo sii sheega wax soo socda sidoo kalana ka faalooda xaajo markaas taagan.
Waa kii abwaankii soomaaliyeeed yidhi isgagoo la hadlaaya guuguule geed uu hadhsanayey korkiisa ku taagnaa xili abaar xumi jirtay.
Abwaan. Ismaaciil mire
Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso,
Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gabooyahan ku madhan gama’ la’aan diiday,
Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo’laysay,
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaadhsiiyo,
Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye,
Giddigood addoomaha waxaa gaadhay nabar weyne,
Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e,
Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye,
Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye,
Tuuladay il-gabadhlaynayaan gobol barbaartiiye,
Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline,
Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne,
Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye,
Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye,
Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye,
Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde,
Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa hadhaye,
Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye,
Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene,
Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode,
Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye,
Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye,
Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye,
Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye,
Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye,
Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye,
Basaas bay timihii uga go’een gaaridii dumare,
Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane,
Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye.
Garad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye,
Cood kama gurxamo dooxaddii garada fiicnayde,
Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go’ayaane,
Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la’aaneede,
Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye,
Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e,
Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye,
Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye,
Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne,
Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo,
Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye,
Gaagaabso oo aamu yaan gaadh lagaa qabane!!!

Friday, January 22, 2016
SHEEKADII WADAADKA WAAR YAA EEDAAMAY? ISKA DAAYA AQIINKAAN KU GARANE
DIIWAANKA QOSOLKA Waa Sheeko ku jirta Buuga Diiwaanka Qosolka. Aqiinkaan Ku Garan ee Iska Daaya!!!. Intii aan Buugga Arag ama sheekadan arag: Hadaba Nin baa masaajid ka eedaami jirey oo uu mu'addin ka ahaa. Subaxdii ayuu wadaadku seyladda xoolaha u dillaal tegi jirey, si uu quutal daruurigiisa uga soo saaro. Dharaarba waxa uu iibiyaa xoogaa xoolo ah oo dillaalka uga soo baxaa kaga beegmo biilka qoyskiisa. Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa suuqii xooluhu xumaanayaa oo waxba laga iibsan waayey wadaadkii. Wuu yaabayaa oo talaa ku caddaanaysa. Isaga oo gadhkiisii u ekaa sonkorta iyo shaaha madow ee la isku daray rifaya oo bidaar aad mooddo madaar diyaaradi soo degayso kolba salaaxaya, ayuu u tegayaa dillaal kale si uu bal xaalkiisa isna wax uga ogaado oo hadduu wax dhaamo bal shaxaad iyo qadadiisa ugu yaraan uga helo. Haddaba intaanu u tegin ayuu laba orgi oo loo sii dhiibtey oo laga iibsan waayey meel ku sii xidhayaa. Ninkii dillaalka ahaa ayuu cabbaar ag joog joogayaa, waxaanu mu'addinkii ogaanayaa in aanu kan laftiisu isaga waxba dhaamin oo isba maanta qatan yahay. Waxa uu ku laabanayaa halkii labada orgi ugu xidhnaayeen. Markuu meeshii soo gaadho ayaa wuxuu arkayaa labadii orgi ee uu kaga tegey oo aan meeshii kuba xidhnayn. Cabbaar buu baadh-baadhayaa ilaa marka danbe arkayo iyadoo ay labadii orgi adhi kale ku dhex jiraan. Ninkii adhiga watey buu ku qabsanayaa oo ku odhanayaa, "Waar xaggee baad ka keentay labadan orgi", ninkiina wuxuu farta ugu fiiqayaa dillaalkii ka iibiyey. Dillaalkii kale ayuu kalladhka laacayaa oo ku odhanayaa "maxaa kuu geeyey labadaydaa orgi"! Halkii baa la isku dilayaa oo ninkii wadaadka ahaa budh ku dhufanayaa dillaalkii ilaa uu ugu tuuray oo gaggabiyey. Wadaadku waxa uu dabadeed ka daba tegayaa kii labada orgi laga iibiyey oo isaganiina is qabsanayaan markuu ku yidhaahdo dee lacag baa la iga siiyey. Halkii buu kiina budh la dhacayaa oo ugu tuurayaa. Waxa uu isku deyayaa inuu soo qabto labadii orgi. Mid baa ka cararaya oo mu'addinkii kolba dhinac uga boodaya. Wuu qaban kari waayayaa, ka dib buu intuu ka dabo cararo geeskaa budkii kaga dhufanayaa oo isagiina gaggabinayaa. Ninkii oo xanaaqsan oo labadaa qawlal ka xunbeynaya oo gawnaxyada cadho la buuraya, ayaa is ogaanaya oo ku baraarugaya salaaddii oo xilligeedii soo dhowaadey. Xaggii masaajidka ee uu ka eedaami jirey ayuu is odhanayaa bal ku carar intaan la gaadhin xilligii eedaanka. Kiiyoo budhkii adhaxda haysta oo sii socda oo isla sheekaysanaya oo xanaaqsan, ayaa wuxuu maqlayaa masaajidkiisii uu ka eedaami jirey oo laga eedaamay. Isagoo muraaradillaacsan ayuu soo gaadhayaa masaajidkii oo eedaankii la dhammeeyey oo lagu jiro wakhtigii yaraa ee u dhaxaysay marka eedaamku dhaco iyo intaan salaadda la bilaabin oo ay dadka qaar laba ragcadood oo sunna ah iska sii tukanayaan. Intuu hor istaagey meel ku dhow halkii sheekha dadka tujinayaa istaagi jirey ayaa isagoo labada daanba ka xunbaynaya oo budhkiisina dhexda haysta odhanayaa: "Waar Yaa eedaamay"! Juuqla'! Haddana wuu ku celinayaa"Waar yaa eedaamay baan idin idhi"! Yaab iyo naxdin ayaa lala aamusayaa! Inta uu baalla daymood doc kasta indhaha ku ekeeyo, ayuu odhanayaa: "Iska daaya aqiinka ayaan ka garane, kol hadaad jawaabi weydeen". Sababtoo ah ninkii eedaamay ayaa yaalaaba aqiinta salaadda ka hor sameeya, halkaasuuna rabey inuu ka daalacdo kii eedaankiisii isku taataabtay, si uu isagana budh ula dhaco. Hab Adeegsiga Sheekada Sheekadan dhowr siyaabood ayaa loo adeegsan karaa. Mar waxaad isticmaali kartaa marka waxba laguu sheegi waayo ee aad leedahay kolay anigaa iska garan doonee iska daaya. Waxa kale oo la adeegsan karaa xaaladaha inta badan la isku xanaaqo ee arrinku gurracan yahay. Midda kale waxaad adeegsan kartaa marka arrimahaagii ay cid kale faraha la gasho oo aad odhan kartaa "Waar horta yaa eedaamay" ama "iska daaya aqiinkaan ku garane."
