Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Dunida heerka ay marayso qarnigan, madaxa la galay 2023 waxaynu odhan karnaa waxaynu qayrkeen ka hadhnay oo geediga iyo nolosha Aadamaha ee casriga ah ka dambaynaa mid tusaale loogu soo qaadan karo inay ka badan tahay tirsiga taariikhda miilaadiga ah ee dunidu tirsato in leeg marka aynu eegno sida quluubteena uu jahligu u biyo dhigay.
Rusheeyaha, Cilaajka, Geeddo gooyaha, Shan-badhyoodlaha, Fooxisada, Faaliyaha, iyo Abrisyada ay dadkeenu caafimaadka u raadsadaan iyagoo safaro dhaadheer qaarkood u gala.
Kuwaas oo isugu qoosha kumanaan Geedo-qaaqle, oo aanay garanayn saamaynta caafimaad ee ka dhalan karta intaas oo Geed oo la isku qooshay iyo wax badan oo kale oo loo adeegsado marka la qooshayo.
Kuwaas oo halis badan oo Nafeed gaysta balse aanay cidi kula xisaabtamin.
Waxa taas dheer tirada Pharmacy yada dalka ku yaal oo tirakoob 2009 la sameeyay lagu sheegay 5000 iyo dheeraad pharmacy.
Marka laga shidaal qaato inta ku kordhi karta intaas 2023 kolay laban laab kood ka ag eeg.
Ka dib burburkii dawladnimo ee Somalia ma jirin jaamacado bixiya cilmigaas Pharmacist ka.
Hadii laga tegi waayo wax soomaali ah oo si cilmiyaysan u qaatay aqoontan waxa la xusi jiray 2 Oday oo midna koonfur ku noolaa midna Hargaysa kuwaas oo la sheegi jiray inay dawada cilmi ahaan u soo barteen.
Xiligii dawaldii kacaanka, labadaas nin lodkii ku soo xigay ee cilmi ahaan u bartay dawadu waxay ku beegnaayeen 2015 kii tiradoodana aan ku qiyaasi karo 21 qof oo heer Degree ah kuwaas oo ka baxay Jaamacada Edna University Hospital marka laga reebo laba qof xiligaas ka hor ka soo baxay Dalka Ethiopia jaamacado ku yaala kuwaas oo mid ka mid ahi Geeriyooday (AHN).
Bal waxaad qiyaastaa waxaas oo dalka pharmacy ku yaala ee dadka dawada ku miisaya inta pharmacy ee qof aqoon ku hagayaa joogo ama bixin kara talooyinka caafimaad ee qofka cilmiga dawada bartay looga baahan yahay sida.
Tusaale
1. Drug-drug interactions
2. Food drug interactions
3. Side effects
4. Dose and Dosages
inuu siiyo qofka bukaanka ah inta yihiin?
Sow lama odhan karo bulshadeena inta Xanuun asiibay u dhimatay waxa ka badan inta halis Dawo iyo nidaam xumo loo siiyay ama mid aan aqoon ahaan qofka bukaanka ah dhaamini siiyay, ee ku sumowday, ama kelyaha iyo Beerku fadhiisteen ayaa tamuuxaa ka badan ka dib markii iyagana la isugu daray intaas oo Dawo oo kala duwan kuwaas oo hadii aqoon iyo taxadir lagu bixin qaarkood hadii qofka bukaanka ahi hal mar wada qaato ama wada isticmaalo inuu ku sumoobi karo, ama halis caafimaad oo ka daran tii laga dawaynayay geli kara.
Waa halis cilmiga dawada ee ku kooban bowsiga iyo sadixda waqti xabad ka liq ama laba laba deey
Ee aanay wax kale wehelin.
Dhawaan waxaan balaysimi doonaa ishaalah.
Xarun Caafimaad oo kuwaas aan soo sheegay ka duwan. Sidoo kalena bulshada iyo qofka bukaanka ah dawada uu qaadanayo si cilmiyaysan loogala talin doono.
Dawada uu qaadanayo qaabka uu qaadanayo dawada kale aanu waqti isku mid ah la qaadan karin,
Dawada uu qaadanayo iyo Cuntooyinka ama Sharaabka aanu la qaadan karin, iyo halsita caafimaad ee ka dhalan karta qaarkood.