SHEEKADII WADAADKA WAAR YAA EEDAAMAY? ISKA DAAYA AQIINKAAN KU GARANE
DIIWAANKA QOSOLKA
Waa Sheeko ku jirta Buuga Diiwaanka Qosolka.
Aqiinkaan Ku Garan ee Iska Daaya!!!.
Intii aan Buugga Arag ama sheekadan arag:
Hadaba Nin baa masaajid ka eedaami jirey oo uu mu'addin ka ahaa. Subaxdii ayuu wadaadku seyladda xoolaha u dillaal tegi jirey, si uu quutal daruurigiisa uga soo saaro. Dharaarba waxa uu iibiyaa xoogaa xoolo ah oo dillaalka uga soo baxaa kaga beegmo biilka qoyskiisa. Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa suuqii xooluhu xumaanayaa oo waxba laga iibsan waayey wadaadkii. Wuu yaabayaa oo talaa ku caddaanaysa. Isaga oo gadhkiisii u ekaa sonkorta iyo shaaha madow ee la isku daray rifaya oo bidaar aad mooddo madaar diyaaradi soo degayso kolba salaaxaya, ayuu u tegayaa dillaal kale si uu bal xaalkiisa isna wax uga ogaado oo hadduu wax dhaamo bal shaxaad iyo qadadiisa ugu yaraan uga helo. Haddaba intaanu u tegin ayuu laba orgi oo loo sii dhiibtey oo laga iibsan waayey meel ku sii xidhayaa.
Ninkii dillaalka ahaa ayuu cabbaar ag joog joogayaa, waxaanu mu'addinkii ogaanayaa in aanu kan laftiisu isaga waxba dhaamin oo isba maanta qatan yahay. Waxa uu ku laabanayaa halkii labada orgi ugu xidhnaayeen. Markuu meeshii soo gaadho ayaa wuxuu arkayaa labadii orgi ee uu kaga tegey oo aan meeshii kuba xidhnayn. Cabbaar buu baadh-baadhayaa ilaa marka danbe arkayo iyadoo ay labadii orgi adhi kale ku dhex jiraan. Ninkii adhiga watey buu ku qabsanayaa oo ku odhanayaa, "Waar xaggee baad ka keentay labadan orgi", ninkiina wuxuu farta ugu fiiqayaa dillaalkii ka iibiyey.
Dillaalkii kale ayuu kalladhka laacayaa oo ku odhanayaa "maxaa kuu geeyey labadaydaa orgi"! Halkii baa la isku dilayaa oo ninkii wadaadka ahaa budh ku dhufanayaa dillaalkii ilaa uu ugu tuuray oo gaggabiyey. Wadaadku waxa uu dabadeed ka daba tegayaa kii labada orgi laga iibiyey oo isaganiina is qabsanayaan markuu ku yidhaahdo dee lacag baa la iga siiyey. Halkii buu kiina budh la dhacayaa oo ugu tuurayaa. Waxa uu isku deyayaa inuu soo qabto labadii orgi. Mid baa ka cararaya oo mu'addinkii kolba dhinac uga boodaya. Wuu qaban kari waayayaa, ka dib buu intuu ka dabo cararo geeskaa budkii kaga dhufanayaa oo isagiina gaggabinayaa.
Ninkii oo xanaaqsan oo labadaa qawlal ka xunbeynaya oo gawnaxyada cadho la buuraya, ayaa is ogaanaya oo ku baraarugaya salaaddii oo xilligeedii soo dhowaadey. Xaggii masaajidka ee uu ka eedaami jirey ayuu is odhanayaa bal ku carar intaan la gaadhin xilligii eedaanka. Kiiyoo budhkii adhaxda haysta oo sii socda oo isla sheekaysanaya oo xanaaqsan, ayaa wuxuu maqlayaa masaajidkiisii uu ka eedaami jirey oo laga eedaamay. Isagoo muraaradillaacsan ayuu soo gaadhayaa masaajidkii oo eedaankii la dhammeeyey oo lagu jiro wakhtigii yaraa ee u dhaxaysay marka eedaamku dhaco iyo intaan salaadda la bilaabin oo ay dadka qaar laba ragcadood oo sunna ah iska sii tukanayaan. Intuu hor istaagey meel ku dhow halkii sheekha dadka tujinayaa istaagi jirey ayaa isagoo labada daanba ka xunbaynaya oo budhkiisina dhexda haysta odhanayaa: "Waar Yaa eedaamay"! Juuqla'! Haddana wuu ku celinayaa"Waar yaa eedaamay baan idin idhi"! Yaab iyo naxdin ayaa lala aamusayaa! Inta uu baalla daymood doc kasta indhaha ku ekeeyo, ayuu odhanayaa: "Iska daaya aqiinka ayaan ka garane, kol hadaad jawaabi weydeen". Sababtoo ah ninkii eedaamay ayaa yaalaaba aqiinta salaadda ka hor sameeya, halkaasuuna rabey inuu ka daalacdo kii eedaankiisii isku taataabtay, si uu isagana budh ula dhaco.
Hab Adeegsiga Sheekada
Sheekadan dhowr siyaabood ayaa loo adeegsan karaa. Mar waxaad isticmaali kartaa marka waxba laguu sheegi waayo ee aad leedahay kolay anigaa iska garan doonee iska daaya. Waxa kale oo la adeegsan karaa xaaladaha inta badan la isku xanaaqo ee arrinku gurracan yahay. Midda kale waxaad adeegsan kartaa marka arrimahaagii ay cid kale faraha la gasho oo aad odhan kartaa "Waar horta yaa eedaamay" ama "iska daaya aqiinkaan ku garane."
Friday, January 15, 2016
MADAXWAYNE ANSIXINTA MIISAANIYADA KORODHAY EE WAX-KA BEDELIN NOLOSHOODA BULSHADU KUMA BAAHI BAXAYSO
Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane. Axmed Maxamed maxamuud ayaa wuxuu dhaqan galiyay miisaaniyas sanadeedka 2016 ee golaha wakiiladu ansixyeen. isaga oo digreeto madaxwaynuhu ku dhaqan Galiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka 2016ka oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiiladu somaliland. Warsaxaafadeed 9/1/2016 ka soo baxay qasriga madaxtooyada somaliland. Kaas oo u dhignaa sidan. Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland, mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo waxa digreeto madaxwayne oo sumadeedu tahay JSL/M/DIC/249-3766/012016 ku dhaqan galiyay miisaaniyad sanadeedka 2016-ka. Madaxwaynuhu markuu arkay qodobka 75aad ee dastuurka jamhuuriyada somaliland; Markuu arkay go,aanka golaha wakiilada, Go,aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016. Ee ku taariikhaysan 03/1/2016ka ee ay ku ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka 2016ka ee dawlada dhexe, hay,adaha madaxa banaan, dawladaha hoose, dakhliga deeqaha caalamiga ah, dakhliga mashruuca maamul daadejinta; wuxuu soo saaray. Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka miisaaniyad sanadeedka 2016ka. Hadii aan intaas ku soo koobo hordhaca aan gunti-furka uga dhigay dulucda ujeedadayda. tan iyo maalintii ay xukuumada kulmiye majaraha dalka qabatay ayaa waxa isa soo tarayay hadal-haynta korodhka miisaaniyada taas oo ay ku faanto xukuumada talada haysaa. Hadaba waxaa su,aashu tahay maxaa iska badalay nolosha aasaasiga ah ee qofka, bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha,laydhka.? Jawaabta su,aashaydu u taalaa dadwaynaha. Taas oo aniga fikir ahaan iila muuqata inaanay haba yaraatee wax la taaban karo ku yeelan nolosha qofka muwaadinka. waayo, hadii aan tusaale u soo qaato, Waxbarashada, iyo caafimaadka; 1.waxbarashada wuxuu madaxwaynuhu balan-qaaday in bilaash wax loogu dhigo ardayda dhigata iskuulada dawliga ah, ee ubadkeena wax lagu baro taas oo noqotay wax aan dhaqan-gelin marka laga reebo mudo yar oo kooban, kuna noqotay sidii hore oo maanta waxbarashadu ilmahu ku tiirsan tahay qoyska. 2.Caafimaadka, cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa tan iyo maalintii xukuumada kulmiye dalka qabsatay ka hor Irbada Ampicillinta ah waa la iibsanay, maantana waa sidii oo wax saamayn ah kumay yeelan korodhka miisaaniyadu, iyadoo maantana qofka bukaanka ahi jeebkiisa ka bixiyo wixii ku baxaya caafimaadkiisa. Hadaba tookha iyo faanka dhegaha loogu ridayo bulshada tabarta daran ee wax-qabadka uga fadhiya madaxwayne xukuumadaadu, ma ku baahi baxayaan hadal-haynta miisaaniyadii somaliland cirkay maraysaa oo aan noloshooda wax saamayn ah ku lahayn, taas oo la mid Aabe geel badani u dhalay oo aan ubadkiisuna hadhuub xoor leh wali ka dhamin. Waxa dawladi horumartaa marka ay ka jawaabto baahida umadeeda, faankuna u banaan yahay. E waxba tari mayso nolosha ah, WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON!!! Madaxwayne adigaa lagaa fadhiyaa gudashada ka jawaabida baahida qofka muwaadinka ah, iyo wax ka badalka siday wax u socdaan. W/Q. MOHAMED MAHAD MUHUMED (MMM). Allaa mahad leh
MADAXWAYNE ANSIXINTA MIISAANIYADA KORODHAY EE WAX-KA BEDELIN NOLOSHOODA BULSHADU KUMA BAAHI BAXAYSO
Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane. Axmed Maxamed maxamuud ayaa wuxuu dhaqan galiyay miisaaniyas sanadeedka 2016 ee golaha wakiiladu ansixyeen.
isaga oo digreeto madaxwaynuhu ku dhaqan
Galiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka 2016ka oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiiladu somaliland.
Warsaxaafadeed 9/1/2016 ka soo baxay qasriga madaxtooyada somaliland.
Kaas oo u dhignaa sidan.
Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland, mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo waxa digreeto madaxwayne oo sumadeedu tahay JSL/M/DIC/249-3766/012016 ku dhaqan galiyay miisaaniyad sanadeedka 2016-ka.
Madaxwaynuhu markuu arkay qodobka 75aad ee dastuurka jamhuuriyada somaliland;
Markuu arkay go,aanka golaha wakiilada,
Go,aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016.
Ee ku taariikhaysan 03/1/2016ka ee ay ku ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka 2016ka ee dawlada dhexe, hay,adaha madaxa banaan, dawladaha hoose, dakhliga deeqaha caalamiga ah, dakhliga mashruuca maamul daadejinta; wuxuu soo saaray.
Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka miisaaniyad sanadeedka 2016ka.
Hadii aan intaas ku soo koobo hordhaca aan gunti-furka uga dhigay dulucda ujeedadayda.
tan iyo maalintii ay xukuumada kulmiye majaraha dalka qabatay ayaa waxa isa soo tarayay hadal-haynta korodhka miisaaniyada taas oo ay ku faanto xukuumada talada haysaa.
Hadaba waxaa su,aashu tahay maxaa iska badalay nolosha aasaasiga ah ee qofka, bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha,laydhka.?
Jawaabta su,aashaydu u taalaa dadwaynaha.
Taas oo aniga fikir ahaan iila muuqata inaanay haba yaraatee wax la taaban karo ku yeelan nolosha qofka muwaadinka.
waayo, hadii aan tusaale u soo qaato,
Waxbarashada, iyo caafimaadka;
1.waxbarashada wuxuu madaxwaynuhu balan-qaaday in bilaash wax loogu dhigo ardayda dhigata iskuulada dawliga ah, ee ubadkeena wax lagu baro taas oo noqotay wax aan dhaqan-gelin marka laga reebo mudo yar oo kooban, kuna noqotay sidii hore oo maanta waxbarashadu ilmahu ku tiirsan tahay qoyska.
2.Caafimaadka, cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa tan iyo maalintii xukuumada kulmiye dalka qabsatay ka hor Irbada Ampicillinta ah waa la iibsanay,
maantana waa sidii oo wax saamayn ah kumay yeelan korodhka miisaaniyadu, iyadoo maantana qofka bukaanka ahi jeebkiisa ka bixiyo wixii ku baxaya caafimaadkiisa.
Hadaba tookha iyo faanka dhegaha loogu ridayo bulshada tabarta daran ee wax-qabadka uga fadhiya madaxwayne xukuumadaadu, ma ku baahi baxayaan hadal-haynta miisaaniyadii somaliland cirkay maraysaa oo aan noloshooda wax saamayn ah ku lahayn, taas oo la mid Aabe geel badani u dhalay oo aan ubadkiisuna hadhuub xoor leh wali ka dhamin.