Inta dawada qaadanayo dhibaatada la fili karo inay dhacaan inta qofka bukaanka ahi dawada qaadanayo iyo la tacaalistooda, Wacyigelin iyo talo bixin wixii uu qofku u baahan yahay ee la xidhiidha Dawooyinka.
#healthcare
mohamed-mahad.blogspot.com
Mohamed Mahad Muhumed
Monday, May 20, 2024
Tuesday, February 7, 2023
Imported post: Facebook Post: 2023-02-07T06:55:30
Qoraal ka soo baxay W. Arimaha Gudaha.
WAR-SAAFADEED:
Hargeysa-07-02-2023()- Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada.
Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.
Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.
Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.
Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac.
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
Monday, February 6, 2023
Imported post: Facebook Post: 2023-02-06T19:55:53
Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay wadahadal kasta si xal loogu helo xaaladda cakiran ee ka taagan Laascaanood.
Qoraal Luuqadda Ingiriisaga ku qoran oo la shaaciyay ayaa lagu sheegay in xukuunaddu tallaabadan u qaadayso si looga fogaado dhiig daata iyo khasaare shacabka gaadha.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wafdi ku sugan yihiin Laascaanood si arrinta waan waan loogu dhammeeyo balse saaka la soo weeraray goobtii ay degganaayeen sida qoraalka ku xusan.
Laascaanood dagaalkii saaka ka bilowday ayaa gabal dhicii soo gaadhay iyadoo dagaalku sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.
Saturday, February 4, 2023
Imported post: Facebook Post: 2023-02-04T23:43:09
Ilaahay ka sokow waxa mahad oo dhan iska leh shaqaale waynaya Dawladda Hoose ee Hargaysa #DDH oo hadh iyo habeen ba heegan ugu jira in ay ummaddooda u shaqeeyaan oo ay dalkooda dhistaan, iyo shacabka ku dhaqan Caasimadda ee horumarka jecel.
Saeed Nour Jama well done xoghaye
Wednesday, February 1, 2023
Imported post: Facebook Post: 2023-02-01T20:39:31
War Saxaafadeed
Gudida Horumarinta Beelwaynta Arab Ee Afgarad
Guddida Horumarinta Ee Beelaha Arab Ee Afgarad, waxay Saxaafada kala Duwan iyo Cid kastoo kale u cadaynaysaa ,in Aanu Magaca Beelaha Arab Aheyn Mid Si fudud Iyo Sifo kasta Loo Adeegsadan karo,
Beelaha Arab Ee Deegaan ahaan degan Somaliland Ethopia ,iyo Somalia iyo Sidoo kale Ku Kala Sugan Daafaha Caalamka Ee Sheekh Iyo Shariif ba leh Waxay Ku Hadli karaan Arin la lafo Guray iyo Tallo ilaa Gun Iyo Baar Loo Gondo Degay, Oo Aan Aheyn Gurdanraac.
Hadaba Magaca Beelaha Arab Wax Si Dhab ah Aan Dhalanteed Ku Jirin ugu Hadli kara, Salaadiinta Rasmiga ah , Cuqaasha Idman Iyo Guddida Horumarinta Beelaha Arab Ee Afgarad, iyo Sidoo kale guddida Dhalinyarada ee Intifaac oo ka hadli Kara tabashada Dhalinta, ka dib Markay La Tashi la Sameeyaan Madax dhaqameedka, iyo Guddida Sare Ee Afgarad.
Markay Sidaa tahay, Waxaan Cod Dheer kaga Digaynaa Laamaha Amaankana La Socodsiinaya Cid Kasta oo Magaca Beelaha Arab U Adeegsata Qaab Fawdo Ah.