Waxa dawladi horumartaa marka ay ka jawaabto baahida umadeeda, faankuna u banaan yahay.
E waxba tari mayso nolosha ah,
WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON!!!
Madaxwayne adigaa lagaa fadhiyaa gudashada ka jawaabida baahida qofka muwaadinka ah, iyo wax ka badalka siday wax u socdaan.
W/Q. MOHAMED MAHAD MUHUMED (MMM).
Allaa mahad leh
Thursday, January 14, 2016
WAA MAXAY HOGAAMIYE(LEADER)?
Waa Maxay Hogaamiye? Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa u horqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo samo- katalinta. Waxaana la hogamiyaa bani aadamka uu Ilaahay garashada siiyay, kuna abuuray doonida iyo jacaylka waxa wanaagsan oo kaliya. Sidaa darteed xoolaha lama hogaamiyee waa lakaxeeyaa, ama gadaal baa laga cadaadiyaa si ay usocdaan. Ummadkasta oo rabta inay gaarto Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh tilmamihii hogaamiye-nimo, ee Ummada lagu horseedi lahaa. Hadii kalase Ummadii way gablamaysaa ama agoomoobaysaa, waxaana ka lumaya jidkay qaadi lahayd, waxayna daba martaa dhinacay ku badbaadi lahayd. Waxaana dhici karta inay iyadii is cunto, iska hortimaado, isdisho, kadibna ay dhumiso jiritaankeedii, sumcadeedii iyo Qaranima-deedii inataba. Waxaa lays weydiin karaan Ummadi manoolaan kartaa Hogaan la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhicikarto inay jirto, noolaato, horumar samayso Ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda kataliya, magaceeda iyo sumcadeeda kor uqaada. Hogaanku wuxuu u yahay Ummadaha sida uu maduxu u yahay Jirka intiisa kale, waxaana inoo cad in Jir aan madax lahayni uusan noolaan karin, sidaa oo kale ayayna unoolaan karin Ummad aan Hogaan wanaagsan lahayni. Tusaale kale hadaan soo qaadano; Ummadu waxay lamid tahay dad saaran Doon, rabana inay Wabi weyn gudbaan /talaabaan, waxaana qassab ah inay haystaan Darawal ay kukalsoon yihiin, isaguna daacad uah, sifiican uyaqaana wadida doonta, garashana uleh siday dadku Wabiga iyogoo nabad ah utalaabi lahaayeen. Caddaynta ugu weyn ee taa aan usoo qaadan karraa waa in Markuu Rasuulkeenii Suubana (scw) dhintay, Saxaabadii ayna kudegdagin inay duugaan Meydka aadka usharafta badan, iyagoon dooranin Khaliifa/ Hogaamiye Ummada majaraha uqabta. Saddex maalmood ayayna wadeen wadatashi iyo loolan hogaamiye doorasho. Waxayna doorteen Abuubakar Alsidiiq, Rabbi haka raali noqdee, isaga ayaana qabtay Khaliif-nimadii ummada, loogana amar qaatay sidii Rasuulka (scw) loo duugi lahaa lafteeda. Waxaa kaloo taa sii caddaynaya inuu Rasuulku (scw) yiri (hadday saddex qof Safar ubaxaan ha doorteen Amiir/ Hogaamiye talada uqabta) siayna isaga hor imaanin. Maxaayeelay Ilaahay wuxuu ubuuray shaykasta Nidaam isku xirnaan, iskaalmayn, kala danbayn iyo isdhamaystir. Waana sida uu Rabbi udhisay Cirka iyo Dhulka, Badda iyo Barriga, Buuraha iyo Dooxooyinka iwm. Intaa aan soo sheegnay iyo dhamaan Unugyada kale ee Aduunku way iswada dhamaystiraan, waxayna leeyihii system ay kukala socdaan, kuwada shaqeeyaan, midwalibana keeno kanlkale intii ka dhimanayd ama intii isaga looga baahnaa, isagoon kuwii kale dhibin, kana hor imanin. Sidaa oo kale ayaana Ummada looga baahan-yahay inay yeelato Hogaan kala-haga, isku xira, danaheedii guud ilaaliya, qaybkasta oo Bulshada kamid ahna amra inay kasoo baxdo shaqadii ay lahayd, iyadoon kahor imaanin qaybihii kale ee bulshada. Sidaa darteed waxaa hubaal ah in haday Ummadu weydo Hogaan fiican, oo Caqli, Cilmi, Xilkasnimo iyo daacadnimo isku darsaday inay jabayso baaba´ayso, qayrkeed kaharayso taariikhdana kabaxayso. (Libaax hogaaminaya bulsho Bakaylayaal ah ayaa ka wanaag iyo waxtar badan, bulsho libaaxyo ah oo uu bakayle hogaaminayo). Ummadaha la isticmaarsaday ama laqabsaday waa Ummado waayay Hogaan ujeexa Jidkay kugaari lahaanyeen Guul, Horumar, Haybad iyo Awood lagaga cabsado, siuuna cadaawuhu udamcin inuu qabsado, bililiqaysto, dhalangadiyo, kadibna isagu maareeyo xaadirkooda iyo mustaqbalkooda labadaba. Hoggaamintu waxay la cimri tahay aadamaha. Eebbe (SW), ka hor intuusan abuurin Nebi Aadam (CS), wuxuu malaa’igta ku wargeliyey in uu abuurayo ‘khaliifa’[1]. Sheekh Qurdubi, isagoo aayaddaas daliishanaya, ayuu ku doodaa in hoggaamiyaha Islaamka loo bixiyo khaliifa. In kastoo, hoggaamintu la fac tahay aadamaha, laga qoray buuggaag sare u dhaafaya 45,000[2] iyo qoraalo aan ka yarayn 155,000,000[3], sanadkii walbana lagu kharash gareeyo lacag sare u dhaafaysa $100 bilyan tababarista iyo hagidda hoggaamiyayaasha, haddana, waxa la isku waafaqsan yahay in aan weli wax weyn laga aqoon. Ragga qaarkiis, tusaale ahaan, Burns (1979) waxayba yiraahdaan ‘waa mawduuca loogu hadalhaynta badan yahay, looguna fahanka yar yahay’. Inkastoo, adduunka oo dhammi baahi weyn u qabo fahanka hoggaaminta, haddana, Soomaalidu, baahi ka badan baahida ummadaha kale u qabaan ayay u qabtaa. Waayo, dhammaan dhibaatooyinkii soo maray Soomaaliya 500 sano ee la soo dhaafay waxay salka ku ku hayeen hoggaan xumo. Tusaale ahaan, Soo gelitaankii gumaysiga iyo qayb-qaybintii geyiga Soomaalida labadaba waxaa saldhig u ahaa hoos u dhac ku yimid tayadii hoggaamiyayaasha Soomaalida. Sidoo kale, faqriga, gaajada, jahliga, inxiraafka caqiidada, dagaallada micno-darrada ah, miyir-gaddoonka mujtamaca, xaalufinta degaammada, qashinka lagu aasayo dhulka Soomaalida, dhammaan waxaa mas’uul ka ah dad aan u qalmin hoggaamin ummadeed, dad aan samayn karin hiraal qaran, dad aan qiyam iyo sharaf midna lahayn oo marooqsaday masiirkii ummadda. Mudnaanta ay leedahay in lahelo Hogaan sax ah, waamid aad u weyn, maxaayeelay waxaa badan dadku inay ku daydaan ama qaataan tilmaamaha hogaamiyahooda, (Dadku waxay qaataan dabeecadaha iyo Diinta uu haysto Hogaamiyahoodu). Rasuulkenii suubanaana wuxuu yiri (2 Qaybood oo Bulshada kamid ahi haday toosaan/Wanaagsan yihiin, Bulshada oo dhan wey toostaa, labadaasina waa Culimada iyo Madaxda). Hadaba yaa Hogaamiye noqon kara, maxayse yihiin tilmaamaha Hogaamiyuhu? Hogaamiye waa qof lagu daydo, oo Ummada inteeda kale u ah Tusaale oo Rabbi uu siiyay Tilmaamo sare, oo kasoocaya dadka intiisa kale. Tilmaamahaa qaar waa lagu soo dhashaa ama ladhaxlaa, qaarna waa lagu tababartaa, ama waa lays baraa. (Waxaa layiri saxaabi la oran jiray Mucawiye ibn abi Sufyaan ayaa ninbaa arkay isagoo yar oo hooyadiis wado, wuxuuna yiri, wiilkani wuxuu noqon doonaa hogaamiyaha Carabta, hooyadiina waxay tiri; haduuna Aduunyada hogaaminin waaban gablamay). Dhab ahaana wuxuu Mucaawiye unoqday waqtigiisii hogaamiyaha Aduunyada ugu awooda iyo xooga badan, taasina waxay caddaynaysaa in tilmaamaha Caqliga, Maamulka, Deganaanta, Xilkasnimada ilmaha oo yar laga arki karo, kadibna loo baahan yahay in loosii adkeeyo, lagu sii tababaro, sida ay Mucaawiye hooyadii kutaa-maysay. Hogaamiye waa qof kufikiri kara inuu Guulo sare xaqiijiyo isagoo adeejinaya ama shaqa-galinaya Ummada oo dhan. Isla markaana Ummadu ay siinayso kalsooni iyo jacayl daacadnimo, maadaama uu iyada ushaqaynayo, hormarinayo, danaheeda ilaalinayo, jiritaankeeda siixoojinayo. Tilmaamaha lagarabo hogamiyaha wanaagsani way badan-yihiin, balse hadaan beegsano kuwa ugu mudnaanta badan, waxaan soo qaadan karaa kuwan soo socda: 1. Dulqaad, oo qof aan lahayn Dulqaad oo xanaaq badan, lana dagaalamaya qofkasta Hogaaiye manoqon karo. 2. Deeqsinimo: qof ay ku adagtahay wax bixinta iyo gacan iska hormarintu ma hogaamin karo Bulsho, maxaayeelay dadka qaarbaan kuu hogaan-samaynin hadaada Afka wax ugalinin. 3. Caqli badan iyo garasho sare, siuu ukala sooci karo dhacdooyinku mudnaanta ay kala leeyihiin, waxa kadhalan kara iyo jawaabta uguhaboon ee laga bixin karo. (waxaa layiri doqonku wuxuu fiiriyaa cirbihiisa hoostooda, Caaqilkuna wuxuu fiiriyaa aragiisu meesha uu kudhamaado). Marka qofka doqonka ahi meeshii uu kalmad kujawaabi lahaa, Dagaal buu kabilaabaa, meeshii Dagaal iyo raganimo ubaahnaydna wuu kaseexdaa. 4. Karti iyo Awood waxqabad, oo qof Daciif ah/ waxmatare ahi, hogaamiye sare manoqon karo, maxaayeelay qofka daciifka ah waa laga talaabsan, ummadiina waa laqabsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood lagaga haybaysto. 5. Cilmi iyo Aqoon uu kufahmo dhacdooyinka iyo geedi socodka Aduunyada, oo qof dhoohan oo Jaahil ahi naftiisaba maho-gaamin karo maadaama ay adagtahay inuu kalagarto Khayrka iyo sharta, waxa qiimaha leh iyo waxa aan qiimaha lahayn. Labadaa Tilmaamoodna (Kartida iyo Cilmiga) Rabbi baa Qur´aanka kusheegay dhawr jeer, isagoo kuyiri carabka gabadhii Nabi Shucayb markay kahad-laysay Tilmaamaha Nabi Muuse: إن خير من استأجرت القَويُ الأمين Nabi Yuusufna markuu kacodsanayay Boqorkii Fircoon ahaa inuu kadhigo wasiirka Lacagta wuxuu yiri waxaan ahay (Qof wax ilaalin kara, lehna Aqoon sare). 6. Sabar, adkaysi iyo Dulqaad, oo qof naxdin badan oo argagaxaya markuu waxyar oo khatara arko, ama oynaya sida Ciyaalka, Hogaan sare manoqon karo, maxaayeelay Oohintii iyo argagixi Ciidanka ayuu ku daaranayaa, halkaana ummadii baa ku jabaysa. 