Waxaan Si Gaar Ah Ugu Digaynaa Tv ga Horyaal TV Oo U Dhaqmaya si Ka baxsan Anshax Suubsn ee Saxaafada
Dhanka kale Qof kasta Oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelaha Arab Oo Wax Saluugsan Wax Loogu Baaqaya In Saluugiisa Iyo Sida Uu Xalka U Arko Uu la yimaado Guddiyada Jira iyo Madaxda Dhaqanka, isagoo Qofkaasi Dhawraya Sharaftiisa, Milgaha Iyo Maamuska Beelaha Arab
Ugu Danbeyn Qaar Ka Mid Ah Shacabiyada Arab wax Si Gaar Ah Loogu Sheegayaa In aanay Arabnimadu Aheyn Beed Yar oo Jabaya
Ee Ay Tahay Wax Bir Ka Adag Oo Burji Iyo Buruud U Gaar Ah leh
Ugu Danbeyn Magac Arab Waa mid Burhaantiisa leh oo Aan loo Baqaheyn
Wabilaahi Tawfiiq
Alla Mahad leh
Guddida Horumarinta Beelaha Arab ee Afgarad
Tuesday, January 31, 2023
NINKII CABANAYOW MAQAL
Ninkii cabanayoow maqal .
maamulkaa cirkaa tagay
Dadweynuhu ku ciil baxay
Haka daba cabaadine
Caloolyowga naga daa
Casho kii u baahdoow
Xaaraan la cunijiray
Taawaa la cidhib tiray
Maamulkaa cartamayaa
Caadaqatayashii cidhib tiray
dhamaantood
Caadilkii na uumaa
Dadkii wada cadhaysnaa
Caynaano uga dhigay
Maayarkaa cajiibka ah iyo
Siciid oo ku caanbaxay
Inay hawsha curiyaan
Miyaad caawa moogtahay
Aan kuu cadeyee
caasimada soo eeg
sow taas cagaarka ah.
Dooxana camuudii
Caruuruhu ku loolaan
Shaxda lagu ciyaaree
Caafimaadka laga helay
Caglilaawayow xumi
laaluush la cuurtaad
cindigaaga calisee
orodoo cirkaa qabo.
Caasimada nuurtaa
ciilkaa hayaayoo!
La soco
Hamud Qasin
Imported post: Facebook Post: 2023-01-31T07:29:10
Dadka kale qofkiisii wax tara way tixgaliyaane
Idinkuna caqliga taabudkaa waad ku tumataan
Tartar baad ka dhaaftaan qofkii toos idiin wada
Subscribe to:
Posts (Atom)
Featured Post
Imported post: Facebook Post: 2023-01-29T20:21:53
Dhibaatada daryeel xumada dhanka caafimaadka bulshadeena ka haysata gaar ahaan dhanka Dawada waa mid aan la aqbali karin marka loo eego Duni...
Popular posts
-
Maansadii DABA-TAXAN iyo Macallin Gaarriye: “...Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan...” Tixdan oo magaceedu yahaay “Daba...
-
DIB UGU LAABO MAANSADII DAALACAN!! Abwaanka waxaa ama suugaan yahanka waxaa lagu tilmaamaa il-dheer garad ama (Guhaan). Ka f...
-
Taariikhda Maguuraanka ah ee 21ka Octoobar 1969kii Talada wadanka soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii Qalabka s...
-
XUJADII ABWAANKA Dix-Dhagaxeed” C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) (AUN) waxa uu ahaa Hanad Soomaaliyeed oo haybaddii ma...
-
Waa Maxay Hogaamiye? Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa u horqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo samo- katali...
-
FAARAX NUUR WACAYS (IHN) Aakhiru Sabaan Abwaanku isaga iyo dadkii uu maalintaas hoga-tusaalaynay ba waa kuwo aanay cidi ka ...
-
Afeef. Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi- Markii m...
-
Guuguule waaa shinbir ka mid ah kuwa ugu caansan geyiga soomaaliyeed iyo dhulalka carbeed, guuguuluhu wuxuu ka mid ahaa ciidamadii neb...
-
Erayga wadaniyad{patriotic} ama fikirka iyo ficilka wadaniyada{patriotism} waa eray ay aadanahu ku baraarugeen isticmaalkiisa taariikh...
-
DIIWAANKA QOSOLKA Waa Sheeko ku jirta Buuga Diiwaanka Qosolka. Aqiinkaan Ku Garan ee Iska Daaya!!!. Intii aan Buugga Arag ama sheek...