7. Iimaan dhab ah ama mabda uu rumaysan yahay siadagna uhaysto, (Yaqiin) diyaarna uah inuu Ummadiisa kuhogaamiyo kuhormariyo. Labadaa tilmaamoodna Rabbi wuxuu ku sheegay Aayadan; وجعلناهم أئمة يهدون بأمرنا لما صبروا وكانوا بآياتنا يوقنون 8. Latashi iyo talaqaadasho, oo qofka aan dadka latashanini wuxuu noqonayaa kaligii taliye, taana waa lagujabaa, waana mid aan waqtiga xaadirka ah ka dharagsanahay xumaanteeda iyo dhibka aykeento. Waxaa kamid ahaa dhaqankii Rasuulkeenii suubana (scw) inuu ku oranjiray Saxaabadiisa markasta oo ay kahortimaado arin muhiima ahi (ashiiruu calayya ayuhanaas = dadyahaw tala isiiya/ ilataliya). Qofkii dadka latashadaa caqligooduu lawadaagaa, kala faaiidaystaa, wuxuuna ku abuuraa ixtiraam iyo qadarin, qofka dadka talada kaqaadaana isagaa iscariirya, dadkana wuu duleeyaa wuxuuna dareensiiyaa liid iyo dulinimo. Talooyin aan usoo jeedinayo walaalaha Soomaaliyeed. Haddii aan dooneyno inaan u noqono umadeena hogaan ay kunasato kuna hilmaamto dhibka haysta , waxaa waajib ah inaan yeelano tilmaamaha suuban ee looga baahanyahay qofka hogaanka ah, xitaa haddii aanan u dhalanin waan baran karnaa nafteenana waan kutababari karnaa. Isbadalka aan raadineyno waa inuu kayimaada ama aan kubilownaa nafteena, qofkastoo naga mid ah haddu naftiisa hogaanka u qabto wax badan waa ku guuleysan karnaa inaan badalno. Wadankeena Somalia waxaa ka jira ururo fara badan oo magacyo badan,kuwaas oo leh ujeedooyin kala duwan, balse waxaa aad uyar wax qabadkooda, haddaa nahay WALAALAHA SOOMAALIYEED ma dooneyno inaan isku miisaan noqono ururada faraha badan ee kajira dalka, ama aan badino tiradooda, waa inaan hirgalinaa URUR U HORSEEDA UMADDA WAJI CUSUB, HORUMAR LATAABAN KARO, DADKEENA BARNAA INEY JIRAAN DHALIN YARO WAX TAR LEH UNA HEELAN DALKOODA IYO DADKOODA. Waa inaan xambaarnaa hammi umadeed, kaalinta aan kuleenahay bulshada aan buuxinaa, Hamiga aan xambaarsanahay waa inaan ubadalnaa wax qabad muuqda, qof aan lahayn wax uu kuhaminayo waa qof noloshiisa kuqaadanaya niyad jab iyo dayacnaan. Umad walba waxey wax kunoqotaa waa Hoggaan wanaagsan oo ay yeelato, umadeenu manta waxay u baahantahay waa dhalinyaro u istaagta wada jir una howlgasha si hagar la’aan ah. Dhaliyarawaa awood wax badali karta, waxaana haboon in ay noqdaan dad horseeda isbadal wanaagsan, lana dagaalama waxyaabaha xun. Kuwaas oo ay wayn tahay qabyaaladu W/Q.mohamed mahad muhumed (mmm)
WAA MAXAY HOGAAMIYE(LEADER)?
Waa Maxay Hogaamiye?
Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa u horqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo samo- katalinta. Waxaana la hogamiyaa bani aadamka uu Ilaahay garashada siiyay, kuna abuuray doonida iyo jacaylka waxa wanaagsan oo kaliya.
Sidaa darteed xoolaha lama hogaamiyee waa lakaxeeyaa, ama gadaal baa laga cadaadiyaa si ay usocdaan. Ummadkasta oo rabta inay gaarto Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh tilmamihii hogaamiye-nimo, ee Ummada lagu horseedi lahaa.
Hadii kalase Ummadii way gablamaysaa ama agoomoobaysaa, waxaana ka lumaya jidkay qaadi lahayd, waxayna daba martaa dhinacay ku badbaadi lahayd. Waxaana dhici karta inay iyadii is cunto, iska hortimaado, isdisho, kadibna ay dhumiso jiritaankeedii, sumcadeedii iyo Qaranima-deedii inataba.
Waxaa lays weydiin karaan Ummadi manoolaan kartaa Hogaan la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhicikarto inay jirto, noolaato, horumar samayso Ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda kataliya, magaceeda iyo sumcadeeda kor uqaada.
Hogaanku wuxuu u yahay Ummadaha sida uu maduxu u yahay Jirka intiisa kale, waxaana inoo cad in Jir aan madax lahayni uusan noolaan karin, sidaa oo kale ayayna unoolaan karin Ummad aan Hogaan wanaagsan lahayni.
Tusaale kale hadaan soo qaadano; Ummadu waxay lamid tahay dad saaran Doon, rabana inay Wabi weyn gudbaan /talaabaan, waxaana qassab ah inay haystaan Darawal ay kukalsoon yihiin, isaguna daacad uah, sifiican uyaqaana wadida doonta, garashana uleh siday dadku Wabiga iyogoo nabad ah utalaabi lahaayeen.
Caddaynta ugu weyn ee taa aan usoo qaadan karraa waa in Markuu Rasuulkeenii Suubana (scw) dhintay, Saxaabadii ayna kudegdagin inay duugaan Meydka aadka usharafta badan, iyagoon dooranin Khaliifa/ Hogaamiye Ummada majaraha uqabta. Saddex maalmood ayayna wadeen wadatashi iyo loolan hogaamiye doorasho.
Waxayna doorteen Abuubakar Alsidiiq, Rabbi haka raali noqdee, isaga ayaana qabtay Khaliif-nimadii ummada, loogana amar qaatay sidii Rasuulka (scw) loo duugi lahaa lafteeda. Waxaa kaloo taa sii caddaynaya inuu Rasuulku (scw) yiri (hadday saddex qof Safar ubaxaan ha doorteen Amiir/ Hogaamiye talada uqabta) siayna isaga hor imaanin. Maxaayeelay Ilaahay wuxuu ubuuray shaykasta Nidaam isku xirnaan, iskaalmayn, kala danbayn iyo isdhamaystir.
Waana sida uu Rabbi udhisay Cirka iyo Dhulka, Badda iyo Barriga, Buuraha iyo Dooxooyinka iwm. Intaa aan soo sheegnay iyo dhamaan Unugyada kale ee Aduunku way iswada dhamaystiraan, waxayna leeyihii system ay kukala socdaan, kuwada shaqeeyaan, midwalibana keeno kanlkale intii ka dhimanayd ama intii isaga looga baahnaa, isagoon kuwii kale dhibin, kana hor imanin.
Sidaa oo kale ayaana Ummada looga baahan-yahay inay yeelato Hogaan kala-haga, isku xira, danaheedii guud ilaaliya, qaybkasta oo Bulshada kamid ahna amra inay kasoo baxdo shaqadii ay lahayd, iyadoon kahor imaanin qaybihii kale ee bulshada.
Sidaa darteed waxaa hubaal ah in haday Ummadu weydo Hogaan fiican, oo Caqli, Cilmi, Xilkasnimo iyo daacadnimo isku darsaday inay jabayso baaba´ayso, qayrkeed kaharayso taariikhdana kabaxayso. (Libaax hogaaminaya bulsho Bakaylayaal ah ayaa ka wanaag iyo waxtar badan, bulsho libaaxyo ah oo uu bakayle hogaaminayo).
Ummadaha la isticmaarsaday ama laqabsaday waa Ummado waayay Hogaan ujeexa Jidkay kugaari lahaanyeen Guul, Horumar, Haybad iyo Awood lagaga cabsado, siuuna cadaawuhu udamcin inuu qabsado, bililiqaysto, dhalangadiyo, kadibna isagu maareeyo xaadirkooda iyo mustaqbalkooda labadaba.
Hoggaamintu waxay la cimri tahay aadamaha. Eebbe (SW), ka hor intuusan abuurin Nebi Aadam (CS), wuxuu malaa’igta ku wargeliyey in uu abuurayo ‘khaliifa’[1]. Sheekh Qurdubi, isagoo aayaddaas daliishanaya, ayuu ku doodaa in hoggaamiyaha Islaamka loo bixiyo khaliifa. In kastoo, hoggaamintu la fac tahay aadamaha, laga qoray buuggaag sare u dhaafaya 45,000[2] iyo qoraalo aan ka yarayn 155,000,000[3], sanadkii walbana lagu kharash gareeyo lacag sare u dhaafaysa $100 bilyan tababarista iyo hagidda hoggaamiyayaasha, haddana, waxa la isku waafaqsan yahay in aan weli wax weyn laga aqoon. Ragga qaarkiis, tusaale ahaan, Burns (1979) waxayba yiraahdaan ‘waa mawduuca loogu hadalhaynta badan yahay, looguna fahanka yar yahay’.
Inkastoo, adduunka oo dhammi baahi weyn u qabo fahanka hoggaaminta, haddana, Soomaalidu, baahi ka badan baahida ummadaha kale u qabaan ayay u qabtaa. Waayo, dhammaan dhibaatooyinkii soo maray Soomaaliya 500 sano ee la soo dhaafay waxay salka ku ku hayeen hoggaan xumo. Tusaale ahaan, Soo gelitaankii gumaysiga iyo qayb-qaybintii geyiga Soomaalida labadaba waxaa saldhig u ahaa hoos u dhac ku yimid tayadii hoggaamiyayaasha Soomaalida. Sidoo kale, faqriga, gaajada, jahliga, inxiraafka caqiidada, dagaallada micno-darrada ah, miyir-gaddoonka mujtamaca, xaalufinta degaammada, qashinka lagu aasayo dhulka Soomaalida, dhammaan waxaa mas’uul ka ah dad aan u qalmin hoggaamin ummadeed, dad aan samayn karin hiraal qaran, dad aan qiyam iyo sharaf midna lahayn oo marooqsaday masiirkii ummadda.
Mudnaanta ay leedahay in lahelo Hogaan sax ah, waamid aad u weyn, maxaayeelay waxaa badan dadku inay ku daydaan ama qaataan tilmaamaha hogaamiyahooda, (Dadku waxay qaataan dabeecadaha iyo Diinta uu haysto Hogaamiyahoodu).
Rasuulkenii suubanaana wuxuu yiri (2 Qaybood oo Bulshada kamid ahi haday toosaan/Wanaagsan yihiin, Bulshada oo dhan wey toostaa, labadaasina waa Culimada iyo Madaxda).
Hadaba yaa Hogaamiye noqon kara, maxayse yihiin tilmaamaha Hogaamiyuhu?
Hogaamiye waa qof lagu daydo, oo Ummada inteeda kale u ah Tusaale oo Rabbi uu siiyay Tilmaamo sare, oo kasoocaya dadka intiisa kale.
Tilmaamahaa qaar waa lagu soo dhashaa ama ladhaxlaa, qaarna waa lagu tababartaa, ama waa lays baraa. (Waxaa layiri saxaabi la oran jiray Mucawiye ibn abi Sufyaan ayaa ninbaa arkay isagoo yar oo hooyadiis wado, wuxuuna yiri, wiilkani wuxuu noqon doonaa hogaamiyaha Carabta, hooyadiina waxay tiri; haduuna Aduunyada hogaaminin waaban gablamay).
Dhab ahaana wuxuu Mucaawiye unoqday waqtigiisii hogaamiyaha Aduunyada ugu awooda iyo xooga badan, taasina waxay caddaynaysaa in tilmaamaha Caqliga, Maamulka, Deganaanta, Xilkasnimada ilmaha oo yar laga arki karo, kadibna loo baahan yahay in loosii adkeeyo, lagu sii tababaro, sida ay Mucaawiye hooyadii kutaa-maysay.
Hogaamiye waa qof kufikiri kara inuu Guulo sare xaqiijiyo isagoo adeejinaya ama shaqa-galinaya Ummada oo dhan. Isla markaana Ummadu ay siinayso kalsooni iyo jacayl daacadnimo, maadaama uu iyada ushaqaynayo, hormarinayo, danaheeda ilaalinayo, jiritaankeeda siixoojinayo.
Tilmaamaha lagarabo hogamiyaha wanaagsani way badan-yihiin, balse hadaan beegsano kuwa ugu mudnaanta badan, waxaan soo qaadan karaa kuwan soo socda:
1. Dulqaad, oo qof aan lahayn Dulqaad oo xanaaq badan, lana dagaalamaya qofkasta Hogaaiye manoqon karo.
2. Deeqsinimo: qof ay ku adagtahay wax bixinta iyo gacan iska hormarintu ma hogaamin karo Bulsho, maxaayeelay dadka qaarbaan kuu hogaan-samaynin hadaada Afka wax ugalinin.
3. Caqli badan iyo garasho sare, siuu ukala sooci karo dhacdooyinku mudnaanta ay kala leeyihiin, waxa kadhalan kara iyo jawaabta uguhaboon ee laga bixin karo. (waxaa layiri doqonku wuxuu fiiriyaa cirbihiisa hoostooda, Caaqilkuna wuxuu fiiriyaa aragiisu meesha uu kudhamaado). Marka qofka doqonka ahi meeshii uu kalmad kujawaabi lahaa, Dagaal buu kabilaabaa, meeshii Dagaal iyo raganimo ubaahnaydna wuu kaseexdaa.
4. Karti iyo Awood waxqabad, oo qof Daciif ah/ waxmatare ahi, hogaamiye sare manoqon karo, maxaayeelay qofka daciifka ah waa laga talaabsan, ummadiina waa laqabsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood lagaga haybaysto.
5. Cilmi iyo Aqoon uu kufahmo dhacdooyinka iyo geedi socodka Aduunyada, oo qof dhoohan oo Jaahil ahi naftiisaba maho-gaamin karo maadaama ay adagtahay inuu kalagarto Khayrka iyo sharta, waxa qiimaha leh iyo waxa aan qiimaha lahayn. Labadaa Tilmaamoodna (Kartida iyo Cilmiga) Rabbi baa Qur´aanka kusheegay dhawr jeer, isagoo kuyiri carabka gabadhii Nabi Shucayb markay kahad-laysay Tilmaamaha Nabi Muuse: إن خير من استأجرت القَويُ الأمين
Nabi Yuusufna markuu kacodsanayay Boqorkii Fircoon ahaa inuu kadhigo wasiirka Lacagta wuxuu yiri waxaan ahay (Qof wax ilaalin kara, lehna Aqoon sare).
6. Sabar, adkaysi iyo Dulqaad, oo qof naxdin badan oo argagaxaya markuu waxyar oo khatara arko, ama oynaya sida Ciyaalka, Hogaan sare manoqon karo, maxaayeelay Oohintii iyo argagixi Ciidanka ayuu ku daaranayaa, halkaana ummadii baa ku jabaysa.
7. Iimaan dhab ah ama mabda uu rumaysan yahay siadagna uhaysto, (Yaqiin) diyaarna uah inuu Ummadiisa kuhogaamiyo kuhormariyo. Labadaa tilmaamoodna Rabbi wuxuu ku sheegay Aayadan; وجعلناهم أئمة يهدون بأمرنا لما صبروا وكانوا بآياتنا يوقنون
8. Latashi iyo talaqaadasho, oo qofka aan dadka latashanini wuxuu noqonayaa kaligii taliye, taana waa lagujabaa, waana mid aan waqtiga xaadirka ah ka dharagsanahay xumaanteeda iyo dhibka aykeento. Waxaa kamid ahaa dhaqankii Rasuulkeenii suubana (scw) inuu ku oranjiray Saxaabadiisa markasta oo ay kahortimaado arin muhiima ahi (ashiiruu calayya ayuhanaas = dadyahaw tala isiiya/ ilataliya). Qofkii dadka latashadaa caqligooduu lawadaagaa, kala faaiidaystaa, wuxuuna ku abuuraa ixtiraam iyo qadarin, qofka dadka talada kaqaadaana isagaa iscariirya, dadkana wuu duleeyaa wuxuuna dareensiiyaa liid iyo dulinimo.
Talooyin aan usoo jeedinayo walaalaha Soomaaliyeed.
Haddii aan dooneyno inaan u noqono umadeena hogaan ay kunasato kuna hilmaamto dhibka haysta , waxaa waajib ah inaan yeelano tilmaamaha suuban ee looga baahanyahay qofka hogaanka ah, xitaa haddii aanan u dhalanin waan baran karnaa nafteenana waan kutababari karnaa.
Isbadalka aan raadineyno waa inuu kayimaada ama aan kubilownaa nafteena, qofkastoo naga mid ah haddu naftiisa hogaanka u qabto wax badan waa ku guuleysan karnaa inaan badalno.
Wadankeena Somalia waxaa ka jira ururo fara badan oo magacyo badan,kuwaas oo leh ujeedooyin kala duwan, balse waxaa aad uyar wax qabadkooda, haddaa nahay WALAALAHA SOOMAALIYEED ma dooneyno inaan isku miisaan noqono ururada faraha badan ee kajira dalka, ama aan badino tiradooda, waa inaan hirgalinaa URUR U HORSEEDA UMADDA WAJI CUSUB, HORUMAR LATAABAN KARO, DADKEENA BARNAA INEY JIRAAN DHALIN YARO WAX TAR LEH UNA HEELAN DALKOODA IYO DADKOODA.
Waa inaan xambaarnaa hammi umadeed, kaalinta aan kuleenahay bulshada aan buuxinaa, Hamiga aan xambaarsanahay waa inaan ubadalnaa wax qabad muuqda, qof aan lahayn wax uu kuhaminayo waa qof noloshiisa kuqaadanaya niyad jab iyo dayacnaan.
Umad walba waxey wax kunoqotaa waa Hoggaan wanaagsan oo ay yeelato, umadeenu manta waxay u baahantahay waa dhalinyaro u istaagta wada jir una howlgasha si hagar la’aan ah.
Dhaliyarawaa awood wax badali karta, waxaana haboon in ay noqdaan dad horseeda isbadal wanaagsan, lana dagaalama waxyaabaha xun.
Kuwaas oo ay wayn tahay qabyaaladu
W/Q.mohamed mahad muhumed (mmm)
Subscribe to:
Posts (Atom)
Featured Post
Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53
Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...
Popular posts
-
Maansadii DABA-TAXAN iyo Macallin Gaarriye: “...Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan...” Tixdan oo magaceedu yahaay “Daba...
-
DIB UGU LAABO MAANSADII DAALACAN!! Abwaanka waxaa ama suugaan yahanka waxaa lagu tilmaamaa il-dheer garad ama (Guhaan). Ka f...
-
Taariikhda Maguuraanka ah ee 21ka Octoobar 1969kii Talada wadanka soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii Qalabka s...
-
XUJADII ABWAANKA Dix-Dhagaxeed” C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa Hanad Soomaaliyeed oo haybaddii ma...
-
Waa Maxay Hogaamiye? Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa u horqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo samo- katali...
-
FAARAX NUUR WACAYS (IHN) Aakhiru Sabaan Abwaanku isaga iyo dadkii uu maalintaas hoga-tusaalaynay ba waa kuwo aanay cidi ka ...
-
Afeef. Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi- Markii m...
-
Guuguule waaa shinbir ka mid ah kuwa ugu caansan geyiga soomaaliyeed iyo dhulalka carbeed, guuguuluhu wuxuu ka mid ahaa ciidamadii neb...
-
Erayga wadaniyad{patriotic} ama fikirka iyo ficilka wadaniyada{patriotism} waa eray ay aadanahu ku baraarugeen isticmaalkiisa taariikh...
-
DIIWAANKA QOSOLKA Waa Sheeko ku jirta Buuga Diiwaanka Qosolka. Aqiinkaan Ku Garan ee Iska Daaya!!!. Intii aan Buugga Arag ama sheek...